Wednesday, August 18, 2010

WADANKA CHINA OO KAALINTA LABAAD EE XAGGA DHAQAALAA KA QAADAY WADANKA JAPAN‏

CHINA(burconet)Sadexdii sano ee u danbeeyey waxaa si xawli ah u socday koritaamka dhaqaalaha ayaa waxaa China lixdii bilood ee hore kaga hor maray Japan kuna galay kaalinta labaa ee ku xiga Maraykan war subixii isniinta la siidaayey.


Hadaba taariikhdan xasuusta mudan waxay ahayd mid la rejeynaeye waqti uun in ay xaqiiqdeedu soo baxdo hadaba awood roonaanta dhaqaale ee China waa run, hadaba fikrada aduunku ka qabaa China ee xagga dhaqaalaha waa awood cusub oo ku soo biirtay loolanka xagga dhaqaalaha ee aduunka.



Aqoonsigu waxaa uu yimid isniintii markii caasimada Japan ee Tokyo lagu qiimeeyey dhaqaalahooda 1.28 tillion lixdii bilood ee hore sanadka si xoogana uga hoosayso China oo qiyaastii la yimid 1.33 trillion, hadaba Japan ayaa waxay sheegtay in 3 biloodba uu dhaqaalaheedu kordho 0.4 Percent hadaba jileecaa dhaqaale ee Japan waxaa ka faa’iidaystay China oo ka kormaray.



Khabiir u hadlay Japan ayaa sheegay in Japan mudooyinkii u danbeeyey ay calaka u siday wadamo reer galbeeda oo ay ka mid ahaayeen Germany, France, iyo Great Britain, hadaba china oo dhaqaalaheedu cirka sii gelayaa si xawli ahna u socdaa waxaa uu kormari doonaa sanadka 2030 wadanka maraykanka oo dhaqaalihiisu ahaa $14 trillion 2009 kii.




Hadaba China oo ahaan jirtay wadan shuuci ah aduunkana go’doon ka ahaan jirtay ayaa siyaasadeedii wax ka bedeshay una soo jeesatay sidii ay aduunka ula tartami lahayd una kobcin lahayd dhaqaalaheeda waxayna ku hormartay xaga Technology ee xasriga ah waxay xidhiidh diplomaasi oo wanaagsan la yeelatay wadamo b

No comments:

Post a Comment