Saturday, August 28, 2010

Diyaar uma nihin in Somalia ciidamadeen ay galaan haatan” R/W Ethiopia Meles Zani

Adis-ababa (burcolive)- Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Ethiopia Xukuumadda Ethiopia ayaa haatan waxa sheegtay in aysan u qorsheysneen ciid
 amadeeda in ay fara geliyaan arrimaha Soomaaliya taa oo meesha ka saareysa arinta dhawaan ka soo baxay
 xafiiska R/W Ethiopia Meles Zani uu ku sheegay in hadii loo baado ciidamo ay gaarsiin karaan Somalia, ayadoona uu imaanayo xili cutubyo ciidamo Ethiopian ah lagu arkay gobalka Hiiraan, kuwaasoo mudo kooban ku sugnaa isgoyska Kalabeyr ee gobalkaasi ayadoona la ogeyn waxa ay ka wadaan dhuulatuskasi.




Brakat Simon Wasiirka isgaarsiinta ee Ethiopia oo la hadlayay saxaafada dalkaasi ayaa sheegay in uusan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan in Ethiopia ay soo fara geliso arrimaha Soomaaliya kaa oo uu sheegay in kal hore ay ka baxeen ciidamda Ethiopia Somalia.



Sidoo kale, Wargeys ka soo baxay Ethiopia ayaa sheegay in 1,000-kun Askari oo ka tirsan Milatariga dalkaasi ay ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia, kuwaasi oo howlgalo sameynayay deegaano ka tirsa dhulka Somalia taa oo ay ugu danbeeyay dhoolatuskii shalay ay ka sameeyeen ciidamada Ethiopia deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan.



Waxa uuna si gooni ah ugu nuux-nuuxsaday Waziirka Simon in howlgaladaasi ay wadaan ciidamada ay yihiin kuwa iska caadi ah oo aan la xariirin arimo kale taa oo uu sheegay in ay kuwa aan sameeyn ku yeelan ciidamada Ethiopia.

No comments:

Post a Comment