Thursday, September 2, 2010

Raxan ka Mid ah Shaqalihii Ku-meelgaadhka Kastamada Kala-baydh iyo Wajaale oo Mar la wada Eryay

Gabiley (somalilandweb)- 12 ka mid ah shaqaalihii ku-meelgaadhka ahaa ee ka hawlgeli jiray kastamada Kala-baydh iyo Tog-wajaale, ayaa mar qudha shaqadii laga dareeriyey, kadib markii Agaasimaha cusub ee Waaxda Kastamada ee Wasaaradda Maaliyaddu amar ku bixiyey in shaqada laga joojiyo.



Sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha shaqada laga caydhiyey, waxa shaqaalaha la eryey oo tiradoodu dhan tahay 12 qof, kuwaas oo 7 ka mid ah ka tirsanaayeen kastamka Kala-baydh, halka 5 kalena ka shaqaynayeen kastamka Wajaale.



Shaqaalahan la eryey oo la sheegay in ay ahaayeen qaar ku-meelgaadh ah oo aan si rasmi ah loo shaqaalayn, isla markaana qaarkood ku sugnaayeen goobahaas muddo ka badan toddoba sannadood, ayaa ka biyo-diiday amarkaasi.



“Waxa shaqada naga eryey annaga oo muddo toddoba sanno ah ku shaqaynayey ku-meelgaadh Agaasimaha cusub ee Waaxda Kastamayada Mr. Cali Dhegoole, waxaannu erigayaga u cuskaday in aannu ahayn dadkii UDUB gaysay kastamyada, wxaannu shaqaynaynay toddoba sanno oo aannu bilaa mushahar ahayn, arrintanina nama qabato.” Sidaa waxa yidhi Farxaan Ibraahim Warsame (Walgo) oo ka mid ah shaqaalaha laga eryey kastamka Kalabaydh.



Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhawaan isagoo kaashanaya agaasimaha cusub ee waaxda kastamada hawlgeliyey shaqaalihii hore looga fadhiisiyey kastamyada cashuuraha dalka, isagoo dhinaca kalena soo saaray qoraal shaqada lagaga fadhiisinayo xubnaha aan gelin imtixaankii Wasaaradda Maaliyadda, waxana ka mid ah dadka arrintaasi saamaysay ee shaqada laga caydhiyey maamulihii uu isla wasiirku dhawaan u magacaabay Kastamka Abaarso.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda oo aannu xalay isku daynay in aannu warkaas wax ka waydiino ayaanay noo suurtogelin in aannu ku helno telefoonkiisa gacanta.

No comments:

Post a Comment