Sunday, June 6, 2010

Taageerayaasha KULMIYE oo Isu-soobax Aan Noociisa Hore Loo Arag Maanta Ka Sameeyey Magaalada Hargeys
Friday, 04 June 2010

Hargeysa(burconet):- Taageerayaal tira badan oo lagu qiyaasay Kumannaan qof oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE,








ayaa maanta isu soo bixii ugu ballaadhnaa ee ololaha doorashada Madaxtooyada ka sameeyey Magaalada Hargeysa, kuwaasoo Hoggaanka sare ee KULMIYE kala hadleen fagaaraha Beerta Xorriyada ee Caasimadda. Masuuliyiinta KULMIYE, waxay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyeen wax qabad la'aan, dib-u-dhac, Musuqmaasuq, Boob hanti dadweyne iyo ku tumasho shuruuceed iyo doorasho nacayb.







Ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiyada siyaasadda Somaliland, oo shalay dalka ka bilaabmay, oo Xisbigii ugu horreeyey jadwalka ahaa Xisbiga UDUB, halka
maanta Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu isu soo baxyo ka sameeyeen guud ahaanba gobollada iyo Degmooyinka dalka. Basle isu soo bixii ugu cajiibsanaa
uguna dadka badnaa, ayaa isugu soo baxay Hargeysa, kuwaasoo buux dhaafiyey gudaha Beerta Xorriyada waddooyinka hareeraha ka mara iyo waddooyinka dhaadheer ee magaalada.






Waxaana halkaa kala hadlay dadweynaha Musharraxa jagada madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye ku
-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Kulmiye iyo xubno ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hadal dheer u jeediyey dadweynaha isugu yimi beerta Xorriyadda, ayaa si adag u naqdiyey khudbad uu Madaxweyne Rayaale shalay u jeediyey taageerayaasha Xisbiga UDUB, taasoo uu dhalliilo kala duwan ugu jeediyey Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada oo uu sheegay in Mucaaridku hoggaamiyo, isla markaana ay ku fashilmeen. Hase ahaatee, Md Samaale, ayaa eedayntaa beddalkeeda Daahir Rayaale ku eedeeyey, inuu yahay nin ku tuntay shuruucdii dalka u taallay, ku xadgudbay hannaanka dimuquraadiyadda, xorriyadda, madax-bannaanida iyo sinaanta muwaadiniinta, wada-shaqaynta Golayaasha qaranka. Cabdicasiis Samaale, waxa uu tusaalayaal u soo qaatay suugaan tira badan, Aayado quraan ah oo sifayna hab-dhaqanka hoggaamiyaha wanaagsan iyo ka xun. Waxaanu tilmaamay in Daahir Rayaale ku sifoobay hoggaamiye hoggaankiisu qalooco.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Rayaale waxba aanay u qaban dadkii xorriyada maanta
la haysto keenay ee ku soo naafoobay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey iyo kuwii ku dhintay agoontii ay ka tageen. Hase ahaatee, waxa uu
sheegay in haddii ay yihiin Xisbiga KULMIYE ay waxbadan u qaban doonaan oo sida maanta loo ilawsan yahay aan loo illaabi doonin ciddii dalkan naftooda iyo

maalkooda-ba u soo hortay. Muuse Biixi waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey Kumannaanka taageere ee Xisbiga KULMIYE isu soo baxa ay sameeyeen awgeed.Waxa
iyaguna mahadnaq kaas la mid ah u jeediyey taageerayaashooda Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Guddoomiyaha ololaha
doorashada Gobollada Galbeedka ee Xisbiga KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, Jaamac-Shabeel oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE iyo Masuuliyiin kale oo


dhammaantood halkaa ka hadlay ayaa muujiyey dareef farxadeed oo ay ku qaabileen taageerayaasha tirada badan ee isu soo baxay.
Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), oo aad uga mafsuuday wacdaraha ay taageerayaasha Xisbigiisu
muujiyeen maanta. Isla markaana waxa uu dadweynaha kula dar-daarmay inay ilaaliyaan nabadgalyada, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo khalkhal galin kara
hannaanka nabadgalyada iyo habsami-u-socodka doorashada Madaxtooyada ee ololeheedu bilaabmay. "Walaallayaal waxaan idiin soo jeedinayaa inaad nabadgalyada
ilaalisaan, Booliskana la shaqaysaan. Waana inaynu Xisbiyada kale maalmahooda ololaha xaqdhawrno..." ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu sharraxaad ka bixiyey barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE, oo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan doorashada
madaxtooyada 26-ka bishan juun ay ka rumayn doonaan hirgelinta barnaamijkaas oo ay dhawaan soo bandhigeen. Waxyaabaha barnaamijka KULMIYE ka mid ah ee ay
xoogga saari doonaan KULMIYE ahaan haddii ay talada qabtaan, waxa uu ku sheegay Axmed-Siilaanyo, inay yihiin horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka,
biyaha, waxbarashada iyo sidoo kale, horumarinta siyaasadaha arrimaha gudaha, dibadda, dib u habaynta magaalooyinka, dhisidda waddooyinka, ilaalinta
nabadgalyada, isku-duubnida bulshada reer Somaliland, daris wanaagga waddamada jaarka, xidhiidhka caalamiga ah, citiraaf-raadin, darajo u samaynta Ciidamada
qalabka sida ee Somaliland (Millatariga iyo Booliska), daryeelka shaqaalaha dawladda iyo qodobbo kale oo badan. "Madaxweynaha maanta talada hayaa (Rayaale),

siddeed sano oo uu codka dadweynaha shan ka mid ah ku fadhiyey, dheeraadna ku darsaday wax allaala wax uu ummadda u qabtay ma jiraan. Laakiin annagu KULMIYE
ahaan waxaannu ballan-qaadaynaa barnaamijka Xisbiga ee aad wada aragteen inaannu ka rumayno hirgelintiisa haddii aad na doorataan. Sidaa daraadeed, waxaan
Walaallayaal idinka codsanaynaa inaad codkiinna na siisaan." Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.Waxaanu mar saddexaad ku celiyey Siilaanyo inaanay dhibaatayn
doonin shaqaalaha dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta la ciirciiraysa Boqollaal Baabuur oo ay ka babbanayaan Calamada Xisbiga KULMIYE iyo ka Somaliland,
isla markaana ay badankooda ku rakiban yihiin codbaahiyayaal ay ka baxayaan heeso u gaar ah Xisbiga KULMIYE iyo kuwo waddani ah oo laga soo bilaabo oo illaa
aroornimadii hore ee saaka dhawaaqooda laga maqlayay qaybaha kala duwan ee Hargeysa iyo Sidoo kale Kumannaan qof oo taageerayaasha Xisbigaas ah oo qaarkood
ku labbisan yihiin calanka kulmiye, ka Somaliland, oo ay ka tosheen Duruuc, shaadhadh, dallada, Jalaabbiibiyo, Masarro iyo kuwo lulayay calankaas iyo caleemo
cagaar, kuwaasoo lug iyo gaadiid-ba ku gaaf-wareegaya gudaha Caasimadda illaa wakhtigan,iyaga oo kolba dhinac u qaadaya waddooyinka dhaadheer ee magaalada.


Si kastaba ha ahaatee, Taageerayaashan KULMIYE waxa ka muuqday shucuur aad u saraysa iyo dareen farxadeen oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan
Xisbigaasi KULMIYE. Waxaana la odhan karaa, taageerayaashan maanta isku soo baxay magaalada Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE, waxay aad uga badnaayeen
taageerayaasha Xisbiga UDUB oo iyagu shalay oo ahayd maalintii

1 comment: