Monday, August 30, 2010

Shandaranley: Qiso Jacayl Oo Qiimo Gaara Leh, Qaybtii 2-aad

Hargeysa (somalilandweb)- Talaabada goodaad ee is dhintay, kor-dahab kuma darin qiimaynteeda gabow, laakiin waxay wax ka saartay maydhan oo ah, dangaladeed oo uu goodaad kaga gogol cusbaa, walow minyarada lafteeda aqal-galkeedii waqti badani ka soo wareegay.

Kor-dahab, waxay weli baaqi ku tahay fir-kanax masayr, oo markasta oo ay jaleecdo Aqalka tusmada bidix

ka xiga, waxa wejigeeda ka sindhiidhijiray curfi hinaase. Hase yeeshee inkasta oo uu curfiga hinaasuhu kor-dahab, kaga naxsan jiray, hadana cabbaar ka dib, labada dumar ah, ee isu dangallada ahi, waxay ahaayeen heshiis sheeko wadaagna way ahaayeen. Oday Goodaad, socdaalka dhinaca geela laba qisdi ayuu ka lahaa: inuu danbarka geela dhalay isku soo dacar bixiyo iyo inankiisa currad oo doob ah, bahda kor-dahabna ah, inuu ku hiyi geliyo arin guur. Markii uu salaadda maqrib dabadeeda ducaysanayeyna wuxuu qalbiga ka lahaa Ilaahow gabadh khayr qabta ayaan kaaga baryayaa wiilkayga. Goodaad, markii uu salaadda maqrib ka baxay waxa bogcaddii uu ku tukunayey isku soo tuuray wiilkiisii yaraa ee ku soo cararay oo aad ugu faraxsan.

Aabihii, ka dibna goodaad intuu wiilkiisii yaraa il kalgacal ku milicsaday ayuu ku farxay sida ay caanaha geelu wiilka yar dhogortiisa u wanaajiyeen. Goodaad wiilashii yaryaraa ee geel jiraha ahaa, ee ku soo yaacay, wax hadiyad ah uma sidin, iyaguna ugama fadhiyin, waayo dadkii hore ma aqoon nac-naca iyo xanjada sedka looga dhigo caruurta xilligan joogta. Laakiin wuxuu wiilkiisa yar u siday kabo maas ah, oo cusub iyo makiinad uu ugu talogalay inuu dhowr goor timaha kaga xiiro. Waayo masuuliyadda ugu weyn ee waqtigaa Aabaha ka saanrayd inankiisa waxay ahayd, cagaagga oo uu ka rabo iyo timaha oo uu ka xiiro si aan dullin ugu dhalan. Meesha ay goodaad iyo wiilasha yaryari ku kulmeen, waxay ahayd Duleedka xerada geela, ka dibna markii ay odaygii iyo inamadii yaryaraa waxoogaa baarka isu salaaxeen ayaa lagu foofay sidii baylahda loo dayactiri lahaa, sida Nirgo la xereeyo, xaabo la soo guro iyo hadhuubbo la culo.



Walaw wiilkii yaraa ee goodaad dhalay aanu galabtaa hawl ka dhakowsiin oo uu la shaamareersanaa aragtida aabihii oo uu ka uriyey jawi magaalo iyo udgoon-udgoon, ilayn yarku muddo dheer ayaanu habeed geel mooyaane wax kale urinne. Geeljirayaashu waxay ka koobnaayeen saddex raqam oo kala ah doobab, kurray iyo xerojoog. Nooca xerojooga loo yaqaan, waa kurray soo koraysa, waxaana laga keenay reeraha, iyada oo badiba la soo kaxeeyo xilliga naqa, gu’ iyo Dayr, hadba kii la doono. Waxtarkooduna kama badna dabka oo ay shidaan, Nirgaha oo ay ragga geela lisaya ka celiyaan, shillinta oo ay geela ka guraan iwm. Yaryarkani, hadii ay yidhaahdaan caanaha waanu ka dheregnay lagama yeelo ee waxa lagu cabsiiyaa dhenged xoordhuug ah, habeenkiina waxa la seexiyaa Ardaa debedda u furan si ay saxarada iyo kaadida ula tagaan banaanka ku dhow. Inanka yar ee laga maqlo waan haraaday oo biyaan rabaa, waxa la maroojiyaa dhegta, garaangariyo hadal naxariis lehna nin ku yidhaahdaa xeradaba uma soo hoydo. Wiilka yar ee jil-jileec lagu arkaana waxa loogu yeedhaa naanayso ay ka mid yihiin habari korisay, Adhimaal iwm.



Wiilasha yaryar si loo carbiyo, waxa lagu odhan jirey, marka geelu dhalo mandheertiisa ku dul boodbooda, waxayna arintaa iyo kuwo kaleba ka mid yihiin tacliinta iyo tababarka lagaga baxo Dugsiga Hoose ee cilmiyada Reer Geeljire. Galabtii goodaad yimi ayaa markii hadhuub gaalladii culaygii lagu midiiday, ee cidaadda lagu masaxay, waxa lagu foororiyey dhulka. Nirgihii edegga ku jiray, ayaa mar qudha yuus cirka isku shareeray, iyaga oo u hal celinaya Reenka, tulud meel durugsan ka soo ololaysa. Markii la maqlay reenka ka soo yeedhaya ayaa la iska gartay inuu galyankaasi yahay hal tilmaaman oo loo yaqaan Gobaad. Hashaas oo maalmaha kareeb cusub ahayd, intay mudhayo iyo maajeen hawrtay, uurka ka dhaamisay ayay labada gelin, kii horeba afka dhulka ka daysay maalin oodhan kurraydu juuda-hayeen, darar awgeedna ibo dilaac qarka u saaran. Kadibna intay candhada gorof legedka ku haynkari wayday, hadba gollaha dhinac uga tuuraysa, oo ay dambeedadu hibitiqayaan, caanaha gororkooduna sibraha qooyey.



Ayaa kurraydii oo daallani casar dheere ka hor leexdeen. Ka dibna iyada oo aad mooddo soddon qad loo horray Darka ceelkii xunbo weyne ayey cagaha soo Boorimaysatay, halkaas oo ay geelii kale ee eeridhabanka ahaa sidii eebo la riday soo dhex mudhay. Gobaad markii ay soo gaadhay xeradii ay ka fooftay, waxay luqunta u ridatay Edeggii Nirgaha, ka dibna waxay ursatay Nirigteedii. Cawaysinkii markii ay geelashu xeryaha ku soo dhamaadeen, waxa markiiba loo diiriyey gaawayaasha, waxaana halihii ka reebka ahaa loogu hor godlay goobaad, oo aanay suurogal ahayn in hal kale laga hor godlo. Goobaad, waa madi is-nacday, waxaana la isu dabo joojiyey labo hadhuub gaal oo mid walba mar lagala hoos baxay, isaga oo xoorku sida koofiyadda isu taagay. Goodaad, wuxuu dhex galay xerada geela horweynka ah, isaga oo dheehanaya geshiga ka muuqda dhogorta geela. Baarqabka geella oo dhibidu caaryeysatay ayaa sida danabka uga sanqadhinaya doobta. Awrka baarqab waa ina qoton, waa neef muuqaalkiisa laga cawdibilaysto oo sida heego daruur ah, cirka jeex kaa qarinaya. Waa neef marka uu dhoollaha is mariyo sida ciyowga ugaga dhawaajiya miciyaha. Hadii uu doobta ridona waxa dhulka ka hinqada haadda iyo shimbiraha, taas oo uu kula baxay naanays caan ah oo la yidhaahdo goray-kiciye. Awrkii goray kiciye, markii uu geela ku dhex arkay goodaad ayuu khoof muujiyey oo uu dhoosha ka jiriqsaday, dhibidana dhabarka saaray.



Axmed Cabdi Garas – Maqaloocshe

No comments:

Post a Comment