Monday, August 30, 2010

Dawladda Itoobiya oo Shaacisay Inay sii Wadi Doonto Iskaashiga ka Dhexeeya Somaliland

Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya oo lagaga hadlay Somaliland iyo dagaallada ka socda Muqdisho
Addis Ababa (somalilanweb)- Dawladda Itoobiya ayaa caddaysay inay sii xoojin doonto xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya si xal waara looga gaadho khilaafaadka iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Warbixin toddobaadle ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya soo saarto oo shalay lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Walta (Walta Information Center), ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi xooggan oo dhinacyo badan khuseeya. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in dhinaca kalena Itoobiya xidhiidh iskaashi la wadaagto maamulka Puntland iyo Soomaaliya, kaas oo warbixinta lagu sheegay in la sii xoojin doono si nabad looga dhaliyo Soomaaliya.



“Inkastoo dhibaatooyin ammaan-darro ka imanayaan kooxaha hubaysan iyo kuwa xagjirka ah ee Soomaaliya, haddana dawladda Itoobiya waxay markasta saaxiib la ahaanaysaa dadweynaha Soomaalida. Runtii waxay soo dhaweysay kumanaan qaxtoonti Soomaaliyeed. Waxa kale oo Itoobiya xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya la leedahay Somaliland iyo maamulka Puntland, wayna sii wadi doontaa xidhiidhkaasi si xal waara looga gaadho dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya soo saartay.



Waxa kaloo lagaga hadlay warbixinta xukuumadda Itoobiya soo saartay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay hudheelka Muna oo ay ku dhinteen xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dawladda Sheekh Shariif iyo waliba dad badan oo rayid ah, falalkaas oo Itoobiya ku tilmaantay mid khatar ah oo daruuri ka dhigaya in Midowga Afrika iyo beesha caalamku il gaar ah ku eegaan.



Warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, ayaa ku soo beegan tahay xilli la sheegayo in madmadow yar soo kala dhex galay dawladda Itoobiya iyo xukuumadda cusub ee Somaliland, taas oo toddobaadkii u dambeeyey saxaafaddu wax ka qoraysay, isla marakaana lagu hadal-hayey goobaha dadku ku kulmaan, iyada oo toddobaadkan madaxweyne Siilaanyo uu safiir da’yar u magaacay dhinaca dalka Itoobiya.



Khilaafaadka la sheegay inuu ka dhex qarxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo iyo dawladda Itoobiya, ayaanay labada dhinac midkoodna ilaa hadda si rasmi ah uga hadal waxa ka jira, sidoo kalena arrimahan laguma soo qaadin warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

No comments:

Post a Comment