Friday, August 27, 2010

Maxkamad Ku Taal dalka New Zealand Ayaa Maanta Ku Xukuntay Sagaal Sanadood oo Xadhiga Gabadh Soomaaliyeed oo Afduubtay Diyaarad dalkaa laga lahaa





WELLINGTON(somalilandspace
)- Maxkamad ku taala dalka New Zealand ayaa maanta ku xukuntay Sagaal sanadood oo xadhiga gabadh soo maaliyeed oo doonaysay inay afduubto diyaarad dalkaa laga leeyahay, Caasha Cali Cabdillaahi oo 36 jir ah ayaa lagu Eedeeyey inay afduubtay diyaarad dalkaa laga leeyahy iyadoo maanta oo jimce ah ay maxkamadaasi ku xu
 kuntay Sagaal Sanadood oo xadhig ah,
 Caasha ayaa Afduubtay diyaarad yar oo ku 19 qof qaada sanadkii 2008. diyaaradaa oo ka duushay magaalada Blenheim una socotay magaalada Christchurch. Caasha ayaa maxkamada horteeda ka qiratay maanta in ay diyaaradaa afduubtay iyadoo warku sheegay inay lasoo kortay diyaaradaa sadex midiyood isla markaana ay ku qabatay duuliyihii diyaaradaa iyo caawiyihiisii, Caasha ayaa ka dalbatay duuliyaha inuu diyaaradaa u leexiyo dhanka dalka Australia laakiin duuliyihii diyaaradaa ayaa u sheegay inaanuu diyaarada ku jirin Batrool geynaya ilaa dalka Austaralia,



duuliyihii diyaaradaa ayaa soo fadhiisiyey magaalada Christchurch markii ay diyaaradu soo fadhiisatay ayaa duuliyii iyo caawiyihiisii ay isku dayeen inay gabadhaa qabtaan laakiin waxay la dhacday mididii ay sidatay iyadoo dhaawac u geysatay duuliyihii iyo caawiyihiisii iyo qof sadexaad oo rakaabka ka mid ahaa, Gabadhaa ayaa ugu danbeyntii lagu guulaystay in la qabto. waxay dhaawac xun ay soo gaadhsiisay duuliyihii diyaaradaa oo ay dhabarka iyo gacmaha kala dhacday mididaa taas oo keentay inuu galo ama lagu sameeyo qaliin,
Gabadhan soomaalida ah oo lagu magacaabo Caasha Cali cabdilaahi ayaa degenayd magaalada Blenheimay diyaarada ka afduubtay ee dalkaa New Zealand oo qaxootinimo u qaabilay sanadkii 1996. Qareenka u doodayey gabadhaa Soomaaliyeed ayaa sheegay in aanay gabadhaasi dooneyn inay cid disho laakiin ay doonaysay inay ka baxdo dalkaa New Zealand oo ay sheegtay inay dhibaato ku haysatay iyadoo doonaysay inay Austaralia tagto. Qareenka ayaa ku dooday in Caasha ay kala soo kulantay dalka Soomaaliya dhibaato weyn kadib markii qaar kamida Reerkoodii lagu ag dilay, Laakiin maxkamada ayaan doodaa qareenka waxba ku qaadan iyadoo ugu danbeyntii maxkamadaa oo dhacday Saaka oo jimce ah ay gabadhaa ku xukuntay Sagaal Sanadood, oo xadhig ah

No comments:

Post a Comment