Monday, August 23, 2010

Hargeysa: Kulan A soo qaban qaabisey SGS (Small Globe Solution)

Hargeysa: Kulan A soo qaban qaabisey SGS (Small Globe Solution) Oo lagu Lafa-guray Arrinta Xasaasiga Ah Ee Cable-ka Badda Hoos Mara Iyo Talooyin Xukuumada Loo Soo Jeediyey

Hargey(burconet)- Kulan aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen shirkadda ay ku bahoobeen qurba-jooga Somaliland oo la yidhaahdo Small Globe Solutions (SGS) oo Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa si weyn loogu lafa-guray arrinta la xidhiidha xiisada maalmahan dambe hadhaysay mashruuca Fiber Optec ee Cable-ka badda hoos maraya ee Somaliland la keenayo.







Kulankaas oo ay ka soo qeyb galleen dad tiro badan oo isugu jira aqoonyahano, culamaddin, wax-garad, abwaanno, siyaasiyiin wadanka magac weyn ku leh oo ahaa xogwareysi cilmiyeysan kaasoo lagu lafa-guray arimaha Cable ka (EASSy) oo ah cable badda hoosteeda mara oo wakhtigani xaadirka ah diyaar u ah inuu soo gaadho Berbera, Somaliland.



Ugu horeyntii waxaa warbixin soo bandhigey SGS (Small Globe Solution) oo kaga waramay howlihii ay qurba joogu ka qabteen iney kala soo taliyaan Dowladii hore iyo sida ay uga gaabisey dowladaasi hore fursado waaweyn oo markaasi si weyn looga faaiideysan kari lahaa. Eng. Ahmed Nur Amin oo isagu in kabadan 10 sanno u shaqeynayey kambaniga caalamiga ah ee British Telecom plc ayaa ka xog waramey sidii ay SGS qeyb weyn uga qaadatey iney Berbera hesho ‘Landing Station’. Aritani oo markey u suurtowdeyna ay kala soo xidhiidheen dowladii hore muddo imika laga joogo sanad iyo badh (February 2009), laakiin arintaasi ay si weyn uga gaabisey dowladaasi hore.



Sidoo kale kulankani waxaa u suurto gashey hey’adda SGS iney soo bandhigto barnaamijkeeda ku wajahan cable ka EASSy iyo in mar walba la eego meesha ay ku jirto danta wadankani Somaliland. Waxey ka warameen faaiidooyinka u gaarka u leeyahey cable kani sida ‘capacity’ jaban oo loo qoondeeyey Jaamacaddaha iyo Hayadaha Public ka ah. Iyagoo taasi kaduulaya ayey soo bandhigeen barnaamij ay ku dhaliilayaan hayada laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya ee loo yaqaan Dalkom Somalia. Waxey ku tilmaameen in hadii loo ogolaado hayadaasi iney maamusho EASSy cable ay si ganacsi ku jiro ku lunsan karto faaiidooyin badan marhadey cidda maamulka u haysa Dalkom Somalia tahey hay’ad ku saleysan danno dhaqaale oo ku xidhan shakhsiyaad Xamar ku xidhan.



Waxa iyaguna halkaasi ka hadley dad tiro badan oo ay ka mid yihiin Hassan Bulbul, mulkiilaha Hadhwanaag Hotel, Dr Hussein Bulhan, Madaxa Jaamacada Hargeisa, Marwo Edna Adan, Dr Saeed Ahmed, Madaxa Jaamacadda Gollis, Abwaan Gaariye iyo dad kale oo aad u tiro badan.



Gabagabadii waxaa kasoo baxey shirkaasi qodobadani hoos ku qoran:



1. In Dowlada Cusubi aaney ku degdegin go’aan ay cid gaarra ugu xukunto arimaha cable ka, iyadoo eegeeysa halka ay ku jirto maslaxada guud ee dalku iyo go’aannada maanta iyadoon aad loo lafa-gurin ay sobobi karto khalad iyo niyadjabna ku noqon kara shacbiga.



2. In ay dowladu u saarto arimaha cable-ka guddi madax-banaan oo ay ku jiraan dadka iyagu caqoonta u leh arimahani si ay baadhitaan buuxda ugu sameeyaan tallada ugu fiican.



3. Iyo in dhinacyada isku haya arimaha cable ku ay su buuxda usoo bandhigaan barnaamij kooga iyo waliba wixii xog farsamo (technical documentations) ee ay hayaan . Arimahani waxey fudeydin doonaan in aaney dowladu si indha la’aan ah u gaadhin go’aamo aan cilmi ku saleysneyn.



Kulankani oo ku dhamaadey is af-garad fiican iyo waliba iyadoo loo balamey in kulan kan ku xiga ay soo qaban qaabiso hey’adda SGS iyadoo la kaashaneysa dadka arimahani daneynaya ee muhiimadeeda dareensan.

burconet.blogspot.com/Hargeysa

No comments:

Post a Comment