Friday, September 3, 2010

Dhacdooyinka somalilandweb: Wiil Mareykana oo 22 Jir Ah oo Ka Bad-Baaday Geeri Kadib Markii uu Kasoo Dhacay Dabaqa 39 Aad Daar Dheer oo Ku Taala Magaalada NewYork

NEWYORK(somalilandweb)- Wiil dhalinyaro ah oo mareykana ayaa kasoo dhacay dabaqa 39 aad daar dheer oo ku taala magaalada New York ee dalka mareykanka. Jariirada The New York Daily News ayaa sheegtay in wiilkaa oo 22 jir ah uu kasoo dhacay daruuraha samada New York laakiin xag alle uu ka bad baaday wiilkaasi dhimasho xaqiiq ah,


jariirada ayaa sheegtay in wiilkaasi uu ku dul dhacay gaadhi daarta hoos taagnaa isagoo waliba ku dhacay muraayada danbe ee gaadhiga. wiilkaa ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo dhowr ah laakiin wuxuu tii alle kaga bad-baaday dhimasho layaab leh,

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkayeen wiilkaa oo lugihiisu soo laa-laadaan oo sidii filimaanta hawada ka soo socda laakiin nin kamida dadkaa arkayey ayaa jariirada u sheegay inuu gaadhigaasi sabab u ahaa noloshiisa oo hadii uu dhulka ku dhici dhici lahaa laga yaabo in arinku sidaa ka duwanaan lahaa,


Jariirada ayaa sheegtay in dhowr sanadood ka hor laba nin oo ah kuwa guryaha nadiifiya inay kasoo dhaceen dabaqa 47 aad ee daar dheer kuwaas oo mid kamida uu markiiba geeriyooday halka kii kalana uu ka bad baaday dhimashadaa isagoo ay soo gaadheen dhaawacyo jajab u badan laakiin ninkaasi uu dhakhtarka kasoo baxay isagoo bad qaba kadib markii lix todobaad lagu daweynayey,

No comments:

Post a Comment