Saturday, August 28, 2010

Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Somaliland Muxuu Ka Yidhi Jabkii Xisbigiisa UDUB Ka Raacay Doorashadii Madaxtooyada Arrimo Kale Aad U Xiiso Badan



Hargeysa (burcolive)- Wasiirkii hore ee Wasaarada qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka caalamiga ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxa
 med (Cali Sanyare) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ugu waawayn ee keenay in xis
 bigii UDUB ee mudada dheer Somaliland xukumayay lagaga guulaysto doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26/06/2010-ka.

Md Cali Ibraahim Maxamed, oo dhawaan ka soo baxay qaliin caafimaad oo uu u galay cisbitaal ku yaala magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxa uu isagoo halkaas jooga, xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu sheegay in sababta ugu weyn ee uu UDUB u guul daraystay tahay xisbigii oo saqiiray oo aan laga shaqayn dhismihiisii iyo sidii uu tartanka u geli lahaa. Md. Cali-Sanyare, oo ka mid ahaa xubnaha kooban ee miisaanka leh ee ku jiray xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sheegay in caafimaadkiisu hadda wanaagsanyahay, cisbitaalkiina ka soo baxay oo uu nasasho ku jiro. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:-



Mudane Cali, waxaad gashay qaliin, bal hadda caafimaadkaagu waa sidee?



Walaahi caafimaadkaygu aad iyo aad buu u fiican yahay, wadankiina waxaan si deg-deg ah uga soo baxay 28/05/2010-ka, sababtoo ah markii aan isku baadhay Maraykanka ayaa la igu yidhi si deg-deg ah fin Carabka kaa soo baxay iska qal. Markaa Madaxwayne Rayaalena wakhtigaas fasax ayaan ka soo qaatay, waxaanan islahaa toddobadaad gudihii ayaad ku soo noqon doontaa, laakiin waxa la igu sameeyay qaliin toban saacadood qaatay, markaa imikana wuu dhamaaday oo waan ka baxay oo si wanaagsan ayaan u caafimaaday.



Xukuumadii hore, qaliinkaagan wax caawimo ah ma ka gaysatay?



Mayee, xukuumadii hore waxba igamay bixin, wakhtigaan soo baxayna wakhti aan arrimahaas dheg jalaq loo siinayn ayay ahayd, anigaana is dabaray.



Dalka, intii aad ka maqnayd waxa ka dhacay isbedel, madaxweynihii hore waa laga guulaystay, madaxweyne cusub ayaa la doortay. Bal isbedelkan dhacay sideed u aragtaa?



Marka ugu horaysa waxaan aad u jeclaa in xisbigaygii UDUB ku guulaysto, laakiin isbedelku markuu yimaado, uma yimaado sidii uu dadkeena ugu yimid oo kale, waa la faaqidaa oo waa la eegaa inuu yahay isbedel wax tar leh iyo inuu yahay isbedel aan wax tar lahayn. Waxaan anigu u haystaa saddex qodoba isbedelkani inuu kolayba iska fiicnaa, inuu wax ka tarayo midnimada iyo horumarka dalka, waa marka labaade oday Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu hayay damac ah inuu Madaxweyne noqdo, inuu hadda da’ ayuu joogaaye uu isna halkaas ku qaboobo, taas oo iyana xoojin karta nidaamka Dimqraadiyadda iyo siyaasadda dalka, midda saddexaadna waxa weeye haddii ay UDUB heli lahayd, Dimuqraadiyadeenu weli waa bilow, laakiin markuu xisbi mucaarad ahi helo ee uu yahay wadan Afrikaan ah, loona tiriyo doorasho xor iyo xalaal ah in lagu kala baxo, taas lafteeduna waa mid weyn oo ictiraafkeena iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo midnimada wax ka taraysa. Markaas saddexdaas aragtiyoodba wuu ku fiicanyahay, shan sannadoodna waa berri, laakiin sidaan hore u sheegay nin walba waxa u guntanayd xisbigaagu ha helo.



Cali, maadaama oo xisbigii aad ka tirsanayd ee UDUB laga guulaystay. Bal markaas maxaad u aragtaa inay sabab u ahayd in laga guulaysto?



Horta nidaamkan dimuqraadiyada ah ee aynu bilownay waxa uu ogolaanayaa in wax la badalo, UDUB-na labaatankii sanadood ee ugu dambeeyayna iyadda ayaa xukunka haysay, markaa waxyaalo badan baa isbadalkaa keenay, oo dadka haddii had iyo gooraale taswiirtaadu ku badato isbadal bay doonaan.



Ta kale marka aad xukuumada ku jirto khaladaad badan baa iska dhaca, kuwaas oo dadkana lagu beer laxowsan karo, isbadalkaas oo kalena keena. Ta saddexaad waxa weeyaan dadku inta uu xukunka hayo wuu is dhisaa, laakiin habacsanaan baa ka soo baxda hawshooda, waxaanad moodaa in sida mucaaradka aanay darbi walba dadka wax kaga dhaadhicinayn oo ay u qaataan in dadku meeshaas u taaganyihiin, weliba dadka dawlada u soo waramayaana warka ay siinayaan uu noqdo wax walba way hagaagsan yihiin, taasina Kenya iyo meelo badan oo kale ayay ka dhacday, markaa sababta lagu badalay UDUB waa sababahaa iska caanka ah. Laakiin sababta ugu wayni waxay ahayd xisbigii oo saqiiray oo la saqiiriyay ayaa ah mushkilada ugu wayn, oo toddobadii sanadood ee ugu dambaysay waxa dhacday in aan xisbigii la dhisin lagana shaqaynin lana siinin macno wayn oo ah inuu doorashada helo, markaa waxa imika loo baahan yahay in UDUB cusub iyo jawi cusub oo UDUB cusub lagu bilaabo la sameeyo si bahwayntii UDUB ay ka tashato sidii ay mar labaad tartan u gali lahaayeen oo shanta sannadood ee soo socda tartan fiican u geli lahaayeen.



Haddii aan imika la bilaabin ilayn toddoba sanadood ayuu xisbigu saqiiraye inay dhibaato ku noqoto inuu si wanaagsan uga qayb-galo, markaa waatan gudida guddoomiyaha xisbigu sameeyay inuu baadho wixii sababay faashilkii, markaa waala arki doonaa waxay soo qoraan, muhiimaduna waxa weeyaan inaan dib la eegin ee hore la eego oo ay dhacdo in xisbigii si fiican isku cusboonaysiiyo oo UDUB cusub la dhiso, wax alaale iyo wixii ka kala yaacayna dib loogu gacan haadiyo si ay xisbigii dib ugu noqdaan, dimuqraadiyada wanaagsana xisbiga lagu soo dabaalo oo ah in dadku ka qayb-galo dhisida iyo xoojinta xisbiga cid alaale iyo cidii ku soo baxdana la ayido oo aanay dhicin habacsanaantii hore ee ahayd in aan talada la wada wadaagin.



Adiga ma kugu jirtaa inaad shanta sannadood ee dambe aad u tartanto inaad noqoto murashaxa xisbiga UDUB ee Madaxweynenimada Somaliland?



Walaahi taasi igama madhna laakiin inaan wada tashi badan la sameeyo weeyaan xisbiga iyo taageerayaasha, wayna fiican tahay inay soo baxaan wajiyo cusub oo dadku ku kalsoon yahay.



Laakiin, haddii xisbiga UDUB aad ka dhex aragto ma is sharaxaysaa?



Taas wada tashi baa ku jira, laakiin meesha kama madhna.



La soco…Qaybta labaad ee waraysigan oo aad u xiiso badan.

No comments:

Post a Comment