Thursday, September 16, 2010

Nin Australian Ah oo Wax Ka Dhiga Jaamacad Dalkaa ku Taala oo Gubay Qeybo Kamida Kitaabka Quraanka Kariinka ah oo Waliba Sigaar Ka Dhigtay

AUSTRALIA(somweb)- Subxaanallah: Nin u dhashay dalka Austaralia oo wax ka dhiga jaamacad dalkaa ku taala ayaa gubay qeybo kamida kitaabka quraanka kariinka ah isla markaana ka dhigtay Sigaar, Ninkan ayaa la sheegay inuu gubay kitaabka Quraanka ah iyo Buuga gaalada ee Bible ka isagoo
waliba labadoodaba ka dhigtay sigaar isla markaana sheegay inuu Tijaabinayo ka si wanaagsan u gubta,



Ninkan lagu magacaabo Alex oo lagu sheegay macalin wax ka dhiga jaamacada Queensland University of Technology ayaa soo galiyay You Tube-ha cajilad uu iska soo duubay isagoo sameynaya falkaa foosha xun, Fiidiyowga ninkaasi soo galiyay You Tubaha ayaa laga saaray kadib markii uu ninkii baadariga mareykanka ah uu ka noqday go,aankiisii ahaa inuu gubayo kitaabka Quraanka ah,



Jaamacada uu ninkaasi ka tirsanaa ee Queensland University of Technology ayaa la sheegay inay ninkaa ka joojisay shaqadii isla markaana ay weydiisay sababta ku kaliftay laakiin ninkaasi waxa uu ku jawaabay inuu xaq u leeyahay inuu qiyaaso fikirkiisa xorta ah,



Ninka mas,uulka ka ah jaamacadaa oo lagu magacaabo Peter Kolderakayaa sheegay inuu aad uga xun yahay arintaa uu ku kacay ninkaa professorka isku sheegaya isla markaana aanuu garanayn waxa ku kalifay,



Arintan ayaa dhacday iyadoo muran iyo dhib badan uu ka taagnaa hadalkii kasoo yeedhay baadariga mareykanka ah ee sheegay inuu gubi doono 200 oo kitaab oo Quraanka kariimka ah isagoo ka noqday markii arintaa cadaadis lagu saaray, Dadka cadaadiska saaray ayaa waxaa kamid ahayd gabadh uu dhalay ninkaa baadariga ah oo iyadoo ku sugan dalka Jarmalka u sheegtay saxaafada in Aabaheed Wax u dhin-meen isla markaana aanuu sidaa caadi ku ahayn oo uu u baahan yahay dhakhtar, Gabadhaa ayaa sheegtay inay warqad u dirtay Aabaheed ay kaga dalbanayso in aanuu gubin kitaabkaa laakiin aanuu uga soo jawaabin warqadaa,



Dadka Muslimiinta ah ayaa xaalkoodu Ku Soo Koobmay uun (Aan Ooyee Albaabka ii Xidha)

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Oodweynenews.com / SWEDEN

Barkhad5@hotmail.com

No comments:

Post a Comment