Friday, September 10, 2010

MARKAB LAGA LEEYAHAY DALKA JARMALKA OO LAGA BADBAADIYAY BUDHCAD BADEED SOOMAALIYEED.

ADEN(som web)- Ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaalida ayaa ku guulaystay in ay ka badbaadiyaan budhcad badeeda Soomaalida markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Germany. Budhcad badeeda Soomaalida ayaa mudo labaatan saacadood ah waxay ku jireen gudaha markabka kadib markii shaqaalaha markabku ay ku gabadeen khan hoose. Kooxda afduubka la maaganayd markabka ayaa baadi doon dheer u galay in ay helaan shaqaalaha markabka, xataa si ay u helaan shaqaalaha macduunka ku noqday waxay budhcad badeedu la xidhiidheen shirkada leh markabka oo fadhigeedu yahay dalka Germany.

Hawlgal lagu badbaadiyay markabka, ma jiraan cid wax ku noqotay waxaana u suurto gashay ciidamada Maraykanku in ay gacanta ku dhigaan sagaal ka mid ah budhcad badeeda.

Afhayeen u hadlay shirkada leh markabka la badbaadiyay oo lagu magacaabo Juergen Salamon isaga oo ka hadlaya halka sida ay shaqaalaha markabka halka ay isku qariyeen waxaa uu yidhi “shaqaaluhu waxay damiyeen injiinadii markabka, iyaguna waxay isku xidheen meel aad u qarsoon oo ka mid ah markabka guradiisa”. Dhanka waxaa shirkada markabka leh oo ay xidhiidh la sameeyeen u sheegeen in markabka ay soo foodsaartay cilad farsamo isla markaasina shaqaalihii si ku meel gaadh goob kale loogu qaaday, Nasiib wanaagse waxaa ka soo gaadhay oo badbaadiyay markabka ciidamada Maraykanka ee jooga biyaha dhulka Soomaalida. Shaqaalaha markabka ayay tiradoodu dhamayd 11 badmaax oo u kala dhashay wadamada Russia, Poland iyo Philipines.

No comments:

Post a Comment