Saturday, August 21, 2010

.Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland

.Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland


Sida laga warqabo waxaa Gumeysigii Reer Yurub u kala qaybiyey Somalida shan (5)

qaybood oo kala ahaa: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya Ingiriisku ayaa

saami ahaan u helay qabsadayna sannadkii 1884 kadibna Gobolkaas gacanta u geshay

Kenya markii ay xorowday sannadkii 1963, Koonfurta Somalia waxaa qayb u helay

Talyaaniga oo qabsaday sannadkii 1889, Jabuuti waxaa qabsaday Faransiiska sannadkii

1885 iyo Gobolka Somaliyeed Itoobiya oo ay Itoobiya gacanta ku dhigtay sannadkii

1889 kadibna uu Ingiriisku uga daray Dhulka Hawd sannadkii 1954. Halgamadii

gobonimadoonka Somaliyeed ee bilowday badhtaamihii dagaalkii labaad ee Adduunka

(1943-1945) waxay dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la

xoreeyo shanta Somaliyeed(5), la mideeyo, lana wada hoos keeno hal calan iyo hal

dawlad.





Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaata Juun

26dii, 1960, ummadda Somalilandna waxay noqotay dadkii ugu horreeyey ee kaga

dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay 1dii July, 1960 oo ay xorowday

Koonfurta Somalia la midowday lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia taas oo yididiilo

weyn ku abuurtay dhammaan Somalida rajoweynna gelisay in dawladda cusub ee Is-raaca

ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale si figradda

Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro Jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed oo ka dhalata

Geeska Afrika.





Nasiibdarro, dalka Jabuuti oo xoroobay 27kii Juun, 1977 ayaa diiday inuu ku soo

biiro Jamhuuriyadii Somalia sidaasna waxaa ku bilowday burburkii ugu horreeyay ee ku

dhaca hammigii loo qabay Aragtida Somaliweyn. Mr. Xasan Guuleed Abtidoon oo noqday

madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti waxaa diidmadiisa u sabab ahaa laba arrimood.

Ta hore waxay ahayd isaga oo arkay sidii Koonfurta Somalia markiiba u boobtay

dawladii Is-raaca ahayd una duudsiday Reer Waqooyiga. Ta labaadna waxay ahayd isaga

oo rabay inuu Jabuuti ka dhiso xukun uu Ciisuhu iska leeyahay siiba jilibkiisa

Mamassan.





Burburkii labada ee ku dhaca Aragtida Somaliweyn waxa uu dhacay markii ay kala

noqodeen Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 soona af-jareen 30 sano oo Is-raac

ahaa (1960-1990). Sababta ugu weynayd kala noqoshada labada dal waxay ahayd dadka

Somaliland oo intay dawladnimadoodii u rareen Somalia si ay u horseedaan Somaliweyn

dabadeedna laga duudsiyay qaybtii ay ku lahaayeen dawladda markii ay ka gadoodeen

arrintaasna loo laayay si arxandarro ah.





Xukuumadda Jabuuti aad ayay uga naxday markii Somaliland ku dhawaaqday inay

madaxbanaanideedii kala soo noqotay Somalia bishii May 18, 1991 isla markaana

shacabka Somaliland si buuxda ugu codeeyay madaxbanaanidiisa May 31, 2001. Dalka

Jabuuti oo ah dal aad u yar (Dadka Jabuuti waxaa lagu qiyaasaa 500,000 qof halka ka

Somaliland lagu qiyaaso 3.5 million qof, dhulka Jabuutina waxa uu dhan yahay 23,000

sqkm halka ka Somaliland yahay 137,600 sqkm) waxay dhibaato weyni ka haysataa xagga

khayraadka dabiiciga ah. Khayraadkiisa ugu weyn ee ay leedahay waa Dekedda Jabuuti

oo keliya oo haddii ay suuq weydo uu jiritaanka dalka iyo nolosha dadkuba geliyaan

halis. Sababta ay xukuumadda Jabuuti uga naxday madaxbanaanida Somaliland waxa weeye

iyada oo cabsi weyn ka qabta in la furo oo ay caadi u shaqayso Dekedda Berbera oo ku

taalla marin ka istaraatiijisan kana muhiimsan ka Jabuuti dabadeedna Dekedda Jabuuti

laga guuro, dhaqaaalaha Jabuuti burburo khatarna uu galo jiritaanka Dalka Jabuuti.

Sidaas darteed, waxay maamulkii ugu horreeyay ee Jabuuti oo uu madaxweynaha ka ahaa

Xasan Guuleed Abtidoon muddo 22 sano ah (1977-1999) iyo ka maanta jira oo uu

madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle muddo 10 sano ah (1999-2009) ay awoodda

saareen sidii ay u xidhnaan lahayd Dekedda Berbera. Madaxweyne Xasan Guuleed

Abtidoon waxa Dekedda Berbera ka xidhay Siyaad Barre, maantana madaxweynaha Jabuuti

waxaa uu muddo shan sano ah (2003-2009) ku shaqaysanayaa oo ka xidhay Dekedda

Jabuuti Daahir Riyaale Kaahin. Waa taas sababta ay xukuumadda Jabuuti uga soo

horjeedo madaxbanaanida Somaliland waxay rabtaa inta Somaliland lagu cesho Somalia

sidaas Dekedda Berbera uga xidhnaanto. Maanta cadowga kowaad ee ay leedahay

madaxbanaanida Somaliland waa dawladda Jabuuti.





Mr. Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu ahaa nin Reer Waqooyiga aad u neceb waaana

arrintaas sababtii uu uga soo horjeeday Halgankii SNM. Taliskii Siyaad Barre waa kii

ku soo celiyay dadkii Reer waqooyiga ahaa ee ka cararayay xasuuqii Taliskaas

sannadihii 1988 iyo 1989 sababtuna waxay ahayd yaanay xoroobin Somaliland oo Dekedda

Berbera lagugu furin, maantana cadaawadaas ayuu halkii ka sii wadaa Ismaciil Cumar

Geelle oo awoodiisa oo dhan isugu geeyay la dagaallanka aqoonsiga iyo madaxbanaanida

Somaliland isaga oo adeegsada Daahir Riyaale si Somaliland loogu cesho Somalia si

aan Dekedda Berbera loogu furin oo ah halbowlaha nolosha dadka iyo dalka Somaliland.

Xornimadii ay Somaliland Dawladda Ingiriiska ka qaadatay waxaa laga joogaa 49 sano

Dekedda Berberana waxay ummadeeda ka xidhnayd ugu yaraan 30 sano oo marna Siyaad

Barre ayaa xidhay maantana Daahir Riyaale ayaa xidhay oo waxaa la isticmaalaa

Dekedda Jabuuti si loo dhiso dhaqaalaha Jabuuti loona curyaamiyo nolosha iyo

dhaqaalaha Somaliland.





Ismaciil Adan Cosmaan (Ismaaciil Yare) iyo Yusuf Budle oo labaduba aad iyo aad

xog-ogaal ugu ah siyaasadda qaran-dumisnimo ee daahir Riyaale waxay dhawaan shaaca

ka qaadeen in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Daahir Riyaale Kaahin uu yahay

khaa`in wadan iyaga oo soo bandhigay cadaymo muujinaya qaran-dumisnimadiisa.

Arrintaasuna waxay caddaynaysaa in Daahir Riyaale aanu markii hore daacad u ahayn

qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland haddana uu maamulo madaxweynaha Jabuuti,

Ismaciil Cumar Geeelle iyo madaxda Somalia kuwaas oo ku wadahawlan sidii Somaliland

loogu celin lahaa Somalia. Waxaa kale oo shirqoolkan qaran-dumisnimo caddaynayaa in

shantii (5) sano ee uu xukunka hayay Daahir Riyaale uu la dagaallamayay aqoonsiga

Somaliland siiba marka uu u baxo booqashooyinka dibedda oo uu diido ama been ka

sheego ujeedooyinkooda maadaama uu maleego dhagaar khiyaamo qaran. Ujeedada keliya

ee Ismaciil Cumar Geelle ugu ololeeyo dawlad ka dhalata dalka Somalia maaha jacayl

uu u hayo Somalia oo uu diidanyahay inuu la midoobo ee waa rajo uu ka qabo in

Somaliland lagu cesho Somalia oo aan la aqoonsan si ay uga xidhnaanto Dekedda

Berbera. Shirqoolka ay heshiiska ku yihiin Daahir Riyaale, Geelle iyo madaxda

Somalia si Somaliland u burburto waxaa ka mid ah: Horjoogsiga doorashada

madaxweynaha Somaliland, laalidda dastuurka dalka, burburinta dhaqaalaha dalka

(Iyada oo Dekedda Berbera la xidhayo wixii kalena la boobayo si aanu dalku u

hanaqaadin) iyo khalkhalgelinta nabadgelyada si ugu dambaynta dalka looga abuuro

dagaalo sokeeye oo Somaliland kala mid dhiga Somalia si loo waayo aqoonsi dantuna

markaas ku qasabto inay Somalia ku noqoto.





Daahir Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geelle ma fahamsana in shakhasiyaad aanay awood u

lahayn inay ka takhalusaan madaxbanaanida Somaliland oo uu ilaashanayo shacabkeeda

leh. Somaliland xaq aan la duudsiyikarin ayay u leedahay madaxbanaani, dawladnimo

iyo aqoonsiga Beesha Caalamka. Dalalka Afrika waxay dawladnimadoodu iyo aqoonsigoodu

ku salaysanyihiin xuduudihii uu u sameeyay Gumaysigii Reer Yurub ee maaaha wax ay u

samaysay Qaramada Midoobay. Somaliland, Jabuuti iyo Somalia xuduudahooda waxaa

sameeyay Reer Yurub. Sida loo aqoonsanyahay Jabuuti iyo Somalia ayaa Somalilandna

loo aqoonsanayaa. Somaliland iyo Jabuuti waa u simanyihiin Somalia. Aqoonsiga

Somaliland waxa keliya oo uu ku xidhanyahay xukun daacad u ah qadiyadda iyo

madaxbanaanida Somaliland.





Somaliland iyo Somalia maaha dalalkii ugu horreeyay adduunka ee kala noqda. Dalkii

la odhanjiray Midowga Soofiyati (Soviet Union) oo ka koobnaa 15 dal wuxuu burburay

1989 markii ay heshiinwaayeen waxaana ka baxay oo madaxbanaanidoodii la soo noqday

adduunkuna aqoonsaday dalalka kala ah: Georgia, Ukraine, Armenia, Uzbekistan,

Lithuania, Estonia, Latvia iwm. Dalkii isna la odhanjiray Xiidhiidhka Yugoslavia oo

ka koobnaa 8 dal waxa uu u kala baxay: Serbia, Caroatia, Bosnia-Herzegovina,

Macedonia, Slovenia iwm oo dhammaantood la aqoonsanyahay. Midnimada ka dhaxaysa laba

dal ama dhawr dal oo is-raaca maaha muqaddas oo haddii ay heshiinwaayaan way kala

noqdaan ee waxaa muqaddas ah midnimada gobollada dal isku xuduud, dad iyo taarikh ah

sida Somaliland, Tanzania, Jabuuti, Uganda, Somalia iwm. Somaliweyn waxay la mid

tahay maanta carabweyn oo aan jirin lamina oga waqtiga ay hirgeliyaaan. Dadbaa ku

dooda Somaliladu ma kala go`ikarto sababta oo ah waa isku af, dhaqan, diin iyo

midab. Carabtu intaba Somalida way la wadaagtaa waana 18 dal maanta waayo sideena

ayay heshiin waayeen cid isku qasbikartana ma jirto. Midnimadu way wanaagsantahay

Diinta Islaamkuna way ammaantay marka la fahamsanyahay la qiimaynayo laguna dhaqmayo

laakiin Diinta Islaamku ma oggola midnimo lagu daadiyo dhiig layskuna baabi`iyo

xukun-jacayl awgeed sidii Somalia ku samaysay Somaliland sannadihii u dhaxeeyay

1982-1990. Afrika waxaa halakeeyay xukun milatari ama qabiil oo dawlad kasta oo

Fadaraal ah burburiya markaas marnaba suurtogal maaha inay ka hirgasho dawlad

fadaraal ah cidnana laguma khiyaamaynkaro Federal Afrikan ah oo aan si jiridoonin..





Madaxweynaha xilkiisu dhammaday ee Daahir Riyaale Kaahin uma muuqdo daacadna kama ah

inuu doorasho xalaal ah dalka ka qabto oo ama wuu horjoogsan oo waxa uu u

hanqaltaagidoonaa muddo kordhin dambe ama inta uu qabto doorasho ayuu ku boobi

hantida iyo ciidamada qaranka waayo waa nin kelitalisnimadiisu ku salaysantahay

qaran-dumisnimo uu caqliguusu siiyay inuu dalka iyo dadka ku celinkaro Somalia si uu

u fusho mu`aamaraadka Ismaciil Cumar Geelle iyo Somalia. Kooxda maanta ka talisa

Somaliland oo ka kooban Daahir Riyaale, xubno wasiiro iyo xubno golayaal qaran waxay

u kala baxaan laba qaybood oo kala ah: Qayb ka soo horjeedda madaxbanaanida

Somaliland iyo qayb la qaybsata debiyada ka dhaca dalka oo og in aanay mustaqbalka

ku noolaankarayn Somaliland rabana inay ku noolaadaan Somalia. Dalku maanta xaalad

aadag ayuu ku jiraa markaas waa in loo diyaargaroobaan nabad iyo dagaal labadaba si

dadka iyo dalka looga badbaadiyo kooxda haysata ee qaran-dumiska ah. Awalba shacabka

ayaa nabadda ilaalinayay si aqoonsi loo helo. Maanta aqoonsigii god yaa lagu riday

waxaana ka soo saarikara oo qudha dawlad cusub oo daacad u ah danta dadka iyo dalka,

Dekedda Berberana u bedesha deked caalami ah oo dhaqaalaha iyo nolosha ummadda kor u

qaada suurtogalna ka dhigta in mustaqbalka Jabuuti dantu ku qasabto inay ku soo

biirto Somaliland.





Waxaan faaladan ku soo gunaanadayaa 10ka beyd ee ugu dambeeya gabagayga aan dhawaan

tiriyay oo lagu magacaabo: Gadood iyo Guul, waana kuwan:





Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay



Geedigu hayaan Koonfur degay, garabsi uu doonay



Soddon guuradi kala tagtoo, kala go`doo maagtay



Kala guurka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye



**********



Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay



Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay



Gumaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay



Bendaradi garbaha loo dhigee, ee madfacu goostay



*********



Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene



Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha



**********

No comments:

Post a Comment