Wednesday, September 1, 2010

Warar Faah- Faahsan oo ka Soo kordhay Dilkii Taliyaha Asluubta ee Laas-Caanood


Laas-Caanood-(somalilandweb)-Taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool, Marxuum Cabdi Ciise Nuur, ayaa Caawa Fiidkii Koox
Hubaysani ku Dishay Gudaha magaaladda Laas-caanod, kuna Dhaawaceen Saddex ka Mida Ilaaladiisii.

Dableydan ayaa la sheegay inay taliyaha Dileen Wakhti uu ka soo Afuray Gurigiisa, oo Fulayaa gaadhigiisa, ka dibna deblaydaasi ku fureen Tacshiiradda Rasaasa, qoobtasna uu ku geeryooday Taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool.


Badhasaabak gobolka Sool oo Shabakadda Togdheernews kula Xidhiidhay Khadka Telefoonka ayaa ka gaabsaday inuu Wakhtigan Faah faahin ka Bixiyo Dilka Taliyaha, Balse wuxuu Cadeeyay inay Dilkan gaysteen Kooxo hubaysani, isle markaana lagu Dabo-joogo Raadkoodii.

Gudaha iyo daafaha magaaldda Laas-Caanood, ayaa waxaa gaafwareegaaya Ciidanka Qaran Soomaaliland, kuwaasoo Raadinayaa Kooxii falkan gaysatay.


Dilkan taliyaha ayaa si weyn looga Dareemay magaaladda Sool, isla markaana Dadweynuhu ka muujiyeen dareen Cadho-ah .

Falkan Dilka ah yaaa Noqonaaya kii u Horeeyay ee ka dhaca gobolkaasi, Tan iyo intii Xukuumadda Siilaanyo la Wareegtay Hogaanka Dalka.


Waxa kale, oo Dilkani ku soo beegmay Wakhti gobolkaasi loo magacaabay Masuuliyiin Cusub, lagana bedelay Kuwii Hore.


Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa dhowaan guddi Wasiiro ah u magacaabay gobolladda Bariga Soomaaliland, kuwaaasoo loo Xilsaaray Xal u Helidda Khilaafka ka jira gobolkaasi., Balse Wali may Hawlgalin guddigaasi, oo uu Madax ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose.


Alle Haw Naxariistee Marxuun Cabdi Ciise Nuur, ayaa Sanadihii u Dambeeyey Madax ka ahaa Ciidaanka Asluubta ee gobolkaasi, si weyn looga yaqaanay Degaankaasi .

No comments:

Post a Comment