Monday, August 30, 2010

Kulan loogu Magac daray Iskaashiga Horumarinta G/ Togdheer ayaa Lagu Qabtay Jamacada Burco+sawiro.



Burco(somalilandweb) kulan loogu magac daray iskaashiga horumarinta gobolka Togdheer oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Jaamcada Burco,
kana soo qeyb galeen dhamanba laamaha dawliga ah ee ka howl gala Gobolkta Togdheer kuwa madax banaan ururad bulshada ganac satada iyo dhamaanba bulshada qeybeheeda kala duwan ayaa lagu qabtay xarunta jaamacda Burco.


Pro C/raxmaan Jaamac Ducaale oo kulankaasi ka hadlay ayaa shegayin sidii gobolku u hour mari lahaa ay kow ka tahay in ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare ee gobolku aanay jaamacad kale u hanqal taaginee ay jamcadooda imaan sadaan, walidiintuna ku dhiri galiso ubadkooda sidii ay jamacada u gali lahayeen , anaguna hadii aanu nahay maamulka jaamcda waxaanu balan qadeyna in aanu kor u qaadno tayada wax barasho ee jamacda, waxanaan bulshada reer togdheer faraya in aan jamacada oo kaliya lagu eegin horumarinta gobolka ee laga wada qeyb qaato. Sidokale waxaa u Pro u mahad naq ururka taag oo ku tilaamay urur ku deyasho mudan.
Pro: Ismaaciil Caaraale oo ah gudmiye xigeenka jaamcada Burco ayaa ujeeda kulan kan ku macneyey in ay bulshadu fahanto kaalinta ay jaamcadu ka qaadan karto hour marinta gobolka, jamcadu laba howlood oo muhiima ayay u heysa bulshada ay ka dhex dhisan tahay,waatan hore waa in ay soo saarto dad aqoon leh , iyo in ay ka qeyb qaadato horum marinta bulshadda , pro; Caraale ayaa sheegay in ay jamcadu wax badan ka qabatay dhanka sidii ay u soo saari laheyd dad aqoon leh, iminkana ay diyaar u yihiin in ay bilabaan sidii ay kaalin tooda uga qaadan la hayeen horumu marinta bulshada gobolka Togdheer.

“gobol keenu bar yahan danbe waxaa u ka jiray xaalado, xaladahaas oo ah in dhalin yardi tahriibeyso dadkii wax heystayna ay u gurayaan dhanka iyo caasimada taasina ay caqabad u gobolka ka talaabsan waayo noqotay, balse hada waxaad moodo in sidii hore aynu dhano, waxaa loo bahan yahay in caqliga cilmiga iyo xoogaba aynu gobolkeena isla garab taagno, una maal gashan laheyn si ay dad kale oo ajaanib ahina u maal gashtaan gobolka.”


Gudomiyaha gudiga horu marinta Maxamuud Aadan Dhari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay bulshada gobolku isugu imaadaan kulamo noocan oo kale ah, waxaanu maxmuud intaasi ku daray in ay gudihaan mar walba u gantan yihiin sidii ay qeybtooda uga qaadan lahayeen horumrinta gobolka, horena gobolka uga hir galiyeen wax qabado wax kul oola.


Waxaakale oo sina halkasi ka hadlay Mr Jamaal iyo Osamaan sheikh oo ku hadlaya afka qurba joogii kulankaasi ka soo qeyb galay sheegeyayna in ay hore uga qeyb qateen horu marinta gobolka iminkana ay diyaar u yihiin sidii kaalin mug leh uga qaadan lahayeen horumarinta gobolka dhankooda.
Dr: C/raxmaan Axmed Raage ayaa isguna dhankiisa Jedieyey In wax laga qabto dugsiga farsamada gacanta Oo hada qabiyo ah, walibana ah dugsiga kaliya ee aan dhigiisa somaliland laheyn, iyo ina la hagaajiyo jidka isku xidh Burco iyo Hargeysa, lana dhiso meelo ay ka mid tahay biriijka ceel goni oo khatar ku haya dadka ree Burco.

Yado ay badnayeen dadkii kulan kaasi ka hadlay ayaa waxaa kamid aha suladiin cuqaal wax garad iyo aqoon yahano kala duwan oo dhamaan toodba soo dhawey kulankani sheegeyna in ay diyaar u yihiin in doorka ay ku leeyihin horu marinta gobolka ka qaadan doonan, jamacadana ugu baaqay in ay marwalba ku dadaasho sidii aanay uga cajisi laheyn horumarinta gobolka ay ka dhisan tahay.

Waxaa in halkasi ka hadlay ,Suldaan daakir oo kamida salaadinta gabooye walaac weyna ka mujiyey saamiga a beelaha la heyb sooco laga siyey golaha wasiirada dalka Somaliland.
“ markii golihi wasiirada nalaga reebay waxaa nalgu qanciyey beelihi waaweyna ayaa leydinkala mid dhigay, markii beelhi waawyna wax la siiyeyna anigi wanala ilaabay, marka madax weynaha waxaan leyahay hadii madaxweyna aad na ilowday oo hoshu kugu badan tahay, qoloyinka kale ee ka ag dhow ee oga sidii aanu u halganay miyey na xasuusan wayeen yaguna, habar jeclana waxaan leyahay habar -jecloy sidan si isgu dhaama.” Sidaasi waxaa yidhi suldaan Daakir


Mayerka degmada Burco Maxmuud Dhagalaab ayaa isna kulankaasi ka balan qaaday in ka degmahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaatan hour marinta gobolka, gudiga horumarinta Togdheerna u soo jeediyey in halkoodi ka si wadaan hoshii ay gobolka u hayeen.


Badhsaabka gobolka Togdheer oo isagu munasibadaasi soo gunaanaday ayaa wax lagu farxo ku tilmaamy in jamacadii Burco ka fakartay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen barnaamijyada horu marineed ee gobolka, gudomiyaha ayaa balan qaaday in ay gacan siin doonan jamacada Burco , cid kasta oo barnaamijiyo hour marineed gobolka ka fulineysana haday tahay hay’ad iyo haday tahay dawlad dhexeba aanu horkiini doono jaamacada Burco, ayu yidhi gudomihu .

Ugu danbeyntii waxaa ka soo qeyb galayaashi kulankani soo jediyeen in dardar galin lagu sameeyo gudidi horu marinta gobolka togdheer, si horu marinta gobolku u bahan yahay ay wax badan uga qabtaan.


Jamaacada Burco ayaa marka laga yimaado dhanka horu marinta iyo tayeynta wax barashada ay ku howlan tahay, ayaa waxaa u soo raacan oo mu dooyinkan danbe ay isu taagtay sidii ay uga qeyb qaadan laheyd horu marinta gobolka Togdheer, bulshada g obolkana uga dhaadhicn laheyd in hadii gacmaha leys qabsado u bulshadu gaadhi karo horu mar halka ug sareysa, balse hadii ta lawaayo aan dawlad iyo cidkale toona aanay waxba uno qaban Karin.

No comments:

Post a Comment