Saturday, August 21, 2010

Aug 21, 2010Gaadhi Tiknikooo ay leeday ssc oo isudhiibay somaliland

Gaadhi Tikniko oo ay leeyihiin kooxda SSC oo isu soo dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida WidhWidh.






widhwidh(burconet)Hal gaadhi oo tikniko ah oo ay leedahay Beesha Jaamac Siyaad ayaa isu dhiibay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan magaalada Widhwidh , gaadhigaas oo uu watay Bidaar Xasan Madoobe.



Ciidamada ka soo goostay Kooxda SSC ayaa waxa ay muujinaysaa Khilaaf xoogan oo ka dhaxeeya iyo kala daadsanaan badan oo haatan hadhaysay Hogaanka SSC iyada oo aanay ciidanku lahayn hogaamiye.



Dhinaca kale waxaa soo xoogaysanaya kala qaybsanaanta Beesha Dhulbahante waxaana soo shaacbaxady natiijooyinka iyo kala fogaanshaha hogaanka Kooxda la Baxaday SSC .Ciidamadan ka soo goostay Kooxda nabad diidka SSC ayaa ku soo beegmaysa Hadal uu ka dhawaajiyay Garaadka Reer Buuhoodle Garaad Abshir Saalax oo sheegay in ay nabada qaadanayaan Wada hadalna ogol yihiin in lagu dhameeyo Khilaafka jira soona dhawaynayo Wada hadalada uu ka dhawaajiyay M/weynaha Somaliland..

No comments:

Post a Comment