Monday, August 30, 2010

Sawirka Maanta: Maxaad ka Taqaanaa Sida Wax Loo kala Iibsado Sayladaha Xoolaha ?


Sawirka maanta waxaanu idiinku soo gudbin doonaa sawir muujinaya qaabka wax kala gadashada Saylada Xoolaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sawirku muuninayaa laba nin oo gacmaha ku baayactamaya iyada oo gacmahooda ay camuumad ku dedeen si aanay dilaaliinta kale u ogaanin sirta ku duugan wax iibsiga. Waxaa jira halku dheg Soomaaliyeed oo badanaa ay isticmaalaan dadka ganacsatadu taasi oo tidhaahda (meeshu waa suuq oo waa lababa halka ay iska hesho).

No comments:

Post a Comment