Saturday, August 28, 2010

Shabaabka Oo kala gooyay wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha


Hargeysa (somalilandspace)- Xoogaga Alshabaab ayaa gooyay wadada Dabka ee aada dhinaca Bakaaraha, halkaasoo ah wadada kaliya ee looga geli jiray Suuqa Bakaaraha, oo haatan xaalkiisa alow sahal yahay, kadib markii saameynta ugu weyn ay ku yeesheen dagaalada.



Wararka ayaa sheegaya in Shabaab wadada bartamaheeda ay god weyn ka qodeen, si Taangiyada Ciidamada AMISOM aanay ugu soo gudbin, iyagoo dhufeysyo adagna ka sameystay wadadaas.



Inta u dhaxeysa Dabka iyo Bakaaraha oo aheyd halka ugu badan ee dagaalada ka dhaceen maalmihii la soo dhaafay ayaa wali ay tahay mid cakiran, iyadoo wadadaas ay buuxiyeen qolfoofta rasaasta iyo madaafiicda lagu dagaalamayay.



Suuqa Bakaaraha ayaa hada waxaa uu yahay mid si tartiib ku furmay, iyadoo Gaadiidka BL iyo dadka aadaya ay marayaan wadada warshadaha, iyagoo ka galaya Isgoyska Baar Ubax.



Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraha oo ah xudunta ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa uu xanuun badan ku yahay bulshada ku dhaqan Muqdisho, maadaama ay u tahay halka kaliya ee ganacsigooda ku xiran yahay.



Gododka ay wadada laamiga ka qodeen Shabaab ayaa ku soo aadaya, xilli sidan oo kale ay u gooyeen inta badan wadooyinkii Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo ay ka difaacanayaan Dowladda KMG iyo AMISOM.

No comments:

Post a Comment