Thursday, September 2, 2010

Xasiloonidda & horumarka Somaliland gaadhey & dhibaatooyinka ka aloosan Somaliya

Horumarka Somaliland
“Waxaa Somaliland kajirta xasilooni, iyo horumaro dhaqaale, xasiloonidaasi oo aan kajiran South Africa & Cariga Mareykanka,tusaale ahaan, Mareykanka markaad istidhaahdid lacag kalabax machineka lacagta (ATM), waxaad kabaqeysaa in dhabarka lagaa toogto, halka Somaliland dumarku lacag ey isdulsaarsaareyn suuqyadda Hargeisa, halkan South Africa oo leh Dowlad kamajirto xasiloonidda kajirta Somaliland”Ahmed Dowlo, maamulka sare ee Jaaliyadda Ogaadeeniya ee K/Africa.Pretoria, Dr.Iqbal Jhazbay oo katirsan Jaamacadda weyn ee K/Africa (UNISA), oo islamarkaana ah khabiir kutakhasusey arimaha bariga dhexe & geeska africa oo uwehiliyo Prof.Chris Landsberg oo katirsan Jaamacadda Johannesburg & Machadka barashada siyaasada ee fadhigiisuyahey magaaloweynta Johannesburg ayaa bandhig cilmiyeed kusaabsan xasiloonidda, horumaradda dhaqaale, waxbarasheed, siyaasadeed ee kajira jamhuuriyadda Somaliland, & amnidaradda, dhibaatooyinka kahalosan Somaliya kusoobandhigey xarunta Jaamacadda weyn ee UNISA, 23 oct, waxaa kasooqeybgaley dad isugujira Mutacalimiin, Siyaasiin, Bahda Saxaafadda, Xubno katirsan Jaaliyadda Somaliland ee K/Africa, Jaaliyadda Ogaadeeniya ee K/Africa, Soomaali-kudhaqan K/Africa. Seminaarkan oo socdey 2 saacadood wuxuu Dr.Iqbal Jhazbay kufurey hadalkiisa

“waxaa arin aad loojecleysto oo kudayosho mudan ah marxaladaha Somaliland soomartey iyo sida ey uguguuleysteen in ey markii dagaalkii ey kulasoonoqdeen xoriyadooda ey kasoolaabteen sida ey Sulux iyo nabadgelyo waarta oo ilaa manta ey hoos hadhasanayaa umadda Somaliland (Reconciliation) ugadhexdhaliyeen qabiiladda kaladuwan ee Somaliland wada daga, arintani waa arin kudayasho mudan oo Africa & Caalamkuba ey tahey in ey kagadeydaan Somaliland”, Soomalidu waxey kumahmaahdaa Ama Buur Ahow ama Buur Kutiirsanow, mahmaahdan oo ey fahmayaan badi Soomaalida kasooqeybgashey Seminaarkan, Somaliya marka aad eegtid kumey guuleysan in ey sulux waara kadhaliyaan Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxey isticmaleen Guurti & Xeer hoosaadyo si ugusoodabaalaan nabad waarta cariga Sland, dhinaca dhaqanka Somaliland waxey leedahey dhaqan ey u isticmaalaan xalinta khilaafaadka, laakiin gumeystihii Talyaanigu Koonfurta Somaliya ugamuutagin dhaqan” Dr. Iqbal



Maruu kahadlayey dibudhiska (Reconstruction) waxa uu tilmaamey sida R.Somaliland ey caruur iyo ciroolaba, odey iyo islaan ey ugukaceen wadanka si ey dib ugudhislahaayeen, “markii iiguhoreysey ee aan tago Hargeisa waxaa arki karayey burburkii loogeystey Hargeisa, caasimadda Sland ee Hargeisa dhulka ayaa lalasimey, laakiin manta bilicda Hargeisa waa meelaha uguquruxdabadanleh ee mandaqadda Geeska Africa, kaalinta ey kaqaateen dumarka reer Somaliland dib u dhiska dalka Sland ayaa ah mid ey muhiimtahey in aan halkan kasheego, haweenka Somaliland waxey kaciyaareen kaalin libaax horumarka Somaliland, halka RAGU EY QAAD MEELAHAA LAFADHIYAAN dumarka Somaliland, dadka qurbaha kunool ee R.Slandna kaalinta uguweyn ayey kaciyaareen dib u dhiska dalka”Dr.Iqbal

Dhinaca diinta (Religion) wuxuu sooqaatey, in aan kacdoon sidii maxaakiimta Muqdisho aaney kadhalan Somaliland, waxey Sland kuguuleysteen in ey dimuqraadiyadda & diintu ey wada socdaan.



Ictiraafka (Recognition) ey Sland kasugeyso beesha caalamka waa mid ey aad uguhawlanyihiin dowladda iyo dadweynaha r.somaliland ee wadanka gudihiisa iyo qurbajooguba, “Somaliland waxey kuguuleysteen in ey xidhiidho diblomaasiyadeed lasameeyaan wadamo badan oo katirsan Qaaradda Africa, Europe, N.Americaba, K/Africa waxey ulamacaamiishaa Somaliland siheer sare ah, tusaale ahaan Meles Zenawiga Ethopia wuu jecelyahey in Somaliland la ictiraafo, laakiin wuu kayara warwareegayaa in Ethopia ey bilowdo in ey Sland ictiraafaan sababaha iyagoo kabaqsan in gobolo kamid ah wadankiisa ey gooni isutaagaan, markaa arintaa aad ayey ugataxadirayaan Ethopia, AU duna waxey u direen weftiyo kaladuwan oo xaqiiqo raadis ah,”Dr.Iqbal

Prof Chris oo kasocdey Machadka Barashadda Siyaasadda islamar ahaantaana kamid ah Jaamacadda Johannesburg wuxuu kuraacey Dr.Iqbal Jhazbay arimo badan oo uusoobandhigey, inkastoo dhaliilona wuu usoojeediyey Iqbal buuga uukaqorayo arimaha Somaliland, wuxuu Prof Chris tilmaamey in Somaliland ey gaadhey guulo lataabankaro dhinacyadda nabada, dhaqaalaha, siyaasadda, arimaha bulshadda, “waa arin kudayasho leh sida uu tilmaamey Dr.Iqbal, laakiin su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan Sland sida ey kugaadhey horumaradan” isagoo kajawaabey Prof Chris wuxuu tilmaamey in Somaliland aan dibad lagasooweerarin, halka Somaliya dibad lagasooweerarey.



Gebogabadii Dr.Iqbal Jhazbay wuxuu tilmaamey in ey muhiimtahey in arimaha Somaliya xalintooda loodaayo dadka soomaalida, xalna in aaney marnaba noqonkarin in awoodo shisheeye ey xalka Somaliya iskudayaan xalintiisa.



Waxaa bilowdey su’aalo iyo falanqeyn kusaabsan mawduucan seminaarka, waxa su’aalahsi kamid ah hadii Somaliya & Somaliland ey dowlad Federal ah sameynkaraan, iyo su’aalo kale, waxaa iyana jirtey in kasooqeybgalayaasha soomaaliyeed ey canbaareeyno usoojeediyeen Iqbal Jhazbay.



Ahmed Dowlo oo kamid ah maamulka saree Jaaliyadda Ogaadeeniya ee K/Africa ayaa tilmaamey in “Waxaa Somaliland kajirta xasilooni, iyo horumaro dhaqaale, xasiloonidaasi oo aan kajiran South Africa & Cariga Mareykanka, Mareykanka markaad istidhaahdid lacag kalabax machineka lacagta (ATM), waxaad kabaqeysaa in dhabarka lagaa toogto, halka Somaliland dumarku lacag ey isdulsaarsaareyn suuqyadda Hargeisa, halkan South Africa oo leh Dowlad kamajirto xasiloonidda kajirta Somaliland” Ahmed dowlo, wuxuu ku canbaareeyey Iqbal jhazbay in uu katagey in uu waxkasheego, tusaale ahaan maamul goboleedka Puntland, xurgufta kataagan Sool, mustaqbalka Somaliland oo la ictiraafo iyo in gobolo kale ey iyaguna gooni isutaagi doonaan sida Somaliland.



Waxaa ugudanbeyntii halkaasi mahadcelin balaadhan usoojeediyey Dr.Iqbal Jhazbay & Prof Chris iyo dhamaan kasooqeybgalayaasha siminaarka Mudane kasocdey Jaaliyadda Somaliland ee K/Africa, mudanahan S.Mohamed, wuxuu kusoogabogabeeyey mahadcelintiisaa su’aal GEEDI SOCODKA ICTIRAAF RAADINTA SOMALILAND kusaabsan, “Dr.Iqbal Jhazbay, waxa aan aad u xiiseeyaa faalooyinkaaga iyo aragtidaada kusaabsan Somaliland, waxa aan aad u xiiseeynayaa dhinaca ictiraafka Somaliland ey kasugeyso beesha caalamka, Somaliland guulo caalamka oodhan wada ogyihiin ayey gaaadhey, casharo ayey tahey in lagabarto horumaradda Somaliland mana aha arin si sahlan ey kukeentey, walaalaheyga soomaaliyeed ee kasooqeybgaley seminaarkan iyo meelkasta oo ey joogaan soomaalidu waxaan kulatalinlahaa in ey Somaliland ey jiraan casharo waweyn oo ey lagabarankaro horumaradan ey gaadhey Somaliland, su’aasheyda waxey tahey ictiraafka Somaliland oo waqtiyadan danbe ey uloleynayaan xataa soomaali udhalatey soomaaliya, intee ayaa kahadhsan in ey beesha caalamku sibuuxda u ictiraafaan Somaliland”?

Prof Chris wuxuu tilmaamey isagoo mudanahaa R.Sland ujawaabaya in ictiraafka Somaliland aanu dhicidoonin xataa 5 sanee soosocda laakiin Dr.Iqbal Jhazbay wuxuu kabixiyey su’aashaasi rajo fiican oo aad u weyn.



Wadanka K/Africa oo ey kajirto xoriyatal qowl buuxa ayaa waxa wadankan kajira boqolaal iyo boqolaal hay’adood oo cilmibaadhis kasameeya xalinta khilaafaadka Africa kahaloosan, waxaa markaasi wiig kasta kadhaca wadankan boqolaal Seminar, markasta oo ururadani ey kahadlaan xasilooni waxey tusaale usooqaataan SOMALILAND, waxa isgaadhsiinta K/Africa ey aad wax ugaqoraan/siidaayaan/kahadlaan Somaliland & badhaahaha ey gaadhey.



Waxaa diyaariyey Saeed Furaa,

Freelance Journalist,

Pretoria





Ceelka Saliida ee Berbera oo ah ka-uguweyn ee Geeska Africa, waa sawiradda lagusoobandhigey Seminaarka UNISA.

No comments:

Post a Comment