Wednesday, September 1, 2010

Berbera: Xil-wareejintii Dekedda Berbera

Berbera (somalilandweb)- Maareeyaha cusub ee dekedda
Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa shalay xilka kala
wareejiyay Maareeyihii hore Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor).
 
Munaasibad loo sameeyay xilwareejintaas oo lagu
qabtay Berbera, waxa ka qaybgalay wasiirada
Kalluumaysiga, khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha,
Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo tacliinta sare,
badhasaabka gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.

 Ugu horayn, Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Eng.
Cali Cumar Maxamed oo hadal ka jeediyay munaasibadaas,
waxa uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddo dheer
oo uu xilkaa hayay. “Waxaan ku faraxsanahay xilkan
Dekeda oo aan muddo soo hayey inaan isaga oo bad qaba,
isaga oo camiran, isagoo horumar ka muuqdo ku wareejiyo
Maareeyaha cusub. Arrinkaa dadku waxay u yaqaanaan shaqo
qof hayey oo uu ka tegayo, masuuliyadu way kala duwan
tahay, xafiisyada dawladana kuwa ugu tayada badan ayuu
ka mid yahay maamulka dekedu, waa meesha ilaa imika uu
ku tiirsan yahay dhaqaalaha wadanku hadday tahay mid
shacab ah iyo hadday tahay mid xukuumadda ahba, waa
meesha aynu dibadaha xidhiidh kala leenahay ee waxna
inooga soo degaan waxna ka dhoofaan, waliba waxay wax
badani u maraan wadamada jaarka ah oo ay ugu horeyso
wadanka Soomaaliya iyo Itoobiya, badeecado badan ayaa u
mara,” ayuu yidhi Mr. Cali Xoor-xoor. “Haddaan dib ugu
noqdo 2000-kii badeecadda mari jirtay waxay ahayd 500 oo
kun oo tan, imikana waxay ku dhawdahay milyan, taasi
waxay muujinaysaa inay jirto badeecada oo kordhaysa,
badeecad ma keeno wax ban ma dhoofino, laakiin hawsha
qabashadeeda, sahalkeeda, amaanadeeda iyo qof walba
badeecada uu leeyahay oo aanu gacanta ka saarno weeye,”
ayuu raaciyay. “Waxaan ahay dawlada ninkii ugu horeeyey
ee wareejiya lacag dhan 275-kun oo doolar, waxaana
farxad wayn ii ah inaan lacag intaas le’eg wareejinayo,”
ayuu yidhi Maareeyihii hore.
 
Maareeyaha cusub ee dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf
Dirir oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas,
waxa uu ka waramay xaddiga masuuliyada loo dhiibay.
“Maanta waxaynu halkan kula kala wareegaynaa masuuliyad
la odhan karo waa tii qaranka Somaliland ugu balaadhnayd,
waayo waxaan la wareegayaa hanti dhan 300 oo milyan oo
doolar oo noocyo kala duwan leh. Runtii waa masuuliyad
aad u wayn, dhinaca kale dekedu muhimad wayn bay u
leedahay qaranka, waa meesha wasaarada Maaliyaddu ka
hesho in ku dhaw 80% miisaaniyada qaranka, ma khaldana
markaa in la yidhaahdo waa 80% wadankii. Runtii
masuuliyada noocaas ahi waa mid aan dareensanahay, waana
mid aan ku khasbanahay inaan waajaho,” ayuu yidhi
Maareeyaha cusub oo sheegay in shaqada dekedda oo uu
dhawr iyo toban sannadood joogay aanu ku cusbayn.
 
Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax)
oo isna hadal ka jeediyay xilwareejintaas, waxa uu
sheegay in maamul ahaan ay ceeb ku tahay inay shidaal
iyo kharash ay ku hawlgalaan ka baryaan Dekedda iyo
Maayarka Berbera, iyadoo gobolku yahay ka dakhliga ugu
badani ka soo xeroodo. “Runtii aad baan uga xumahay,
anigu maalintii aan xilka la wareegayeyna waan sheegay,
marka Boolisku wax u baahdo wuxuu u soo doonanayaa
Dekedda, marka Badhasaabku wax u baahdo Maayarka ayuu u
soo baryo tegayaa, waana wax laga xumaado, waa gobolkii
ugu dhaqaalaha badnaa dalka, markaa ma baryeyno anagu,
Booliskayaguna ma baryaayo oo ah kuwa nabadgelyadu ku
dhisan tahay, ciidanka qaranka oo aanu imika
nabadgelyada u adeegsanaana ma baryayaan,” ayuu yidhi
Mr. Ramaax. “Waxaanu samaysan doonaa qorshe aanu ku
leenahay magaalada, xaqna aanu u leenahay oo aan qabo
inay dadka reer Somalilad sugayeen in la helo dawlad u
garata horumarinta magaalada,” ayuu yidhi guddoomiyaha
gobolka Saaxil.
 
Ugu dambayn, wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka Badda
iyo maamulka Dekeddaha Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin
Xasan oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu ka digay in
cid kale farogelin ku samayso maamulka dekedda Berbera.
“Dadkeena hoos waxa u eegayoow waxaad ogaataa eeg waxaa
maanta walaalaheena kale haysta ee dhibaato jirta iyo
sida laysku boobayo. Maanta 300 oo milyan oo dollar ayaa
wanaag iyo sharaf, isku qosol iyo walaalnimo aynu iskugu
wareejinaynaa waa inaynu ku faano,” ayuu yidhi.
 
Wuxuuna maamulka iyo hawlwadeenada Dekedda u soo
jeediyay inay wada shaqayn muujiyaan, si wanaagsana
loola shaqeeeyo maamulka cusub. “Waxaan ka hadlayaa
arrinta gobolka, Berbera wixii wanaageeda ah dekedani
kama gaabin doonto, waananu ku shaqayn doonaa hiil iyo
hoona waanu garab taagnaan doonaa, Badhasaabkana hore
ayaanu uga wadahadalnay, waxaan leeyahay dawladu waxay
ku siiso iyo dheeraadba waanu kuugu dari oo waanu kugu
kaalmayn, waana waajib. Dhinaca ilaalinta dekeda waad
ogtihiin oo waa halbawlaheenii, amniga dekedu waa waxa
ugu wayn, geeskan aynu ku nool nahay dhibaatada ka jirta
waad ogtihiinoo, waxaan ka rejaynayaa ciidamada qaranka
ee dekeda, Booliska, duqa magaalada, Badhasaabka in
amniga dekeda xil wayn la iska saaro, xilka la iska
saarayaana maaha inaad isbarbar yaacdaan, waxay ku
dhisan tahay wasaarad, wasiir bay leedahay, maareeye
ayey leedahay, nidaam bay leedahay, waa inaynu inagu si
walaalnimo meel uga soo wada jeedsanaa oo aynu u wada
shaqaynaa. Laakiin, aniga waxa iga wakiil ah Maareeyaha,
waana ka shaqada maalinlaha wadaya, qof waliba waa inuu
ogaadaa amniga dekedu wuxuu saaran yahay Maareeyaha, cid
kale oo ku farogelin karta oo aan Madaxweynaha ahayn oo
aniga I soo wakiilanaya mooyaane, ma jirto cid kale oo
dekedda soo farogelinkartaa, maareeyuhuna sida uu doono
ayaa loola shaqaynayaa, nin kasta oo Badhasaab ah ama
ciidan haystaana isaga ayuu kaga dambaynayaa,” ayuu
yidhi wasiirku.
 
Sidoo kale, Maayarka magaalada Berbera Cabdalla
Maxamed Carab oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu soo
dhaweeyay Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera.

Waxa kale oo iyana hadalo ka jeediyay xafladaas,
Maareeyihii hore ee dekedda Bile Xirsi Ciid iyo Maareeye
kuxigeenka cusub Mr. Cumar Abokor Jaamac.
 


















No comments:

Post a Comment