Monday, August 30, 2010

Wasiirka Maaliyadda Oo Markii U Horaysay Kordhiyay Cashuurta Xoolaha

Hargaysa-(somalilandweb)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ugu horeysay intii uu xilka

qabtay shalay kordhiyay Lacagta Cashuurta ah ee Adhiga dhoofaaya lagag qaadi jiray Maxjarka Magaaladda Berbera ee ganacsadaha Carbeed Maal-galiyey guud ahaanba Cahuuraha laga qaado Xoolaha kala Duwan ee Maxjarka sii mara oouu Amar ku bixiyey in lagu kala Shubo Accoun-no kale duwan .



Ganacsatadda kala duwan ee Reer Soomaaliland oo Xoolaha lagu sii xareeyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera si loo hubiyo Caafimaadkooda, ayaa mar qudha Shalay la Kowsaday Is bedel Cusub oo aan hore uga jirin , ka dib markii qaar ka mid ah Ganacsadataas oo Xoolo loogu Baadhaayey Maxjarka lagu War-galiyay in la kordhiyey Cashuurta Neefka Adhiga ah oo Markii hore laga Qaadi jiray Lacag Dhan 7 Dollar, Halka Iminka Laga Dhigay 7.5 Dollar .





Qaar ka mida Ganacsatadda Xoolaha Dhoofisa oo ku sugan magaaladda Berbera, ayaa Warbaahinta khadka telefoonka jiritaanka Arrimahan wax kaga waydiiyey , ayaa xaqiijiyey inay ku Waabariisteen shalay tallaabooyin iyo Amaro Cusub oo Wasaarada Maaliyadu Qaaday.





Waxaanay Wararku intaa ku darayaan in Geela iyo Lo’da oo Neefkiiba lagu Cashuuri jiray lacag Dhan 23 Dollar ooh al Accounta hore ugu wada dhici jiray oo ahaa Accounta No 553 oo Dahabshiil ah, ayaa Wasiir Maxamed Xaashi kala Saaray , isle markaana waxa uu qaybiyey laba Accounta oo la sheegay inuu Amray in Accounta-kii hore ee Accounta 553 oo lacag taasi ku dhici jirtay lagu shubo 20 Dollar , halka ka Labaad oo ah mid Cusubna oo ah Accounta No 993 Dahab shiil uu amray wasiirku in lagu shubo 3-da Dollar ee Labaatanka ka soo Hadhay .





Sidoo kale Wasiirku waxa uu Amray in Cashuurta Qaado 7 Dollar lagu shubo Account kii hore ee Cashuurta Maxjarka ku dhici jirtay 1.5 Dollar iyo Badhka uu kordhiyeyna lagu Shubo Acount-ka Cusub 993.

Si kastaba ha ahaate talaabooyinka Wasiirka Maaliyadu Soomaaliland Qaaday ee Kordhinta iyo kala qaybinta Cashuuraha ayaa Ganacsatada Dhoofisa si weyn ugu biya- diideen , isle markaana kulan aan Warkiisa la hayniin ayaa la sheegay inay Ganacsato fara badani xalay ku Qabsadeen magaaladda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, isla markaana waxa la sheegay inay kulankaa kaga soo horjeedeen is bedelka cusub ee uu maxjarka Berbera ee uu maal-galiyey Ganacsade Al-jabbir, hase ahaate dhab looma oga inay Shirkadooda Ganacsatadu wax go’aan ah ka soo saareen iyo in kale , Wasiirka Maaliyada oo aanu isku daynay in aanu Arrintan wax ka waydiinno xalay aayanay noo suuro galin , ka dib markii aanu la kulanay Telefoonkiisi Ganacta oo Xidhan ama Damsa

No comments:

Post a Comment