Sunday, August 22, 2010

Dalka Ingiriiska kooxo Cunsuriyiin Ah oo ku Hanjabay Inay Weerari Doonaan muslimiinta Ku Dhaqan Dalkaa Boqortooyada Ingiriiska Si Ay Dalkaa Uga Saaraan Muslimiinta

LONDON(OODWEYNENEWS)- Kooxo Cunsuriyiin ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska. Jariirada Sunday Star ayaa qortay maanta inay kooxdaasi sheegeen inay doonayaan inay dalka Ingiriiska kasaaraan dadka muslimiinta ah intii suura gal ah,

Jariirada ayaa sheegtay in kooxdan Cunsuriyiinta ah Racist Groups ay Bilaabeen talaabooyinkii ugu horeeyey isla markaana ay cadeysteen inay dadka muslimiinta ah ku Rusheeyaan Baastooladaha biyaha oo ay kasoo buuxiyeen Dhiiga Doofaarka & Inay Hilibka Doofaarka iyo Cuntada Eyda ku Tuuraan dadka muslimiinta ah magaalooyinka qaar kood, Kooxdan ayaa Jariiradu sheegtay inay Rumaysan yihiin in Ficilada noocaas ah ay dhibsan doonaan dadka muslimiinta ah isla markaana ay ka bixi doonaan dalka Ingiriiska,Arimaha ay ku kaceen kooxahan Cunsuriyiinta ah ayaa waxaa sheegay Hay,adaha qaabilsan la socodka kooxaha cunsuriyiinta ee dalka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin The Association Of Defence & English National Alliance Of England, Jariirasa Sunday Star ayaa intaa ku dartay inay kooxahani ay Istaagaan goobaha wax laga iibsado ee baayac mushterka iyo goobaha Basaska laga Raaco iyo Tagsiyada iyagoo sita Hilib Doofaar iyo Dhiiga Doofaarka oo ay doonayaan inay ku nijaaseeyaan dadka muslimiinta ah. Kooxahan ayaa Arimahoodaa iyo nacaybka ay u qabaan muslimiinta ku faafiya Boga FaceBook iyo iyagoo dadka muslimiinta ah u dira Email ay ku qorayaan Cadaabta ayaan idin geyn doonaa iyo hadalo kale oo cay ah,

Jariirada ayaa sheegtay in kooxahan cunsuriyiinta ah ay Rumaysan siyiih in dadka muslimiinta ah hadii uu jidhkooda taabto hilibkaa doofaarku inay cadaabta tagi doonaan, Laakiin nin u hadlay hay,adaha ka soo hor jeeda cunsurinimada ayaa sheegay in ficilka ay ku kacayaan uu yahay mid laga xishoodo isagoo intaa ku daray in hay,ada Difaaca xuquuqdu ay dabada ka wado oo ay la og tahay arinkaa, Ninkan u hadlay kooxaha kasoo hor jeeda Cunsuriyada ayaa u sheegay nimankaa Cunsuriyiinta ah in Dadka Islaamka ah aanay Cadaabta tagayn hadii ay taabtaan Doofaarka isla markaana arintaasi aanay ahayn mid aad khal khal iyo shaki ku kala galin kartaan dadka Ingiriiska isagoo u jeeda muslimiinta iyaguna ingiriiska ah iyo gaalada wadanka u dhalatay,





Kooxaha cunsuriyiinta ah ayaa dhowr jeer oo horana masaajidada ku yaala dalka ingiriiska qaarkood hor dhigay madax doofaar

No comments:

Post a Comment