Monday, August 30, 2010

Maalintii 8aad oo Moqdisho la Waabariisatay Dagaalo Xoogan iyo Alshabaab oo Saxaafada mar labaad Tusiyey Mowlicii Macalin Nuur.


Iyadoo dagaalo galay todobaad ka soconayaan magaalada Muqdisho
 ayaa dagaaladii ugu xooganaa waxay maanta ka dhaceen degmada Boondheere ee Waqooyiga Muqdisho, kaas oo ku dhex maraya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sida wararka sheegayaan dagaalada maanta ayaa ahaa kuwo mararka qaar xoogeysanayay, mararna soo qaboobayay, waxaana dagaal goos goos ah ka socday degmada Hodan iyo Howlwadaag.

Inta la og yahay waxaa dagaaladaas ku dhintay ilaa lix ruux oo rayid ahaa, kuwaasoo ku habsaday madaafiicda iyo rasaasta la is weydaarsanayay maanta.


Suuqa Bakaaraha oo xaaladiisa maalmahan aheyd allow sahal ayaa dhowr Madfac waxay ku dhaceen halka la yiraahdo Dahabalaha, taasoo ka dhalatay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad labaatan ruux oo dhaawacyo ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho, kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalada iyo duqeymaha saacadihii la soo dhaafay ka dhacay.

Dhinaca kale Xarakada Alshabaab ayaa saxaafada soo tusiyay Mowlacii Macalin Nuur oo xalay saraakiil ka tirsna Dowladda KMG ay sheegteen inay dib u qabsadeen.


Afhayeenka Ciidamada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in aanay jirin meel laga qabsaday, isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in goobtaas laga qabsaday.

Shabaab ayaa horumar ka sameynaya dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo dagaalada galay todobaadka ay ku durgeen fariisimo hor leh oo xeyndaabka Dowladda ahaa.

No comments:

Post a Comment