Friday, September 3, 2010

Shandaranley: Qiso Jacayl Oo Qiimo Gaara Leh, Qaybtii 6-aad, Ha Moogaanina Halkii Ugu Darnayd Ayaa La Galaye!


Hargeysa (somalilandweb)- Habeenkaa ciyawoga wiiqda haya, jiriqaaga dhiidha haya iyo sawaxanka shimbiraha hareerihiisa ka shallaadaya ayaa wehel u ah. Balayax, habeenkaa socodkii kama jimcin, wuxuu ku talo jiraa inuu nuska hore ee habeenka ka gudbo soohdinta libaax galeenka badan.
Balayax, ma ahayn nin fulinimo lagu yaqaan, oo libaaxa ka baqa, habeenkaana wax hub ah, toorri buu sitay farolaabna waxa u ahayd, dhenged baarka hore feedhan. Waayo sida uu socdaalka ugu doqomaysan yahay ayuu hubkana nacas ka yahay. Libaaxa meesha uu marayo ku nooli, wuxuu libaaxyada jiidaha kale, ku nool dheeryahay waa Libaax dhadhamiyey hilib dad, oo wuxuu ku hororoobay colaado ka dhacay jiiddaa, oo uu hilibkooda cunay maydadka, raggii ay iska laayeen labada Col; Balayax, wuxuu saqda dhexe jeerrinka iyo qansaxa jilibka ku dhuftaba, mar qudha ayuu meel dhabarkiisa ku beegan, kamaqlay sanqadh iyo ci siba’an u hanqaadhaysa, ka dib ninkii Balayax, waxa kor iyo kal isku jebisay jidhiidhico ba’an dareen cabsiyeed ayaa isku gadaamay, xaadda jidhkiisa ayaa isla oogsatay, xubin kasta oo jidhkiisa kamid ah, waxa siidhi ku wargeliyey dareenka cabsiyeed ee saaqay.
Kubabka ilaa gacmaha waxa ku baahay firka nax cabsiyeed, garaaca wadnihiisa ayaa feedha bidix ka rugle, garray wuxuu inuu libaax yahay. Mar kale ayuu maqlay sanqadh tii hore ka yar oo u dhawaaqaysa (Fuu-Fuuf-Fuuf). Waxa weeye aar Libaax oo raadkiisa sanka la raacaya, waa bahal mamay oo uu hilibka dadku u soo hillaacayo. Balayax, cabsidii ayaa ku siikorodhay, ka dibna orod buu miciinsaday, libaaxii awelba orod buuku jiree, isna wuu eryaday.
Hase yeeshee, Balayax, habaq-habaqdii orodka ayuu xusuustay tabihii libaaxa la isaga difaaci jiray. Ka dib go,iisii ayuu hudhunka gacanta bidix ku duubtay, wuxuuna ku leexday guri madhan oo laga guuray, dabadeedna markuu arkay inaanu si kale ku baxsanayn ayuu geed oodda guri caska laga guuray ku dhexyaal degdeg u koray.
Libaaxii isaga oo goojinaya oo balayax raadkiisa sanka ku haya ayuu dhakhso u soo gaadhay balayax oo geedkii sii koraya, ka dibna cidiyaha ayuu la haabhaabtay, isaga oo gurxamaya, laakiin Balayax wuu ka baxsaday oo ma gaadhin libaaxii, ka dibna intuu geedkii dhakada uga baxay ayuu rako yar badhida saaray, gacmahana labo laamood oo kala durugsan ku kala cuskaday. Libaaxii intuu indhaha kor u laliyey, afkana kala waaxay ayuu geedka hoostiisa istaagay. Belaayo, kolba ta dambe ayaa darane, Balayax, oo geedkii fuushan oo is leh, belaayadii waad ka badbaaday iskanaeegaya inuu libaaxu ku soo boodo, ayuu hadana maqlay sanqadh kale oo geedka gebigiisaba wada ruxday, wuxuu maqlay shamamax, ur aad u qadhmuuna waa uriyey. Kor buu eegay, saa wuxuu arkay bahal mas ah, oo dabadu orgi le,ektahay oo madaxiisa balaadhka aad yaabto, oo intuu laan kale kaga soo gudbay gacantiisa soo dhaafay, aadna u miliqsanaya oo galaabi xiniya carrab labo faraarle ah, oo aad xadhig moodo.
Waxa labo iyo luqun modoobe aad u dhalay oo geedkaasi hoygiisa yahay, gurigana reerkii degaaba uga qaxay. Ninkii Balayax dhidid buurbuuran ayaa shax ka soo yidhi oo tin iyo cidhib qooyey. Ka dibna intuu balayax indhaha galka ka rogay, oo afku in taako le’eg kala tegay ayuu gacantii masku ka soo korayey si degdeg ah, kor ula booday, isaga oo qaylinaya oo firka naxsan, ayuu luquntii maska gacanta si xooggan ugu daafadeeyey, dabadeedna maskii ayaa dhulka u dhacay.
Culayska masku qof buu miisaan le’eg yahay, ka dibna meel Libaaxii u dhow ayuu gab ku yidhi, dabadeedna Libaaxii ayaa mooday ninkii geedka fuulay oo soo dhacay, ka dibna ku soo booday. Maskii iyo Libaaxii oo mid waliba cadhaysan yahay ayaa geedka hoostiisa daf is yidhi, Libaaxii wuxuu bahal qaniinyo ah ka buuxsaday adhaxdii maska, balse maskii ayaa isna miciyihiisii waabayda lahaa ku arooriyey dhegtii libaaxa. Ka dibna sidii ay isu haysteen ayey labadoodiiba naftu iskaga dul baxday. Balayax naxdintii ayuu ku qalalay laan geedka ka mid ah, welina cabsidii kama hadhin, waayo wax jawaab ah kumay soo celin oo ma oga inay labadii bahalba dhinteen. Dabadeedna habeenkii oo dhan, wuxuu ku tigtignaa geedka dushiisa, wuuna arkayey inay bahaluhu isku maran yihiin.
hablo wadaan awrtaas oo alaabo bendeka weyn laga keenay lagaga soo qaadayey meel tuulo ah, ka dibna Balayax awrkii buu ku xidhiidhsaday. Habalaha awrta wadaa way geeraarayaan, waxayna leeyihiin; “waar cadaawe-cadaawow, waar cadaawe halyeyow, Alla xaluu tiir ku xidhnaayoo, alla shaluutaagan ahaayoo, Alla maanta waa tub ku joogeey, ululu- lulu”. Luuqdaa baxsan iyo mashxaradaasi, waxay Balayax ka mash-quulisay su’aalo uu jidka isku sii waydiin lahaa, waxayse Balayax iyo awrkii Dhiddar, wadadu ku saddex noqotay, markii ay gabdhihii iyo xidhiidhii awrta ahayd, u leexdeen tuuladii ay ku socdeen.

No comments:

Post a Comment