Monday, August 30, 2010

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay Aaska Marxuum C/laahi Askari oo si heer Qaran ah loo Aasay

Hargeysa Marxuum C/laahi Barkhad Askar oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee sida wayn uga soo qayb qaatay dib u xoraynta

Hargaysa-(somalilandweb)-Marxuum C/laahi Barkhad Askar oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee sida wayn uga soo qayb qaatay dib u xoraynta Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Boqol jire ee Magaalada Hargeysa.





Aaska Marxuumkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Shirgudoonka Wakiilada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Wasiiro, Siyaasiyiin, Culimaa u diin, Abwaano, Ganacsato iyo dad wayne kale oo tiro badan.





Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay goobta aaska ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhdii Marxuu C/laahi Barkhad Askar iyo qaybtii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, waxaana uu Illaahay uga baryay inay naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumkaasi ehelkii iyo qarabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.





Aaskan Marxuum C/laahi Barkhad Askar oo ahaa mid aan loo kala hadhin ayaa inta badan waxa halkaasi taariikhdii nololeed iyo halgankii uu ka soo qayb qaatayba ka sheekeeyay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee ka soo qayb galay aaskaasi gaar ahaan Mujaahidiinta SNM oo in badan duurka ku wada jireen, waxaanay guud ahaan dadkaasi ayaa Mujaahid C/laahi Barkhad ku tilmaamay hayay qaran oo ka baxay shacabka Somaliland iyagoo Illaahayna uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaanka siiyo.

No comments:

Post a Comment