Sunday, August 29, 2010

Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Siilaanyo oo Is Casilaaya iyo Khataraha ka Dhalan kara


Hargaysa(somalilandweb) W asiirada Wasaaradaha Gaashaan dhiga, Ganacsiga, bosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir ku Xigeenka
Arrimaha Gudaha oo Dhamaantood ka soo jeeda Beelaha Harti ee Dega Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Shalay isku shubay Qasriga Ma
 daxtooyada, waxaanay kulan G
 arnaqsi ah kala yeesheen Madaxwaynaha Saamiga uu Beelahooda ka siiyay Xilalka uu Magacaabay, waxaana la sheegay inay ugu hanjabeen inay iska casilayaan Xilalkooda hadii aan saamiga loo kordhin Mansabyada Xukuumada Cusub.




Kulankan ay yeesheen Wasiirada Beesha Harti iyo Axmed Siilanyo oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa la sheegay inay u qadimeen Cabasho la xidhiidha Miisanka Mansabyada uu ka siiyay Xukuumadiisa, oo ay sheegeen in aanay siinin Xukumadihii ka horeeyay ee C/raxmaan Axmed Cali, Cigaal iyo Daahir rayaale toona, kuwaasoo ay sheegeen, inay ka ahaayeen mid walba jagooyinka ugu mudan iyo saamiga ugu sareeya ee ay ku salayn jireen Xilalka ay Beelaha u dhiibayee, gaar ahaan waxay farta ku fiiqeen wakhtigii Xukuumadii Cigaal oo ay sheegeen inuu ugu hanjabay inay sheegaan halka ay xadka ka dhiganayaan hadii ay ku kalsoonaan wayaan soo jeedimihiisa.



Wasiiradan ayaa waxay sheegeen Xilalka ilaa hada uu Silanyo Magacaabay oo dhan 78 Xil oo isugu jira Wasiiro Hay’ado Madax banana iyo Agaasimayaal ay ku leeyihiin oo kaliya 8 Mansab oo kala ah



1) Wasiirka Gaashan dhiga

2) Wasiirka Ganacsiga

3) Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

4) Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha

5) La taliyaha Arrimaha Barige

6) Xubin ka mid ah Hayada Shaqaalaha



7) Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta
8) Iyo Hayada Wadooyinka oo ay sheegeen Xilkaasi markii la magacaabayay in soo jeedinta Jagadaasi oo ay lahayeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi iyo Chief of Cabeinka Xirsi Xaji Cali Xasan ay ku soo Magacaabeen Beelaha Harti iyo Hawiye, taasoo iyada lafteeduna aana ahayn Xil ay iyagu leeyihiin, waxaanay sheegeen hadii wax laga qaban waayo arrintaa inay is casilayaan isla markaana waxay Madaxwaynaha hortiisa ka cadeeyeen in Hawshii ahayd Xal u helida Gobolada Bariga ee ay Masuuliyiinta u yihiin aan lagu halayn oo aanay waxba ka qaban doonin.



Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee soo waajahda Xukuumada Siilanyo oo Beelo dhani saluuga ay ka qabaan Xukumadiisa ugu hanjabeen inay is casili doonaan iyadoo tan iyo intuu wax Magacaabayaba ay isa soo tarayaan Cabashooyin la xidhiidha Magacabistiisa oo la sheegayo inay mar walba dhinac uun ka rarantahay, taasoo bilawgii Xukuumadiisaba la Kowsatay Mudaharaadyo.



Cabdirashiid ducaale Qambi ooh ore u ahaan jiray wasiir ku xigeen doraadna Siilaanyo u magacaabay xubin ka mid ah hay’adda shaqaalaha oo ka soo jeeda gopbolka Sool islamarkaana ah siyaasi gacansaar dhaw la leh Siilaanyo ayaa warar u dhuun daloolaa sheegeen inuu ku dhawaaqay iscasilaadiisa, halka Fu’aad Aadan cadde oo loo magacaabay la taliye iyo wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali cadami laga hayo inay qaadayaan talaabo la mod ah taasi.



Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Cusman Bulaqaas oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Beesha Bariga Sanaag (Warsangeli) kana soo baxay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu hanjabay in haddii aanu siin Beesha saamigii ay xaqa u lahayd in ay ka tashan doonto isla markaana ay go’aan ka gaadhi doonaan.



Xildhibaan Bulaqaas oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda ayaa si cad u deedafeeyay qaab dhismeedka Xukuumada cusub ee Siilaanyo waxaanu sheegay in uu Madaxweynuhu ka balan qaaday in Saami ku filan beeshiisa laga siin doono Agaasimayaasha iyo Hay’adaha Madaxa Banaan ka dib markii uu Siilaanyo Golihiisa Wasiiradda uu Beesha ka siiyay Saami aan ku filnayn oo aan u qalmin sida uu sheegay Xildhibaanku waxaanu yidhi “Xukuumadan cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Axmed Maxamed (Siilaanyo) maaha mid isku dheeli tiran Beelo iska dhan oo xayndaabka Somaliland degen kana mida ayaa xuquuqdii ama saamigii ay ku lahaayeen xukuumadan cusun la duudsiyey, am la inkiray sababtaana waxaa ka masuula madaxwayne (Siilaanyo) iyo inta uu talada ka qaato, wixii ka yimaadana isagaa ka masuula Madaxwayne siilaanyo”.



Xildhibaan Bulaqaas wuxuu si cad u sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka balan qaaday inuu u uga cawadi doono kuraasta hadhay balse uu ku balan furay, taasina ay tahay ta keentay inuu Bulshadii uu ka soo jeeday u iftiimiyo in aan cidii ay wakiilka ka ahaayeen aan xaqoodii la siin taasina ay u bandhigayaan Bulshada Bariga Sanaag ee uu ka soo jeedo, isla markaan uu maray Madaxweyne Siilaanyo dhabadii Xukuumadii hore ee Rayaale ay ku go’doomisay Deegaankaasi.



Xildhibaan Bulaqaas waxa uu sheegay in rag uu ka mid yahay ay cagta mariyeen isla markaana ay gubeen codad faro badan oo uu rabay Xisbiga UDUB inuu ku shubto, waxaanu xusay in hanti faro badan ay ka maqan tahay isaga iyo hormoodka Beeshiisa

No comments:

Post a Comment