Thursday, June 3, 2010

JACALKII TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO

WAXAA MAKHRAATI MADOON AH ILAA 1990KII WAXII KA DANBEEYEY IN DALKEENA HOOYO AMA SOMALIYA AY KA DHACEEN DAGAALO SOKEEYE OO AAN DHAMAAD LAHAYN WAXAA LA SOO MARAY DURUUFO ADAG DADKII WAXAA KU ADKAATAY NOLASHII WAXAA SII XUMAATAY NABADII WAXAAN DADKII OO DHAN AMA DHALIN YARADII OO DHAN KA NIYAD JABAEEN DALKEENII HOOYO DAGAALO KA OOGAN DARTEED ,

SIDAAN WADA OGSOONAHAY DHALINYARAD SOMALIYA 1992 INTII KA DANBEEYSAY WAXAY U DHAQAAQEEN SIDAY SOMALIYA UGA BIXI LA HAAYEEN WAXAANAY DADKU UKALA YAACEEN DUNIDA AFARTEEDA DACAL INTII AWOODI KARTAY WAXAY KU BAXEEN DIYAARDO YURUB HA U RACAAN AMA WAQOOYIGA AMEERIMKA INTA SOO HADHAY WAXAY KAGA BAXEEN DALKA TAHRIIB QAYB YAMAN IYO SUCUUDIGA DOONYO U RACA IYO DHANKA SAXARAHA DHEER EE SUUDAAN SOO TUMA OO LIIBAYA ISKU SOO SHUBA INTAA WAXAA DHEER DAD KU NOOL WADAMO KALE SIDA EMARATKA SUURIYA BAKASTAAN IYO MASAR OO JAALIYAD AAD U BADAN JOOGTO WAXAANA DALKII LOOGA BAXAY NINBA TAAG TII HA TALAABSADO QOFKASTA TAMARTIISU HALKAY GEEYSO AYUU AFKA SAARAY DADKU WAA NOLOL RADIS , HADAAN HOOS UGU SOO DAGO NUXARKA SHEEKDA LAMAGA BAXADAY JACAYLKII TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO

jacalku waa raaxo iyo nolol qofkastaa markuu abuurayo jacayl waxaad aragtay siyaabaha uu u dhaqamayo waayo jacaylku waxuu kobciyaa maskaxda qofka shaabka ah , sifiican ayuu isu diyaariyaa dharfiican ayuu xidhaa baarafuunka ugu khatar san ayuu isticmaala xooga jajab ah calashaan lacag ah ayuu jeebka ku sii waayo shubtaa si uu cafteeri fiican ama xadiiqo fiican u fadhiisto waxaa ka muuqda farxad aan dhamaad lahayn ilaa intuu la kul maayo amoorihiisa ama gabdhuu jecel yahay, waayo jacaylku wuxuu nuuriya dhalinyarada waana lagu darimikaraa markaad ka timaado shukaansi ama aad u socoto

waxaan u imid gabadhaan ifka ugu jecalaa oo gacanta bidix hore u sii qabsaday ilaan gacanta bidixdu qalbigeey u dhowdahaye , iyadoo aad u nuuraysa ileen gabdhaheenu somaliyeed meelkasata oo ay joogaan markay diraca bacwayna ah soo qaataan aadna isu diyaariyaan ama xafalad ha u socdaan ama aroos ha adaane aad ayaa ugu qurux badan yahiin nuur calaa nuur , waa waxaan ku raacee iyado xaraga tiicaysa ayaan waxaan hore ka raacanay TAX anagoo usii jeedna West Baladka ama dwon tonka waa Qahire ,waxaan balan ku kala qaadanay inaan calaf iyo wad mooye cidi na soo dhex galin waxaa macaantaydu usheegay inaan baxaayo oo aan tahriib gaaliyo aniga iyo dhalinyarda ila dagan aan israacayno dhanka Suudaan kadibna aan isku shubayno Liibaya hadii aan moowdku nadaayo ,



waxay gacanta saratay dhabanka waxaana ka timid ilen waxaan fadhinaa meel cafteeri ah qabta loogu talagalaya lamaanaha iswata oo uu ka shidan yahay nala cagaar ah iyadoo ilantu ka socoto ayaay igu soo celisay hadal qalbigeeda ka soo gacay waxaanay igu jawabaatay macaanoow maxamu inaad tahriibto lakiin yaad iiga tagaysaa aniga,

kol hadaanad diyaaarad racayn oo aad tahriibayso macaane inaan kula dhinto ama kula noolado ayaan rabaa meel aan kaago hadho majoogo waxaan igu cadaatay talo waxaan isku dayaay inaan fahansiyo inay tahay meeshaan maraynaa saxare lama dagaan ah oo aan waxaan ;akulmi doono ilaahay oga yahay dhankasata oo aan wax ka tuso waay iga qadan waday waxaan ka fursan wayaay inaan israacno waan ka aqbalay inay iraacdo nolashan ilaah baa haya safarkuna waa midka ugu adkaa Saxaraha iyo Bada , ibixyoow iga bad baadi weeye xaalku gaadhu waxay usheegtay 4 gabdhood oo guriga ladaganaa waxaanay 5toodu isku waa faqeen inay naaracaan ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Waxaan nahay dhalinyaro aad isu jecel oo rag iyo dumarba leh oo dagan magalada qaahiro sidaa lawada ogsoon yahaya qaahiro waxaa loo dagaa qayb qayb raga way wada dagaan dumarkuna way wada gaan. Waxaa qofna daah ka saarneen in somalidu meelkasta oo ay africa ka joogto niyadooda ka maqneen dhoof, in uu ku fakaro siduu africa uga bixi lahaa haduu awoodo iyo hadii kaleba , qofki arkay qaahiro ayaa yaqaane qaahiro waxay leedahay hal wado ama hal jid oo laga soo galo laagana baxo waa madaarka qaahiro , 2003kii ma jirin sida qaahiro tahay hada masar way iska ka xidh xidhneed mayjirin layman sidaas u badan oo lagu baxo waxaa dadka soo martay fursad lagu tahriibayo oo lagu aadayo LIIBAYA waxaa lagu bixi jiray basaaboor JABUUTAN ah ,

waayo baasaaboorka somalidu wax qiima ah mala heen meel dunida lagu adikarana majirto . baasboorka jabuutaanka ah qaali ayuu noqday waxaanu qiimahiisu gaadhay 1000$ ilaa 1200$ waxaa soo xidh may xadkii u dhaxeeyey

MASR iyo LIBAYA oo lagu fahamay basaaboorka jabuutaan ka ah in lakala iibsado oo uu fujis yahay , mudo 6bilood ah ayaay magaaldu xidhneed waxaan nagu soo dhacaday inaan tahriib galno tahariibtaaso oo aad iyo aad u dheereed waxaaan go'aan ku gaadhnay ku faataxaysanay inaan SAXARAHA SUUDAAN dhex qaadno ,

suudaan waa wadan aad u wayn waxay xad la leedahay wadamo aad u badan waxaa ku yaala saxaraha ugu wayn waqooyiga afirka waxuu udhaxeeyee LIIBAYA MASR IYO SUUDAAN .dhulka intiisa badan saxaraha geed malahan, wado lamaro malahan, wax xaywaan ah oo kunool malahan waa meel aan geed lahadhsado iyo meel loo ciirsado lahayn haduu gaadhig kula jabo nolasha dhan waad ka samaraysaa waxaa ku hor imanaaya aduunyada oo dhan waxaan is waydiin naysaa tolol ma noolaandoontaa , adigoo isku ciilkaan biyaaya aad dhimatide yaa dadkii kaa gadh siyo sida silica leh ee aad u dhimanayso waxaana dadka dila haduu gaadhi lajabo haraad iyo qorax haday samar tahay, hadii kalana qaboow ayaa dila, ileen markaad Saxaraha joogto cirka iyo dhulku way is haystaan aduunyo meel ay kaa xigtana ma garanmaysid alahayoow na sama bixi ileen meesha dadku ku noolyahay ayaa xaywaankuna joogaa cidlooya wahel baa layidhi tane aduunka waxaa la isu qurxiyaa ama la is qaad qaadaa waa markaad nolasha arkaysid

qofku wuxuu iline aan cawinaad lahayni ka tamidaa markuu meel aanu cidna habelow ka yidhaahdo joogin nafeey cartan wayn qofku doonay,

ku waa saxaraha waxaa ka baxa nin ducaysan iyo nin nasiible mucjisad aan saxaraha ku araganay hadaan wax kii taabto saxarahu wuxuu leeyahay duufaan wareegaysa labad qof ee wada socda markay dabayshu ku timaado hadii uu qofba qofka kale uu taabto ama gacanta saaro waxaa korkiisa ka kacaysa maanso koronto qof ay qabtay camal indha ilintu way kaa dhamaan dibnaha waad isku qaban waayi waayo afka waxa qurxiyaa waa waa dibnaha haday biyahu ka dhamaadan afka dibnahu waygudhaan ama biyaha ayaa ka dhamaada indhaha baalasha way kaa duulayaan waxaas oo dhan waxaa u sabab ah Saxaraha ku caan bacay FUNDUQ SAXARAA waa meel aduunyo iyo aakhiro meel aad u socoto aanad aqoon bini aadanku waa diciif adiga iyo dharka aad isdato ayaa is dhibsanaya maalintii waa waa banaan cidla ah oo kuleel aadan socon karayn habeenkiini qaboow gu wuxuu gaadhaa in jidhaakagu kuleel isu badalo ibixiyoow iga bad baadi

01/01/2003 ayaan waxaan ka dhaqaaq naya casimada Masr waa Qaahire, waxaan xaafada caanka ah ee Qadartuuni uga baxanay 9wiil iyo 5 gabdhood waxaan ka baxanay subaxii Bas wayn oo ah nooca dalxiisayda waa Subar jat nooca loo yaqaan 14 ruux ee wada socdaa aad ayaan u farax saneen hadan aad iyo aad ayaan isugu kalsooneen waayo waxaan ka soo wada baxanay 9kayga wiil hal guri 5 gabdhoodna sidoo kale waxaan ahayn dad isku duuban oo aad iyo aad isu daneeneynayo , aniga iyo lamaanahaygu waxaan wada fadhiisanay kurisaga dhexe baska waxaan habeenkii oo dhan soo saarneen baskii waxaan soo galnay Aswaan 08:30 subax nimo anagoo xoogaa dhafarsan waxaan kiraysanay huteel halkii ayaan maalinkii iska jiifnay waxaan huteelka ugu tagnay dad somali ah oo iyna qaahiro ka soo baxay waxaan huteelka kaga taganay markaan qubaysnay gabadhahii waxaan hore ka aadnay Qunsulka Sudan u fadhiya Aswaan cabaar ayaan meesha la sheekay sanay Qunsulka isagoo nagula kaftamay Sudaan Waa meel aad u kulul maxaad ka doonaysaan waxaanu nasiiyay fiisooyinkii iyadoo halkii nalaga reebay hal wiil oo ka mid ahaa 26qof oo reer masr ah oo aan is naqaano oo iyana ku jiray habaqlaha tahariibay ee saxaraha dheer dadkii ayaan meesha ku sheekaysnaynay waxaan isku noqonay marka la isku kaayo daro 40qof oo isugu jira Rag iyo Dumar

waxaan subaxii 03/01/2003 aan markab ka raacanay Magaalad Aswaan Waxaan bada ku sii jirnay habiinkii oo dhan waxaan ka dagnay magaalad Waadi Xalfa oo suudan ku waa subax talaado waxaan hore ka galanay inaan raadino meesha sida looga bixi lahaa waa Waadi Xalfa ee waxaa naloo sheegay inay Xalfa ka baxaa Tareen iyo Gawaadhi xamuul ah oo ah nooca loo yaqaan ZY,

waxaana hore ka camiranay 40kayagii qof gadhi Zy ah ,

galabtii hore ayaan ka baxanay Xalfa habeenkii oo dhan waan sii soconay maalinkii kalana waan sii socanay, Waxaan galanay Qartuum subixii danbe oo Jimce ah waxaan taganay Meel aad iyo aad u Rafaadsan waxaan isku dhacanay darawalkii gadhiga waday isa goo leh waxaad joogtaan Qartuum ee iga daga , Qartuum waa meel aad iyo aad rafaadsan Waa meel kuleel lakiin anagu waxaan ku aadnay xili qaboow ah ,

wiil ayaan wacanay Qartuum jooga wuu noo yimid 40keeni qaahiro waan kala jabnay waxaana ku balanay bixitaanka , 14 kayagii qof ee hore u wada socday waan isracanay intii kalan waay is raaceen , qartuum wayna soo dhawaysay waxaan jooganay 3maalmood Caasimada Suudan waa gacanka maroodigee ama Qartuume, dadka reer Suudan aad bay noo soo dhaweeyeen waxaan meesha nalooga bixiyaay 40ka qaahiro ,

Suudanta degan qartuum waa Dad aad u saciim ah oo aad u wanaagsan khaasatan intaan la kulanay ,Qartuum waxaa looga baxaa Gawaadhi nooca loo yaqaano Lankuriisar ama nooca somalidu u taqaan Cabdibile cabdi waxaa Qartuum ku arkaysaa somali badan oo ka soo qulqulaysa dhanka Etoobiya oo koox koox isula socota oo afka ku sii haya Saxaraha lama dagaanka ah, ayagoo hiigsanaaya inay galaan Liibay ,

Sidaan wada ogsoonahay waa laba masiibo hadaad saxaraha ka gudubto waxaa kuu taala oo ku sugaysa doonta bada iyan waa saxarakale waa kud ka guur oo qanjo uguur ,

hadaan sii wado sheekada waxaan raadinay dilaalo si aan u raaco Cabdibile aan saxarahar ku marno .nasiib wanaag waxaan helnay nin aad u fiican oo darawalna ah oo meeshan dilaal wayn ka ah oo ku magac dheer Digir ama ilkacase

waxaana meesha ka bilownaya gorgortan waayo waxaan nahay dad isku xidhan , gaadhiga Cabdi bilaha ah waxaa lagu fuulaya 33 qof oo rakaab waxaana lagu racaa lacag gaadhaysa 450$ oo u dhiganta 1,200,000 halyan iyo laba boqol oo kun oo lacagta suudan ah qofkasta oo naga mid ah wuxuu iska diyaariyaay lacagatan gaadhaysa 450$ waxaan gaadhi u dirsanay Digir si aan isugu diyaarino socaalka dheer ee Saxarahar u dhaxeeya

Liibay iyo Suudaan.

ileen jacaylku waa nacab, dhuux iyo lafaha gala , dhagar qabe dadkaba dila ,dheel dheelna kuma baxo

dheeraa wada wadankuna fogaa walabaaharku kulaal . aniga iyo macaantaydu waxaan iska hay sanaa gacanta ileen markay dadka isjecl ay safar wada galaan aad ayaa la isul sii jeclaadaa waa aduunyo aan la ogeen bari waxa dhici doona gacalisadaydu waxay marksta ileedahay ,dad is raacoo aan kala raysan karin runtii waa inaga anigua waxaan leeyahay yaa cayuuni rabanaa yakhalik macaaney dhib iyo dheefba waan kula qaybsanayaa haka baqin ,

waxaan dareemaya markaan xasuusto jacaylku heerkuu iga gadhay , sifiican indhahagay uma siinkaro macaantayda ,

waxaa hore loo cadeeyey jacaylka markuu hayo raga waxaa kale uma muuqdaan ilaa gabadh uu jecelyahay mooyee , balan wuxuu inoo yahay bad baadiyo salaane axdi baajin maayee adna haygu bayli hin,



lasoco sheekadan QAYBTA 2-AAD

------------------------------------------------

W.D: mubaarig A/risaaq.{Aambassador)
E-Mail:-mubaarig22@hotmail.com

No comments:

Post a Comment