Wednesday, August 18, 2010

Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka kormeer Kedis Ah Isugu Marayay Xafiisyada Wasaaradaha+video

Hargeysa (burconet)- Madaxmweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa saaka kor-meer isugu bixis ah ku maray guud ahaan xafiisyada Wasaaradaha iyo Wakaalada biyaha ee Hargeysa.

Kor-meerkan uu Madaxweynuhu ku soo maraya Wasaaradaha oo ahaa mid kedis ah, ayaa waxa uu xafiiska kasta oo Wasaaradeed warbixin kaga dhaegaysanayay Wasiirka ka masuul ah Wasaaradaas, iyada oo Wasiir waliba uu Madaxweynaha war-bixin ka siinayay halka ay wax u marayaan iyo qaabka u ula jaan-qaanday masuuliyadii Wasaarada.





Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda & Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo Madaxweynaha Warbixin siinaya.







Inkasta oo aan weli war rasmi ah laga soo saarin kor-meerkaas Maxaweynaha, hadana ujeedadiisu waxa ay ahayd in Madaxweynuhu u kuur-galo sida ay u socdnaa shaqooyinka Wasaaradaha iyo inuu Wasiirka kasta xafiiskiisa kula soo kulmo oo uu war-bixin kaga soo dhegaysto;



Waxa aanu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Sawiro badan oo ku saabsan kor-meerkii Madaxweynah:-

No comments:

Post a Comment