Monday, August 30, 2010

Muj. Cabdillaahi Askar: Halyey Somaliland ka Baxay oo si Heer Qaran ah loogu Aasay Hargeysa

“Wuxuu ahaa nin dadkiisa iyo dalkiisa jecel, waana ninkii naftiisa u huray halkan [Hargeysa] u soo baxay”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo







Hargeysa (somalilandweb)- Allaah ha u naxariistee Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ahaa halyey adag oo ka mid ahaa saraakiishii ugu cadcadaa ururkii SNM ee Somaliland xorreeyey iyo ciidankii xooggii Soomaaliya, ayaa shalay galab si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu isla shalay gelinkii hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala degmada 26-ka june.



Aaska marxuunka waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, saraakiishii iyo mujaahidiinta ururkii SNM, shirguddoonka golayaasha Baarlamanka, wasiiro, masuuliyiin axsaabta qaranka iyo dadweyne aad u tiro badan.


Masuuliyiinta iyo saraakiisha aaska ka qaybgalay ee aqoonta u lahaa marxuunka, ayaa ka warramay taariikh-nololeedkii iyo shaqsiyaddii Muj. Cabdillaahi Askar oo ku tilmaameen inuu ahaa nin halyey dalka iyo dadkiisaba jecel oo naftiisa u huray.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qaybgalay aaska marxuunka, ayaa ka sheekeeyey shakhsiyadii Cabdillaahi Askar oo ay in badan ku wada jireen halgankii ururkii SNM.


Ugu horreyn, Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku.


Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey taariikhdii marxuum Cabdillaahi Askar waxa uu yidhi; “Cabdillaahi Askar waxa uu ahaa shakhsi halgamaa aad u wayn ah, waanu soo wadagalnay halgankii dheeraa ee dalka lagu xorreeyey, muddo dheerna wuxuu ahaa madaxda iyo hoggaanka ciidammada, wuxuu ahaa nin aad waddani u ah oo qiiro iyo xammaasad badan, dadkiisa iyo dalkiisa jecel oo wax allaale wuxuu ka hagran jiray aanay jirin, wuxuu ahaa ninkii naftiisa u huray ee halkan [Hargeysa] u soo baxay ee markii dambe Allaah ha naxariistee Ibraahim Koodbuur iyo rag kale ka saareen.”



Waxa kale oo aqoontii ay marxuunka u lahaayeen ka warramay saraakiishii SNM oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Ibraahim Dhegoweyne, Maxamed Kaahin iyo dad kaloo ay ka mid yihiin abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Garariye), Guddoomiyayaasha Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida, waxaanay dhammaantood isku raaceen in marxuunku ahaa shakhsiyad wanaagsan oo ku sifaysnaa muwaadin dhab ah oo dadka iyo dalka jecel.


Marxuun Cabdillaahi Askar waxa uu ka mid ahaa jannanadii ugu sarreeyey ciidammadii Soomaaliya ka hor intii aannu ku biirin SNM oo uu u qaabilsanaa hawlgallada gudaha, iyadoo markii dambe lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu xidhay halka loo yaqaan Miiska Saraakiisha, hase ahaatee waxa dil loo qoondeeyey ka badbaadiyey koox mujaahidiin ah oo uu hoggaaminayey Allaah ha naxariistee mujaahidkii weynaa ee Ibraahim Kood-buur.

No comments:

Post a Comment