Wednesday, September 1, 2010

Dadweynaha Magaalada Burco oo Markii Ugu Horaysay Dhadhamiyay Dhibaatada ay Leedahay Dabdamis La’aantu

Burco(somalilandweb)- waxaa maalintii shalay ahaa ku gubtay magaalada Burco qaar ka tirsan guryaha dadka danyarta ah ee xaafada October taas oo ay shufbeeleen in ka badan 66guri oo naaca cooshadaha oo ay deganaayeen dadka ka soo firxaday dagaalada iyo colaada aan kala go’a lahayn ee 20sano ee u danbeeyay ka tagnaa dalka somaliya.

dabkan shalay ka kacay xaafadahaasi ay ah mid guud ahaanba baa biiyay hoygii cooshadaha ah ee ay ku hoyanjireen dadkaasi danyarta ahi waxaanay dadkaasi waayeen cid u soo gurmata oo bakhtiisa guryahooda marka laga reebo dadka shacabka ah oo iayagu ciid iyo biyo u isticmaalayay inay la tacaalaan dabkaasi taas oo inta badan ay ku guulaysteedn bakhtiintiisa marfka laga reebo guryahaasi oo dhamaantoodba Shufbeelay.


Hadaba magaalada Burco oo ah magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa in tabadan waxa ka kaca dabka la soo darsa xaafadaha kaas oo inta badan ay sabab u yihiin shirakadaha korantada oo dabkoodu yahay had iyo goor mid dayacan iyo weliba dabaysha xagaaga oo ka qaybqaatada hurinta dabka.



Geesta Kale Magaalada Burco ayaa inta badan waxa ay dadkeedu ku cananjireen xukuuumadihii kala duwanaa ee dalaka soo maray inaanay xil iska saarin sidii ay dabdamis joogto ah magaalada ugu samaynlahaayeen balse arintaasi ayaa noqotay mid laga Bogsaday intii ay talada dalakahaysay Xukuumadii Dahiir Rayaale oo iasaga ka dib markii uu xidhmay madaarka Burco dabdamiskiisii ugu deeqay Bulshada Gobolka Togdheer inay kula tacaalaan afooyinka dabka ee la soo darsa taasina waxa ay naruuro amaa badbaado u noqtay tobanan guri oo Burco dab qabsaday oo Dabdamiskaasi bakhtiiyay.



Dabdamiskani oo ahaa ka keliya ee Burco leedahay ayaa waxaa dhawaan intii ay sii joogtay xukamdii hore Loo Qaybiyay Bulshada Goblkani Talefoonada ay kala soo xidhiidhikaraan hadii ay la soo daristo aafada dabku taasina waxa ay keentay in qofwalba oo Burco ku dhhaqani gaar ahaan inta isticmaasha talafoonada gacantu ay xafidaan lanbarkani dabdamiska taas oo meeshii dab ka kaca si degedega uu u soo gaadhijiray marka la waco.

Hadaba Maalintii Shalay ahayd Maxaa kala Qabsaday Darawalkii Gaadhigaasi +Talafoonkiisii Gacanta+Dawdweynihii Maagaalada Burco ee Ku Sugnaa Goobta Dabku ka Holcay



shalay markii uu dabkani kacay ayaa dadweynaha magalaada Burci intoodii ku suganayd goobta uu dabku kacay ay talafoonadooda gacanta ku garaaceen darawalkii dabdamiska wadijiray kuwaasi oo u sheegayay inuu si dhakhso ah u soo gaadho goobtani gubanaysay balse jawaabaha ay heleen ayaa ahaa “Dadweynaw Gaadhigii Berbera ayuu ku Suganyahay sidaas daraadeed kama qaybqaadankarno bakhtiinta dabkani ee idinku bakhtiiya” jawaabtaasi ayaa dadweyanaha magaalada Burco intii aan ogayn in dhawaan wasiirka Dulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi u wareejiyay dabdamiskii Burco Madaarka Bebera kuweaasi oo ku tilmaamy ianay tahay mid ku haboonayn in gobol, gobol kale loo kala dhantaalo.



Nuux Maxamed Xirsi waa mid ka mid aha dadka dareenkooda ka dhiibtay arinta wareejinta Dabdamiskani waxaanu sheegay inay tahay wax laga xishoodu In Gobolka Togdheer oo ah meelaha ay xukuumadu codka badan ka heshay waqtigii doorashada oo ay u balanqaaday inay wax badan u qabanayso ay isla markiiba bilawday inay ka wareejiso waxyaabihii ay uga tageen xukuumadii ay intabadan Dhaliilijireen ee Daahir Rayaale Kaahin oo ay ku eedaynjireen inaany waxba u qaban gobolkani.



Maaha markii ugu horaysay ee dab noocani oo kale ahi uu ka kaco xaafadaha kala duwan ee magaalada Burco balse sanadgudihiisa ayaa la sheegaya in in ku dhaw 100 guri ay ku gubteen dab ka kacay xaafadaha kala duwan ee magaalada.



Ugu Danbayntii Dabakani shalay ka kacay magaalada Burco oo ahaa kii ugu horeeyay ee la kulma intii uu wasiirka Duulistu Dabdamiskii Magaalada U wareejiyay madaarka Berbera ayaa waxa uu noqday fariin ku socda xukuumada oo ka turjumaysa in ay tahay wax aad u layaab badan in magaalo madaxdii labaad ee dalka loo waayo gadiid yar oo dabdamis ah oo badbaadinkara hantida iyo hoyga dadka danyarta ah ee magaalada kuwaasi oo dawlada marwaba dhanka cashuuraha iyo nabadgalayadaba qayb weyn ka qaata.

No comments:

Post a Comment