Thursday, September 2, 2010

Taliyaha Aan Weli Xilkii Wareejin Ee Ciidanka Booliska JSL Maxamed Saqadhi Dubbad Oo Ka Hadlay Beddalaaddiisa, Arrimo Qarsoon Oo Dhacay, Kuwo Taagan Iyo Qaar Kale




Hargeysa(somalilandweb)- Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ee Shaqada ka sii tagaya Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa ka warramay guud ahaanba halka uu marayo amniga dalka Somaliland, Taliyihii Ciidamada Asluubta ee Gobolka Sool oo xalay fiidkii lagu dilay Laascaanood, waxyaabaha uu isleeyahay waa lagugu xasuusan doonaa marka uu xilka ka tago, walxo qarxa oo shalay iyo maalmo xigay lagu qabtay Hargeysa, dareenkiisa la xidhiidha beddalaadda lagu sameeyey, Niman Argagixiso u xidhnaa oo la sheegay in la sii daayey, Tuugta Middiyaha ku hubaysan ee soo badanaya iyo arromo badan oo kale.


Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, oo Waraysi dheer oo uu xalay Khadka Taleefanka Wargeysa Hargeisa-Star kula yeeshay isaga oo jooga Caasimadda Hargeysa, waxa wax lagaga waydiiyo arrimo badan iyo dhinacyo kala duwan leh, waraysigaa Wargeysku Taliye Saqadhi la yeeshay oo dhammaystirani waxa uu u dhacay sidan:



S: Taliye waxaad nooga warrantaa Bandooda magaalada Burco habeennadii u dambeeyey saarnayd, hawlgallada ay Ciidamada ammaanku ka wadaan iyo sababaha keenay?



J: Arrinta Bandooda Burco waa arrin la xidhiidha sugidda nabadgalyada, waa arrin Boolis oo tafaasiil lagama bixiyo. Marka wax la qoonsado ayaa Magaalooyinka Bandoo lagu soo rogaa, wax intaa dhaafsanna kaagama sheegi karo.



S: Taliye waxaad sheegtay in marka wax la qoonsado Bandooda la isticmaalo, waxaana jira warar sheegaya in Niman reer Somaliland ah oo Al-shabaab ka tirsani soo galeen Burco, markaa wax qoonsigiinnu ma nimankaas ayuu la xidhiidhaa oo warkaasaa run ah, bal wax nooga yara iftiimi?



J: Adiga taa laguu sheegi maayo, laakiin waxaan ku leeyahay marka wax la qoonsado ee war la helo waa noo caado in socsocodka la joojiyo nabadgalyada aawadeed, tobanka habeennimo wixii ka dambeeyana dadka la yidhaahdo iska seexda. Markaa wax shaki keenay iyo warar la hayo ayuun-baa sabab u ah.



S: Toddobaadkii hore waxa jiray inay Boolisku Hargeysa ku qabteen dad sitay waxyaabaha qarxa iyo Baabuur ay wateen, Nimankaa arrintoodu halkay ku dambaysay?



J: Arrintaa si xun-baa loo turmay oo dadku wax ayuunbay iska camirayaan, Bas baa la yidhi waa la soo raray, wuu buuxaa, waxa lagu qabtay wax qarxaya, markaa may jirin taasi ee been bay ahady, laakiin nin la socoday baa laga helay Suun shaki leh, Baskana wax kale ma saarnayn ee Bas rakaab ah ayuu ahaa oo dad la socday.



S: Taliye waxa la sheegay in maanta (shalay) Boolisku soo qabteen walxo Qarxa oo la dhigay agagaarka Xera-dhiigta Hargeysa, taasi ma jirtaa?



J: Taasi way jirtaa oo walxo kala duwan ayaa Boolisku soo qabteen iyo Alaabta laga sameeyo waxyaabaha qarxa, laakiin Xera-dhiigta maaha ee waa Guddaafadda Naasa-hablood u dhaw.



S: Markaa Taliye cid waxyaabahaa loo qabtay ama lagu qabtay ma jirtaa?



J: Maya cid looma qabane, war la helay ayuu ahaa, oo dad Xashiish daadinayey ayaa arkay, dabadeedna Booliska ayay u sheegeen, Booliska ayuunbaa tagay, Alaabtan laga sameeyo waxa qarxa Bahalo kale ayaa meeshii laga soo helay, cid leh oo dhigtayna lama garanayo oo cid laguma soo qaban.



S: Taliye intan aynu ku jirnay Bisha Ramadaan waxaad mooddaa inay soo badanayaan dadka laga shakisan yahay ama lagu qabanayo walxaha qarxa, markaa maxaa la odhan karaa dhiniciinna Boolis ahaan iyo arrimana nabadgalyada way iska beddaleen muddooyinkan dambe?



J: Waarunoo waa la filayey waxaas, intaa warar badan baannu haynay, dadweynuhuna waa dad maanta diyaar u ah nabadgalyada, ilaalinteeda iyo adkaynteeda oo qof waliba waxa uu ka shakiyo waa soo sheegayaa, markaa waa baadhnaa, wixii wax lagu helana Maxkamadda ayaa loo gudbinayaa, wixii wax lagu waayana waa la sii daynayaa, laakiin hadalku sidiisaba wuu isku badan yahay.



S: Taliye awalba, dadweynaha reer Somaliland waxa lagu ammaani jiray inay yihiin dad nabadgalyada jecel, illaa wakhtigii Qaraxyadu Hargeysa ka dheceenna way fiicnayd wada shaqaynta Booliska iyo dadweynaha oo waxa laga shakiyo way idiin soo gudbin jireen, laakiin dhawaanahan dadka laftoodu maxay dareemeen ee iska beddalay?



J: Dadku way baraarugeen 100%-kiiba boqol, oo waa la wacyigeliyey, Idaacadaha ayaannu kala hadalnay, Joornaalladaa lagu qoray, markaa dadku maaha sidii hore ee aad ayey u bislaadeen oo dareenkoodu u shaqaynayaa, Gaadhigii siigo leh oo si xun u ag-cararaba waxay leeyihiin qabta waa Al-Shabaab’e, wax badan baa iska beddalay dadka, habeen aannaan saddex Guri baadhini ma jirto.



S: Waxa jira oo had iyo jeer soo noqnoqda in la sii daayey dad badan oo ay ka mid yihiin qolyihii ololihii doorashadu socday dilka Burco ka geystay iyo kuwo kale, warkaasi ma jiraa, tiro intee le’eg baase la sii daayey hadday arrintaasi jirto?



J: Been weeye, cid argagixiso loo xidhay ama lagu helay oo la sii daayey ma jirto, caqli galna maaha, ee wakhtigaa dheeraanaya inta la baadhayo, ciddii dambi argagixiso-nimo lagu helay oo la sii daayey ma jirto ee Saldhigyada ayay ka buuxaan, cid na soo waydiisayna ma jirto, cidda la sii daayaana waa cid dambi lagu waayey oo sharcigu, cid sharcigu fasaxayna inaannu sii haysannaa caddaalad maaha.



S: Taa haddaynu ka nimaadno waxa jira cabsi badan oo dhawaanahan dadweynuhu, gaar ahaan Caasimadda ay ka qabaan dhinaca nabadgalyada, waxaana la moodaa in Ciidamada Boolisku ay kala daadsan yihiin waxoogaa, markaa Taliye ahaan maxaad arrimahaa ka odhan lahayd?



J: Wax alla wax ka jiraa ma jiraan, way iska hadleen, Ciidan kala daadsanina ma jiraan, nabadgalyadu maanta ayay ugu wanaagsan tahay, Boolisku si fiican bay u hawl-galaan, mana kala daadsana ee dadkii iyo dhulkii ayaa ka batay, Hargeysa oo kaliya waxa weeye 11-KM (koob iyo kiiloo mitir) oo wareeg ah ayay isku jirtaa, Baabuurta socota waad aragtaa, magaalooyinka kale hadalkooda daa, sida ammaanka mastaafaha intaa leeg loo sugay markaad eegto, waxaad arkaysaa inay Boolisku dedaalayaan.



S: Taliye ma la odhan karaa is beddalka cusub ee dalku galay Ciidan ahaan saamayn buu idinku yeeshay?



J: Maya lama odhan karo, waxba saamayn ah oo uu nagu yeeshay is beddalkuna ma jiraan. Laakiin Tuugtii oo dhan ayaa Oodda laga soo qaaday, oo dhawr boqol oo Tuugtii wasakhda ahayd ah ayaa la sii daayey oo suuqa soo gashay, hadhka cad bay dadka suuqa ku boobayaan, markaa kuwaas ayaa mishkilad nabadgalyo-darro abuuraya.



S: Taliye tuugtaa la soo daayey sida aad u sheegtay saamayn badan ayey bulshada ku hayaan oo intan Ramadaanta gudaheeda dad ay habeenno kala duwan Middiyo la dhaceen ayaa Cusbitaallada yaalla, idinku Boolis ahaan maxaad budh-caddaa dadka laynaysa tallaabo ka qaaddeen?



J: Haa, qaar badan baa la xidhxidhay oo nin wax boobaya la dayn maayo. Dawladduna xaq bay u leedahay inay Maxaabiista cafis u fidiso, laakiin waa khaatuliin aan waxba qaadanaynin, waayo? Waxbaa loo sheegay intii ay xidhnaayeen iyo markii la sii daynayeyba oo waa laga waaniyey budhcad-nimadaas, oo wixii lagu soo xidhay wax ka beddalaan oo ay shaqaystaan, laakiin waxaas dhag umay dhigin, markaa iyada oo aan la arkayn mooyaane markaba waa la qabanayaa kuwa falalkaa budhcadnimada ah ku kaca ee shacabka dhiba.



S: Taliye waxa jirtay inaad marar kala duwan Caasimadda Hargeysa ka ururiseen Middiyaha dhaadheer ee Tuugtu shacabka ku weerareyso, farsama-yaqaannada sameeyana aad digniino u jeediseen, welina wax iska beddalay ma jiraan, ma la odhan karaa wax ka qabashadoodu maalmihii hore ayey idinkaga ekayd mise waxba waad ka qaban kari waydeen?



J: Dee iyagaa tumanaya, waxani wax dhib leh maaha, Bir buu qaadayaa, dab ayuu gelinayaa Dubbe ayuu qaadanayaa laba dhagax buu ku garaacayaa, ka dibna way Soofeynayaan oo markaba way la yaacayaan, kan iibiya uu tumayaana waa baayac-mushtar oo waa Iimaan la’yahay, boqol jeerna waannu u sheegnay oo waxaannu ku nidhi Middiyaha aad iibinaysaan ha noqdaan kuwa loo baahan yahay ee guryaha iyo Huteellada laga isticmaalo ee kuwa dhagarta lagu galayo joojiya, waxba waanay qaadanayn ee in badan baannu kala hadalnay.



S: Taliye maalmaha soo socda ayaa la filayaa inaad xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub ee uu Toddobaadkii hore Madaxweynuhu u soo magacaabay Booliska, dad badani aragti ahaan waxay leeyihiin Madaxweynuhu wuu ku degdegay beddalaadda Taliyaha Booliska iyo Taliyayaasha kale, marka aragtida dadka laga yimaaddo Adigu Taliye ahaan sided u aragtaa beddalaaddaada?



J: Waxba Mishkilad malaha, diyaar baan u ahay inaan xilka wareejiyo, imaka muddo afar sano ah ayaan marayaa oo aan Taliyaha Booliska ahaa, waana wax caadi ah in la is beddalo oo xilku waa meerto. Laakiin taariikhda, aqoonta iyo khibradda aan la dhex joogey ayuunbaa laga yaabaa in la tabo, taana wixii la iiga baahda waxba ka hagran maayo ee Taliyaha cusub waan la garab-taaganahay, wax dhibaato ahina kuma jirto, xilkuna is beddalka ayuu ku wacan yahay.



S: Taliye muddadaa afarta sano ah ee aad Taliyaha Booliska ahayd, waxa la sheegaa inaad si fiican u dhistay Ciidanka Booliska, dad badan oo wax kaa tirsanayaana way jiraan, adigu maxaad is leedahay Maxamed Saqadhi ahaan waa lagugu xasuusan doonaa mustaqbalka ee taariikhda kuu galaya?



J: Horta qof kasta oo jagadan qabta xil baa saaran, xilkaas gudashadiisuna waa waajib, xil kasta oo Taliye Boolis gudanayana dadna way jeclaystaan, dadna way nebcaystaan, mid wuu farxad galiyaa midna wuu ka nixiyaa, wax sharciga waafaqsan ayuunbaannu ku dhaqmayney, sharciga dawladda u yaalla ee Baarlamanku ansixiyeen ayuunnu ku shaqayneynay, qofka gaboobay, ka yar iyo cid kasta inaannu la soconnaana waa waajib iyo masuuliyad nabadgalyada naga saaran, tallaabo kasta oo aannu qaadnayna mid aannu ujeeddo ka leenahayn may ahayn ee waajib xil-gudasho ayey ahayd oo masuuliyad baa naga saarnayd inaannu amniga qaranka guud ahaanba ilaalinno, wax dhibaato ah oo aan u arko inaan geystay ma jirto, laakiin wax waa la kala tirsan karaa.

No comments:

Post a Comment