Thursday, August 26, 2010

Dagaallo iyo duqeymo maalintii afaraad ka socda Muqdisho iyo barakac ka billowday degmooyinka lagu dagaalamayo

MUQDISHo(burconet)- Dagaallo iyo duqeymo isbarbar socda ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeya ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Ahlusunna oo isku dhinac ah iyo xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira.



Degmooyinka lagu dagaalamayo oo kala ah Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Boondheere ayaa dadkii yaraa ee ku hadhsanaa waxay bilaabeen inay isaga barakacaan, iyagoo ku biiray dadkii horay ugu sugnaa duleedyada Muqdisho iyo degmooyinka nabdoon.
Madaafiic badan aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa saakay ku dhacayay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, kaasoo u xidhnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaallo iyo duqeymo u dhexeeyay dhinacyada iska soo horjeeda Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka dadweynaha ee kusii socday suuqa ayaa isticmaalayay jidka warshadaha iyo jidad kale oo xaafadaha dhexdooda ah, waxaana iskahorimaadyadu ay ka socdeen inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo ay xoogagga dagaalamayaa ku sugan yihiin.
Dagaallada kasii socda magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kuwii ugu waqtiga dheeraa ee bilahan ka dhaca caasimadda Soomaaliya, waxaana khasaaraha ugu badan ay kasoo gaadhay dadka shacabka ah ee ku hadhsanaa degmooyinka lagu dagaalamay iyo qaar kale oo ay ku dhaceen madaafiicda la isdhaafsanayay

No comments:

Post a Comment