Wednesday, September 1, 2010

Shandaranley: Qiso Jacayl Oo Qiimo Gaara Leh, Qaybtii 3-aad

Hargeysa (somalilandweb)- Goray kiciye markasta oo uu doobta ka cisiiyo, waxa goojo la amaara, qaalmo badan oo uu tiftii gu’ga jeeniga mariyey, ka dibna abaaho qaatay. Baarqabkii goray kiciye, wuxuu habeenkaa ku cadho burburay Duq abaahoqabsanwayday oo geelal kale ka soo wareegtay. Markii geelashii laga hadhuub dhigay, waxa la isugu yimi golihii geela, oo kash-kaash sida furaashka loogu goglay. Ka dibna waxa loo dooyeystay waraysi, waxaana warka laga toomiyey oday goodaad oo socoto ahaa, iyada oo uu hadalka ka guurayey, nin la yidhaahdo Gaax-nuug oo ka mid ah ragga geelasha hayey.

Oday goodaad, waxa warka lagaga guray jawi xasiloon, wuxuuna hadalka ku bilaabay “Nimanyahow la idiin warran, Anigu saaka subixii hore ayaan kabta ka soo illaday reerihii oo yaal meesha la yidhaahdo Adaadaxa lafcaryaale ee ka sii rogan teedka Cawl ku dhal. Arladaa dad iyo duunyo wixii joogay way nabadgelyo qabeen, tigaadda gu’guna ma seegin, geedka adhi la yidhaahdaana.


wuxuu raafka kula dhiriqda gunimo, naylahana qaadhka lagama saarin. Hadii eebe kuu roonyahay dhulkaa aan soo maray udubka reeruhu ma soo gaadhin, nimcaduna ma kala go’na oo ma jirto meel aanad cagta ka dhowrayni. Aniguna tilmaanta xerada ayaan hayey oo waan ku soo tibaday, oo galabtaba waxaan ku tukaday duleedka xerada”. Gaaxnuug oo oday Goodaad warka ka guraya, ayaa jiibta haya oo leh “waa kow”. “Socotadayduna ma ahayn mid idin kama shishaysa, warna waa iga intaa waryaridaa, warran weriyo meel kale ka timina ma ogi, wax waydiina ogaal, waa sida” ayuu Goodaad ku soo afjaray warkiisa. Gaaxnuug oo warka ka guraya oday Goodaad, ayaa yidhi “warkaa meelmar adiga iyo waalidkaaba, Alle ma cadaabo”.

Intaa markii la isdhaafsaday ee Goodaadna looga waramay xaaladda geelasha ayaa sheekooyin googoos ah, la isu dhiib dhiibay. Goor ay cawaysin dambe tahay ayaa la durduurtay caanihii lista ahaa oo hadhuub gaaladii ku ceegaaga. Hase yeeshee Goodaad iyo wiilkiisii Balayax waxay isula faq baxeen ardaa gooni ah oo qoryo maaci ahi ka hulaaqayaan. Balayax, waa wiilka wiilasha Goodaad u weyn, waana 18 jir, intiisa ku muddakar ah, wuxuuna la dhashay toddoba hablood oo qarkood guryo leeyihiin, qaarna weli timo tidcan yihiin. Balayax waa wiil la jecelyahay, oo ay dhaarta ugu dambaysa ku maraan hablaha la dhashay, waana ninka kadinka geela ah, ee Reer Goodaad u go’ay, ee kayn daaq leh iyo kob dureemo lehba daajiya.





Habeenkaa markii ay Goodaad iyo wiilkiisu iswaraysteen, oday Goodaad uma sheegin Balayax inuu ku camal jiro inuu sannadka guursado. Isaga oo Balayax jeclaa inuu aabihii ka taliyo Arrinta guurikiisa. Waayo Balayax, wuxuu sidaa u yeelayay maadaama uu yahay bahda weyn, oday Goodaadna minyaro bilcamay, waxaa meesha yaalay hinaase baheed, sidaa awgeed, wuxuu Balayax door bidayey inay arrintu xagga odayga ka timaaddo.







Dhinaca kalena, waxa jirtay haar damqanaysay Balayax, oo nabar caashaq labo jirsaday hurgumo (caabuq) ku soo kicinayey. Waayo wuxuu xusuusteeda ka lediwaayey gabadh cudbi la yidhaahdo, oo ay dayrnimadii ku ballameen inay isguursadaan marka ay hoorto dhibicda u horaysa ee gu’gu. Hase yeeshee werwerka iyo walbahaarka Balayax ku foogani waxa weeye, iyada oo curashadii gu’ laga joogo bil iyo habeeno, oo ay ballantii muddo dhaaftay, gabadhii cudbina aan war dambe lagu celin. Goodaad, illayn waa nin maanta oo dhan socod ahaaye, intuu dabka dhinac u banneeyey ayuu hurdo lac yidhi.







Hase yeeshee Balayax wax baa ka hugmayey oo hurdada kala tacaalayey, waayo waxa ku rafanaysay xusuusta gabadhii uu jeclaa, ballantii oo muddo dhaaftay, waxa u muuqatay cudbi oo raagsatay oo nin kale la baxay. Waxa kale oo talada Balayax sii cakiray qabiilkiisa iyo qabiilka Cudbi ka dhalatay oo colaadi dhex martay, dhowaana ay dilal cusubi ka dhex dhaceen oo ay aano cusubi dhextaal, sidaa awgeed labada qolo isma bixinayaan, balse Balayax Cudbi waa jecelyahay.

La socda Qaybta ................


No comments:

Post a Comment