Friday, September 3, 2010

Hargeysa: Ku Soo Dhawaada Barnaamij Qiimo Badan Oo Aanu Ka Diyaarinay Madarasaddii Kaalinta Koobaad Ka Gashay Tartankii Qur’aanka Ee Ramadaanta Oo Ah Markiz Mucalim Shukri + SAWIRO

sawiro Badan Oo Aanu Ka Diyaarinay Madarasaddii Kaalinta Koobaad Ka


Gashay Tartankii Qur’aanka Ee Ramadaanta Oo Ah Markiz


Mucalim Shukri + SAWIRO















Hargeysa (somalilandweb)-

Iyada oo ay muhiim tahay in la dhiirigeliyo cid kasta oo

ku hawlan kor-u-qaadista, weynaynta iyo barista Qu’aanka

ilaahay ee munazalka ah, ayaa barnaamijkan waxa aanu

idiinku soo gudbin doonaa barnaamij gaar ah oo aanu ka

soo diyaarinayay Madarasaddii kaalinta koobaad ku

guulaysaray tartankii qur’aanka Kariimka ee Ramadaan

walba loo qabto xufaadda qur’aanka ee madarasadaha

qur’aanka ee da’ada yar ee gobolada Somaliland, isla

markaana qayb ka ah dadaalada kor loogu qaado muhiimada

qur’aanka iyo barashadiisa.











Markiz Macalim Shukri,

waa horyaalka madarasadaha qur’aanka ee Somaliland, waa

madarasad loogu magac-daray macalim-qur’aankii weynaa

Alle ha u naxariistee Macalim Shukri Xaaji Axmed oo ka

mid ahaa tiirarkii diinta Islaamka ee Dariiqada Xaaxi oo

ka tirsan Gobolka Oodweyne, isla markaana waa

madarasaddii ay ka socdeen saddex Arday oo kaalmihii ugu

sareeyey ka galay tartankii Qur’aanka Kariimka ee

Ramadaantan. Waa kaalinta koobaad 30-ka Jiz oo uu galay

wiil yar oo 12 ah laguna magacaabo Cabdirisaaq Kayse

Maxamed. Sida oo kale kaalinta  koobaad ee tartanka

Hablaha oo Hargeysa lagu qabtay waxa ku guulaysatay

Maryama Cabdilaahi Ibraahim. Kaalinta labaad-na waxaa ku

guulaysatay Hana Asad Daahir.











Sidaa darteed, waxaa

maanta noo suurta gashay inaanu booqano xarunta Markizka

Macalim Shukri oo ku taala Xaafada new Hargeysa ee

magaalada Hargeysa, waxaana aanu halkaa kula maalulaha

Markiz Macalim Shukri Cabdifataax Macalim Shurki Xaaji

Axmed, qaar ka mid ah macalamiinta, waalidiinta iyo

Ardayda kaalamaha sare ka galay tartankii qur’aanka ee

Ramadaanta ee ka tirsan Markizka.











Ugu horayn waxa aanu

xog-waraysi ku saabsan Markizka la yeelanay maalulaha

Markiz Macalim Shukri Cabdifataax Macalim Shurki Xaaji

Axmed, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Marka

hore waxa ay mahadi u sugnaatay Ilaahay, marka xigta

qolodan Oodweyenew.com ee uu inagala joogo Cabdishakuur

[Heersare] iyagana aad iyo aad ayaanu ugu

halmabalyaynaynaa  khidmaynta ay u khimaynayaan Kitaabta

ilaahay iyo sida ay ula socodsiinayaan dadka arrintan

qiimaha badan ee ka dhacday caasimada Somaliland ee

Hargeysa.”











Waxa uu intaa raaciyey

oo uu yidhi “Intaa ka dib Markizka Macalim Shukri waxaa

la asaasay 3-dii bishii sagaalaad ee 2005-tii, imika

waxa aynu joognaa 2-da bishada sagaalaad ee 2010, taas

macnaheedu waxa weeyaan Markiz-ku waxa uu jiray 5 sano

oo hal maalin la’a. Markizku gelin hore iyo mid dambe-ba

wuu furan yahay, waxaana lagu bartaa Kitaabka ilaahay

iyo tarbiyada caruurta. Waxaana wax ka barta 825 Arday.

Waxaana uu ka kooban labada qaybood oo kala ah; qayb

xifdiga qur’aanka ah iyo qayb nidaami ah. Waxaana aanu

ugu talo-galay in Ardaydu laba sano ay Qur’aanka ku

xifdiyaan.”










Cabdifataax Macalim Shurki

waxa uu tafaasiil ka bixiyey sidii ay ku soo bilaabantay

guulihii ay daraydu ka soo hoynayeen tartannada

Qur’aanka, “Bishii todobaad ee Ramadaanta ka horaysay

waxaa halkan [Hargeysa] ka qabsoomay tartan Qur’aanka

kariim ah oo ay qabatay Raabidatu Caalamu-l Ismaami [Hay’adda

samafalka caalamiga ah ee Islaamka], kaas oo sannad

kasta Hargeysa laga qabto. Markaa sannadkan tartanku

waxa uu u qaybsamayey saddex qaybood; qayb yar-yar, qayb

waa-weyn ah iyo qayb 30-ka Jiz ku tartamaysay. Markaas

oo laba Arday oo da’adoodu aad u yar-yar tahay toban oo

jiro ah ayaa waxa ay kuu laysteen kaalinta 1-aad iyo ta

labaad, waa Cabdibaasid Dayib Maxamed iyo Maxamed Axmed

Xuseen. Qaybta labaad ee iyaguna ku tartamaysay 30-ka

jiz, waxa kaalinta koobaad u galay Saleebaan Daahir

Cusmaan, oo dhamaantood Ardayda Markiz-ka ka tirsan.”

Ayuu yidhi Cabdifataax Macalim Shurki.












Waxaana uu intaas ku

ladhay oo uu yidhi “Markaa tartankaasi waxa uu ahaa

tartan caalami ah, oo Raabidatu Caalamu-l Ismaami waxa

ay soo dalbatay in Ardayga kaalinta koobaad galay iyo

waalibkiisaba ay cimro geeyaan, ilaahay fadligiisa way

kaxeeyeen oo way ku guulaysteen. Shan iyo toban cisho

ayay ku maqnaayeen beledkaa barakaysan ee Maka, tartan

caalami ah oo dhawr iyo soddon dawladood ku tartamayeen

ayuu Ardaygu [waa Cabdibaasid Dayib Maxamed] halkaas ka

soo galay, kaalinta labaad ayaanu ku soo guulaystay

ilaahay caqliga ha u barakeeyee.”









Waxa uu si gaar ah uga

hadlay tartankii ugu dambeeyey ee Ramadaantan qabsoomay,

waxaana uu yidhi “Waxa isla bishan Ramadaan gudaheeda

qabsoomay tartan ay Ardaydu lixda gobol ee Somaliland

isaga kala timi. Kaas oo ay maalgelinaysay shirkada

dahabshiil, oo aanu aad iyo aad ugu mahad-celinayno oo

run ahaan dhawr iyo toban sano la soo kifaaxayay. Waxaa

tartankaa kaalinta koobaad ee 30 jiz ee qur’aanka ah ku

guulaystay Cabdirasaaq Kayse Maxamed oo da’adii tahay 12

jir, waxa uu ku guulaystay inuu Somaliland oo dhan

goboladeeda kaalinta koobaad u galo, taasina waa fadli

xagga ilaahay ka ahaaday.”











Waxa uu weliba intaas

sii raaciyey oo uu yidhi “Waxa sida oo kale bishan

Ramdaan gudaheeda qabsoomay tartan hablo ah oo magaalada

Hargeysa lagu qabtay, kaas oo isna uu maalgeliyey

Dahabshiil, waxaa kaalinta 1-aad ee 30 jiz ku guulaystay

Maryama Cabdilaahi Ibraahim. Kaalita 2-aad-na waxa ku

gulaysatay Hana Asad Daahir, iyaga iyo waalibkooba waxa

aanu ilaahay uga raynaynaa inuu Jannada ku casuumo.

Inanta ag fadhida oo ah Maymuuma Cabdirasaaq Malin

Shukrin waxa ay ku guulaysatay kaalinta labaad ee

Hablihii ku tartamayay 10 Jiz. Sida oo kale waxa Masjid

Cali Mataan oo tartanka qur’aanku ka socday lagu qabtay

tartanada 10-ka iyo 5-ta Jiz oo ay maal-gelsay shirkada

Nationlink. Waxaana kaalinta 1-aad ku guulaystay Abshir

Asad Daahir oo ah Araydaa da’da yar. Dhamaan

waxyaabahaas oo dhami waa fadli xagga ilaahay ka ahaaday

ee xeelaad, karti iyo aqoon aanu dheernahay ummada maaha

kollay dadaal-na way ku timi.”











Dayib Maxamed Daahir

oo ah Aabaha dhalay Ardayga yar ee ka qaybta-galay  tartanka

heerka caamali ah [Cabdibaasid Dayib Maxamed], oo isna

aanu dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa aad ugu

dheeraaday muhiimadii uu tartankaasi lahaa, isaga oo

xusay in Ardaygu noqday tartamihii keli ahaa ee Soomaali

ah ee ka qayb-gala tartankaas, isla markaana waxa uu

sheegay in arrintaasi ahayd fursad wax-u-ool ah oo

sharaf u soo hoysay Somaliland.









Waxa kale oo uu

sheegay inay dareen ahaan aad u samaynayso heerka uu

wiilkiisa yari ka gaadhay darajada tartanka qur’aamka ee

heerka Caalami ah  oo ah kaalinta labaad, isaga oo

tibaaxay inay farxaddaasi aanay isaga uun ku gaar ahayn

balse ay tahay mid waddanka oo dhami la wadaago. Isaga

oo ammaan iyo mahadnaq u soo jeediyey maamulka iyo

macalimiinta Markizka Macalim Shukri.









Sida oo kale waxa

isaga aanu dareenkiisa waydiinay Asad Daahir Xirsi oo ah

Abaaha dhalay Hana Asad Daahir iyo Abshir Asad Daahir,

oo labadooduna kaalmo sare ka galay tartankii Qu’aanka

ee Ramadaanta ee Somaliland, ayaa isna tibaaxay inuu aad

ugu faraxsan yahay guusha ay gaadheen awlaadiisu, isaga

oo tilmaamay inuu ilaahay ugu mahad-naqayo darajada ay

awlaadiisu gaadhay.











Waxa uu ku ammaanay

maamulka iyo macalimiinta Markizka Macalim Shukri inay

muujiyeen dadaal midho-dhal ah oo ku yasho muddan, isla

markaana aad iyo aad ayuu uga bogaadiyey qaadka

wanaagsan ee midha-dhalka ah ee ay Ardayda wax u

barayaan.


Barnaamijkaasi isaga oo

dhegaysi ah oo dhamaystiran ayaanu idiin soo gudbinaynaa

ee la socda.



























Maamule C/fataax Iyo

Ardayad uu Walid u yahay. Maymuuna C/risaaq











Maryama C/aalhi Ibraahim

Oo Gacanta ku haysa Kitaab iyo Qalib is-akhriyaya oo

Jaa’isad loo siyey markii ay 30 Jiz ee Hablaha kaalinta

1-aad ka gashay



















Sawiro Muuqaal kala duwan

ah






























































Ciddii jecel inay hesho

macluumaad dheeraad ah, waxa ay la xidhiidhi kartaa

maamulaha Markiz Mucalim Shukri, Cabdifataax Mucalim

Shukri: 00252-2-4411404.


























No comments:

Post a Comment