Thursday, September 2, 2010

Sawirka Maanta: Arbeekada Bilaashka ah ee Xayraamiinta





Sawirka maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga ah Ee somalilandweb waa Sawir muujinaya Dadka shaqo la’aantu hayso oo ku nool Magaalada Burco oo geed hoos hurda, Geedkan Hadhka wayn ee ay hoos hurdaana waxaa la yidhaahdaa “Arbeekada Bilaashka ah ee Xayraamiinta” .



Bal aan ku ladho sawirka baydad ka mid ah gabay uu tiriyay Abwaan Cumar Maxamed (Xiinwaal) waxaanu yidhi:



Qorraxdiyo kulaylaha dar uu dheehu qolofaystay

Oo saan qombobay baan sidii qaran wadaagnaaye

Sidii baan qalfoofkii u nahay qaro yaraantiiye

Qalbigiyo sidii baa wajiga qiiq ka karayaaye

Qaadiro sidii baa indhuhu nala qalloocaane

Qaawanaan sidii baa derbiga qubane jiifaaye

Qado li’i sidii bay wax badan maalmo qadayaane

Qufac iyo sidii bay darxumo weli qandhoodaane.

No comments:

Post a Comment