Thursday, September 2, 2010

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Ka Hadlay Masaajid Uu Ku Sugnaa Oo La Sheegay In Laga Taageeray Al-shabaab

Hargeysa (somalilandweb)-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, oo sheegayay in Masaajid uu ku tukanayay oo ku yaala magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay in la taageero Kooxda Al-shabaab ee dagaalanta dalka Somalia.


Wasiirku wuxuu shirkaasi saxaafadeed ka akhriyay qoraal uu kaga jawaabayay warkaasi waxaanu u dhignaa sidan:-“Warka ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee sheegayay in Aniga oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta aan fadhiyay masaajidka Hudda ee ku yaala kaalinta 8-aad ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo wargeysku sheegay in laga taageeray kooxda Al-shabaab Aniguna aanan wax jawaab ah ka bixin, Waxaan u sheegayaa bulshada Somaliland ee xaqiiqada jecel inaanan fadhiyin masaajidkaasi oo aanan maqal warkaasi, hase yeeshee aan soo gaadhay salaadii witriga waxaanan fadhiyay markii Sh. Maxamed Cali Geeddi uu ka sheegay in cid jibaysani aanay ka hadli karin masaajidka iyagoo aan fasax ka haysan Guddida masaajidka iyo imaamkiisa. Anigoo gudanaya masuuliyada iyo waajibaadka I saaran waajibaadkaygana gudanaya waxaan ka hawl galay inaan xaqiiqadda ogaado.

Waxa ii caddaatay in qofkii ka kacay masaajidka uu aayadihii jihaadka ee lagu tukanayay salaatul laylkii uu inta uu jibooday u fasiray dadkii, hase yeeshee ma uu taageerin Al-shabaab iyo koox kale toona.



Wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 2430 ee soo baxay 15/08/2010-kii uu igu eedeeyay inaan Radio Hargeysa ka joojiyay qasaa’idkii nabi ammaanka ahaa, waxa kale oo ay igu eedeeyeen inaan aaminsan nahay madhabta Xambaliyada ee wahaabiyada, dhawaana aan soo saari doono amar aan ku joojinayo xuska dhalashada nabiga NNKHA, oo aan horseedayo khilaaf diineed, arrintaasina waa wax xaqiiqada ka fog.



Waxaan mar kale, waxaan dadweynaha reer Somaliland ee nabadda jecel ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax allaale iyo wixii shaki ku abuuraya iyo khilaaf aan jirin ka dhex wada dalka iyo dadkaba. Kuwaasi oo ku caan baxay been abuur iyo isku dhufshada bulshada muslimka ah ee ka badbaaday khilaafka diineed ee ka jira mandaqada.

No comments:

Post a Comment