Thursday, September 2, 2010

Berbera: Goolaftankii Badhasaabka, Isdifaacii Wasiirka, Dooddii Xoor-xoor, Dardaarankii Maayarka

Berbera (somalilandweb)- Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa si rasmi ah xilka ugalareegay Salaasadii toddobaadkan maareeyihii muddada 18-ka sanno ah soo maamulayay Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor).


Munaasibadda xil-wareejinta oo ahayd tii ugu ballaadhnayd ee muddooyinkan dalka ka dhacda, waxa ka qaybgalay wasiirrada Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha, Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Caafimaadka, madaxda Gobolka Saaxil, kuwa Degmada Berbera, dhammaan masuulliyiinta kala duwan ee ka hawlgala laamaha dawladda ee Berbera iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan.



Xafladda ay xilka kula kala wareegeen Eng. Cali Xoor-xoor iyo xisaabiyihiisii Madaxweyne Silaanyo u dallacsiieyey xilka culus Mr. Axmed Dirir oo lagu qabtay xafiiska Mareeyaha Dekedda Berbera, waxa ku xeernaa dareenno kala duwan iyo muuqaallo ka muuqday wejiyada madaxda tirada badan ee la martiqaaday.



Munaasibadda oo uu xidhiidhinayey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa ugu horreyn waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo si mug leh uga warramay maexalladihii kala duwanaa ee ay soo martay Dekedda Berbera muddo 20 sannadood ku dhow oo uu maamulkeeda gacanta ku hayay.



Eng. Xoor-xoor oo noqday masuulkii u horreeyey maamulkii xukuumadda UDUB ee wareejiya hanti dawladeed, waxaannu madashaas kaga dhawaaqay in ay khasnadda dekedda ku jirto lacag dhan $275 kun oo doollarka Maraykanka ah, taas oo uu sheegay inay tahay dakhli uu soo xereeyey maamulkiisa xilka wareejiyey, arrintaas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo uu xilka ku sagootiyey.



Waxa kaloo uu Maareeyihii hore sharraxaad ka bixiyey muhiimadda Dekedda Berbera ugu fadhido qaranka Somaliland, isaga oo carrabka ku dhuftay in 80% dhaqaalaha dalku ku xidhanyahay dekedda, mid dawladeed iyo mid shacab-ba, waxaannu xusay in ay ka hawlgallaan 1189 qof oo shaqaale ah.



Ugu dambayn, waxa uu ku dooday inuu isagu masuul ka yahay heerka wanaagsan ee dekeddu taagan tahay, sidaa darteed waxa uu Maareeyaha cusub ee xilka kala wareegay kula dardaarmay inuu halkaa ka sii wado hawshii baaxadda lahayd ee uu qaranka u hayay, waxaannu shaqaalaha iyo guud ahaan bulshada reer Saaxil ugu baaqay in ay si fiican ula shaqeeyaan maamulka cusub.



Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir oo xafladda uu xilka kula wareegay hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warramay muhiimadda dekeddu u leedahay dalka Somaliland iyo kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu Eng. Cali Xoor-xoor ku hoggaaminayay maamulka Dekedda Berbera.



Mr. Dirir waxa uu sheegay in aanu ahayn qof ku cusub dekedda, balse uu ka soo shaqaynayay 13-kii sanno ee la soo dhaafay, sidaa awgeedna ay taasi u fududayn doonto gudashada masuuliyadda culus ee loo xambaariyay, waxaannu ballanqaaday in aanay waxba iska dhimi doonin heerka uu kula wareegay, isaga oo tibaaxay in uu wax ka qaban doono toosinta maamulka dekedda oo uu hoosta ka xarriiqay in wax badan ka khaldanaayeen iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.



Sidoo kale, waxa uu maareeyaha cusub tilmaamay inuu xidhiidh wada-shaqaynneed oo joogto ah la yeelan doono maamulka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, taas oo uu sheegay in ay tahay ta keliya ee lagu gaadhi karo guusha iyo horumarka la wada hiigsanayo, waxaannu martida munaasibadda fadhiyay ka codsaday inay ugu duceeyaan in Ilaahay ku soo asturo gudashada masuuliyadda ballaadhan ee dhabarka loo saaray.



Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo wejigiisa laga dareemayay inuu si weyn uga biyo-diiday hadallo ka soo yeedhay maareeyayaasha xilka la kala wareegay iyo Wasiirka munaasibadda daadahaynayay oo ku saabsanaa masuuliyadaha iyo awoodaha maamul ee dhinacyada amniga Dekedda Berbera, ayaa ku hanjabay in aannu cidna u daba-fadhiisan doonin maamulka ammaanka gobolka, isla markaana maamulkiisu xaq ugu leeyahay dekedda Berbera bixinta dhaqaalaha lagu maamulayo nabadgelyada iyo horumarinta adeegyada bulshada.



Mr. Ramaax oo wejigiisa cadho ka muuqatay, ayaa masuulliyiinta hay'adaha ammaanka ee ku sugnaa madasha amar ku siiyey in laga bilaabo maanta ay shidaalka lagu sugayo amniga oo ay hore u weydiisan jireen maamulka dekedda ay si toos ah isaga ugu soo doontaan.



"Nabadgelyada gobolka annaga ayaa masuul ka ah, waana wax laga xishoodo in maamulka dekeddu yidhahdaan 'marka hawlo degdeg ahi soo kordhaan madaxda ciidammada ammaanku cidda ay u cararaan waa maamulka Dekedda Berbera oo annaga ayaa shidaalka siina.' Waxaan leeyahay taasi dib u dhici mayso, masuuliyiinta ciidammada amniga ee munaasibadda jooga waxaan farayaa in maanta laga bilaabo aniga [Badhasaabka] ayay ii soo doonanayaan, haddii aan wax kale u waayana ta qoyskayaga ayaan ka bixinayaa. Markaa waxaan leeyahay Berbera iyo Gobolka Saaxilba xaq bay u leeyihiin inay saami ka helaan dhaqaalaha qaranka Somaliland lagu maamulo ee ka soo baxa Dekedda Berbera, waxaanuna doonaynaa oo u taaganahay in aanu horumar gaadhsiinno adeegyada bulshada ee gobolka," ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil.



Hadalka goolaaftanka ee Badhasaabka Gobolka Saaxil oo sacab badan loo tumay, ayaa noqday mid wax badan ka beddelay jawigii madasha iyo muuqaallada wejiyada madax kala duwan, gaar ahaan Wasiirka Kalluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Maareeyaha cusub ee dekedda, kuwaas oo laga dareemayay inay si weyn u jidh diideen awood-sheegashada maamul ee uu la sara-joogsaday Guddoomiye Ramaax.



Wasiirka Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isagu soo afjaray xafladda xilwareejinta oo ahayd mid ay buux-dhaafiyeen boqollaal qof oo intooda badani taagni ku dhammaystay muddo afar saacadood ku dhow oo xafiiska maareeyaha la dul-hoganayay, ayaa isaga oo daba jooga hadallada Badhasaabka waxa uu si cad uga dhawaajiyey in maareeyaha dekeddu masuul ka yahay sugidda amniga guud ee dekedda Berbera, awoodaasna aanay cid kale la wadaagin, waxaannu marar badan ku celceliyey in uu isagu yahay masuulka ugu sarreeya ee maamula dekedda, marka uu ka maqan yahayna maareeyuhu masuul ka yahay.



Maayarka Degmada Berbera Md. Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere), ayaa isaguna dardaaranno kala duwan u guntay masuulliyiinta xilka la kala wareegay iyo guud ahaan shacabka reer Berbera oo uu ka codsaday in ay wakhti siiyaan maamulka cusub, lana shaqeeyaan, sidoo kalena aanay kula degdegin mucaaridad aan wax faa'iido ah u lahayn.



Waxa kale oo munaasibaddaa ka hadlay Maareeye-ku-xigeenka cusub ee Dekedda Berbera Mr. Cumar Abokor oo ku faanay inuu yahay nin reer Berbera ah, aadna ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isaga oo ballanqaaday in uu hawshiisa u gudan doono si daacadnimo ah iyo hagar la'aan ah.



Dhinaca kale, Mr. Cumar Abokor waxa uu shacabka reer Saaxil ku wargeliyey in isbeddelka ku yimi gobolka uu yahay mid guud oo saameeyey dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, sidaa darteedna aanay u arkin mid shakhsiyaad gaar ah lagu beddelay

No comments:

Post a Comment