Sunday, June 6, 2010

Taageerayaasha KULMIYE oo Isu-soobax Aan Noociisa Hore Loo Arag Maanta Ka Sameeyey Magaalada Hargeys
Friday, 04 June 2010

Hargeysa(burconet):- Taageerayaal tira badan oo lagu qiyaasay Kumannaan qof oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE,








ayaa maanta isu soo bixii ugu ballaadhnaa ee ololaha doorashada Madaxtooyada ka sameeyey Magaalada Hargeysa, kuwaasoo Hoggaanka sare ee KULMIYE kala hadleen fagaaraha Beerta Xorriyada ee Caasimadda. Masuuliyiinta KULMIYE, waxay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyeen wax qabad la'aan, dib-u-dhac, Musuqmaasuq, Boob hanti dadweyne iyo ku tumasho shuruuceed iyo doorasho nacayb.







Ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiyada siyaasadda Somaliland, oo shalay dalka ka bilaabmay, oo Xisbigii ugu horreeyey jadwalka ahaa Xisbiga UDUB, halka
maanta Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu isu soo baxyo ka sameeyeen guud ahaanba gobollada iyo Degmooyinka dalka. Basle isu soo bixii ugu cajiibsanaa
uguna dadka badnaa, ayaa isugu soo baxay Hargeysa, kuwaasoo buux dhaafiyey gudaha Beerta Xorriyada waddooyinka hareeraha ka mara iyo waddooyinka dhaadheer ee magaalada.






Waxaana halkaa kala hadlay dadweynaha Musharraxa jagada madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye ku
-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Kulmiye iyo xubno ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hadal dheer u jeediyey dadweynaha isugu yimi beerta Xorriyadda, ayaa si adag u naqdiyey khudbad uu Madaxweyne Rayaale shalay u jeediyey taageerayaasha Xisbiga UDUB, taasoo uu dhalliilo kala duwan ugu jeediyey Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada oo uu sheegay in Mucaaridku hoggaamiyo, isla markaana ay ku fashilmeen. Hase ahaatee, Md Samaale, ayaa eedayntaa beddalkeeda Daahir Rayaale ku eedeeyey, inuu yahay nin ku tuntay shuruucdii dalka u taallay, ku xadgudbay hannaanka dimuquraadiyadda, xorriyadda, madax-bannaanida iyo sinaanta muwaadiniinta, wada-shaqaynta Golayaasha qaranka. Cabdicasiis Samaale, waxa uu tusaalayaal u soo qaatay suugaan tira badan, Aayado quraan ah oo sifayna hab-dhaqanka hoggaamiyaha wanaagsan iyo ka xun. Waxaanu tilmaamay in Daahir Rayaale ku sifoobay hoggaamiye hoggaankiisu qalooco.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Rayaale waxba aanay u qaban dadkii xorriyada maanta
la haysto keenay ee ku soo naafoobay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey iyo kuwii ku dhintay agoontii ay ka tageen. Hase ahaatee, waxa uu
sheegay in haddii ay yihiin Xisbiga KULMIYE ay waxbadan u qaban doonaan oo sida maanta loo ilawsan yahay aan loo illaabi doonin ciddii dalkan naftooda iyo

maalkooda-ba u soo hortay. Muuse Biixi waxa uu si weyn ugu mahad-celiyey Kumannaanka taageere ee Xisbiga KULMIYE isu soo baxa ay sameeyeen awgeed.Waxa
iyaguna mahadnaq kaas la mid ah u jeediyey taageerayaashooda Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Guddoomiyaha ololaha
doorashada Gobollada Galbeedka ee Xisbiga KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, Jaamac-Shabeel oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE iyo Masuuliyiin kale oo


dhammaantood halkaa ka hadlay ayaa muujiyey dareef farxadeed oo ay ku qaabileen taageerayaasha tirada badan ee isu soo baxay.
Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), oo aad uga mafsuuday wacdaraha ay taageerayaasha Xisbigiisu
muujiyeen maanta. Isla markaana waxa uu dadweynaha kula dar-daarmay inay ilaaliyaan nabadgalyada, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo khalkhal galin kara
hannaanka nabadgalyada iyo habsami-u-socodka doorashada Madaxtooyada ee ololeheedu bilaabmay. "Walaallayaal waxaan idiin soo jeedinayaa inaad nabadgalyada
ilaalisaan, Booliskana la shaqaysaan. Waana inaynu Xisbiyada kale maalmahooda ololaha xaqdhawrno..." ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu sharraxaad ka bixiyey barnaamij-siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE, oo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan doorashada
madaxtooyada 26-ka bishan juun ay ka rumayn doonaan hirgelinta barnaamijkaas oo ay dhawaan soo bandhigeen. Waxyaabaha barnaamijka KULMIYE ka mid ah ee ay
xoogga saari doonaan KULMIYE ahaan haddii ay talada qabtaan, waxa uu ku sheegay Axmed-Siilaanyo, inay yihiin horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka,
biyaha, waxbarashada iyo sidoo kale, horumarinta siyaasadaha arrimaha gudaha, dibadda, dib u habaynta magaalooyinka, dhisidda waddooyinka, ilaalinta
nabadgalyada, isku-duubnida bulshada reer Somaliland, daris wanaagga waddamada jaarka, xidhiidhka caalamiga ah, citiraaf-raadin, darajo u samaynta Ciidamada
qalabka sida ee Somaliland (Millatariga iyo Booliska), daryeelka shaqaalaha dawladda iyo qodobbo kale oo badan. "Madaxweynaha maanta talada hayaa (Rayaale),

siddeed sano oo uu codka dadweynaha shan ka mid ah ku fadhiyey, dheeraadna ku darsaday wax allaala wax uu ummadda u qabtay ma jiraan. Laakiin annagu KULMIYE
ahaan waxaannu ballan-qaadaynaa barnaamijka Xisbiga ee aad wada aragteen inaannu ka rumayno hirgelintiisa haddii aad na doorataan. Sidaa daraadeed, waxaan
Walaallayaal idinka codsanaynaa inaad codkiinna na siisaan." Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.Waxaanu mar saddexaad ku celiyey Siilaanyo inaanay dhibaatayn
doonin shaqaalaha dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta la ciirciiraysa Boqollaal Baabuur oo ay ka babbanayaan Calamada Xisbiga KULMIYE iyo ka Somaliland,
isla markaana ay badankooda ku rakiban yihiin codbaahiyayaal ay ka baxayaan heeso u gaar ah Xisbiga KULMIYE iyo kuwo waddani ah oo laga soo bilaabo oo illaa
aroornimadii hore ee saaka dhawaaqooda laga maqlayay qaybaha kala duwan ee Hargeysa iyo Sidoo kale Kumannaan qof oo taageerayaasha Xisbigaas ah oo qaarkood
ku labbisan yihiin calanka kulmiye, ka Somaliland, oo ay ka tosheen Duruuc, shaadhadh, dallada, Jalaabbiibiyo, Masarro iyo kuwo lulayay calankaas iyo caleemo
cagaar, kuwaasoo lug iyo gaadiid-ba ku gaaf-wareegaya gudaha Caasimadda illaa wakhtigan,iyaga oo kolba dhinac u qaadaya waddooyinka dhaadheer ee magaalada.


Si kastaba ha ahaatee, Taageerayaashan KULMIYE waxa ka muuqday shucuur aad u saraysa iyo dareen farxadeen oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan
Xisbigaasi KULMIYE. Waxaana la odhan karaa, taageerayaashan maanta isku soo baxay magaalada Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE, waxay aad uga badnaayeen
taageerayaasha Xisbiga UDUB oo iyagu shalay oo ahayd maalintii

heesta kulmiye

Thursday, June 3, 2010

waa maxayJACEYL,MISE LOO DHINTAA,YAASE UDHINTAY?

Back To Home Page 1-Waa maxay jacayl? Runtii waa sual yaab leh oon la dhayalsan Karin.

Runtii lama mid aha sualaha kale.

Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin.



Hadaba maxuu u kala baxaa jacaylku?.

Jacaylku waxa uu u kala baxaa sidan. Mid waa midka aad jeceshahay waalidkaa,walalahaa,qaraabadaada iyo asxaabtaada.



Muxuu ku yimaadaa jacaylku?

Waxa hadaba jacaylka ka horeeya ka helitaan aad qofka ka hesho. Ka helitaanka ayaa hadana waxa uu u sii kala baxaa noocyo farabadan sida qof aad heesihiisa jeceshahay, ama aad masalaadiisa jeceshahay.

Tusaale ahaan aniga waxaan ka helaa ama jecelahay in aan dhagaysto heesaheeda fanaanadii caanka ahayd ee Saynab-Cige,. Hadaba taas macneheedu ma aha in aan Saynab-Cige u jecelahay rabitaan dumar nimo.

ARAGTIDA.

Waxa ugu horeeya waa aragtida, waaaaaw, wuu ku cajabiyay,waa qodobka ugu horeeya.

Iskama yimaado jacayl adiga oon arag qofka, gabar ama wiilba.

Tusaale, wiilkaas ama gabartaasi aad ayay u quruxbadan tahay, la soco indhaha ayaa ka helay wali waa ka helitaankii. Ama filimkii aan galay waxa ku jiray gabar ama wiil aad u qurxoon.

Mar labaad waa ka helitaan.’



Goorma ayuu isku badalaa jacayl?.

Waa marka aad la kulanto,ood aragto,maqalkiisa,hadalkiisa,dad ladhaqankiisa,ixtiraamkiisa,

Dulqaadkiisa,.

Si kasta oo wiilku ama gabartu u qurxoontahay hadii aynan dabeecad lahayn ama uunan lahayn,ka helitaanku ama jacaylku waxa uu soconayaa mudo yar.



La soco ma iibsan kartid jacayl, waa laga yaabaa in aad qof ku raacdo lacag ama qurux, lakiin taasi waa mudo yar. Hadaba marka aad ogaato qofkaasi sida uu u dhaqmayo ayuu bilaabmayaa jacaylku ood leedahay, ooh waan jeclahay, macnaheedu waxay tahay waxaad iibsatay isaga oo dhan, awal waxaad ka helaysay quruxdiisa ama quruxdeeda oo kaliya.

Lakiin hada waxa uu isku badalay,dabeecad wanaag,dhib la-aan,iyo daryeelid uu kuu hayo.



Goorma ayay Timaadaa Runtu.

Intii hore waa barashadii aad baranaysay qofka,hada marka aad isla soo dagtaan oo aad isla garataan in aad is guursataan ayay runtu bilaabmaysaa. Qaarkiin markiiba waxyaalo yar yar oodan markii hore arki jirin ayaad arkaysaa, adiga oon eegeyn arimihii jacaylka keenay ayaad markiiba niyad jabaysaa.

.

Maxaa lagaaga baahanyahay Hadaba.

Lasoco qofkan aad isla soo dagteen, iskumeel kumaydan soo korin, laba reer oo kala duwan ayaad ka kala timaadeen. Reer faqiir ah,reer taa jir ah, reero dabeecad xun,reero kla dhaqan duwan iwm.

So hadaba(Respect these different) don’t force you self someone you are not.

Qodobka ugu horeeya.

(1) Ha is ku dayin in uu partnerkaagu isbadalo ama sameeyo waxaad jeceshay(don’t try to change your partner just like you) waxa laga yaabaa in uunan ka helin ama dhib sanaayo.

(2) There is diffirent between falling in love and been in love.

Way kala du wanyihiin marka aad qofka barato iyo marka aad la soo dagto

Marnaba ha filin in aad hesho jacaylkii hore, lakiin filo ama isku day in aad hesho- waxa afka qalaad lagu yiraa ( a mature relelationship)

(3) La soco emotionku wuu is badalayaa markaa hel mid dagan inta aad raadinayso kii hore oo kale.



Agree to disagree.

(4)Face it. la soco waxa jiri doona arimo yar yar oodan waligii xaliyi Karin(solve)

Oo aad u adkaan doona, laakiin waligiin isugu yimaada meel dhexe.

Labadiina qof kamid ah waa in uu lumiyaa valuegiisii, si uu u badbaadiyo guurka, waana in uu iska ilaawaa wax yaalo farabadan oo uu jeclaa.

(5)Lkiin mar walba isla ogolaada wax yaalaha basiga ah sida, caruurta,,guriga,shaqada,dhaqaalaha,iwm, si uu u badbaado guurku(relaionshibku).

(6) Macno male waxaad samayso, ee waa sida aad u samayso.

Mar walba waa in aad ka hadasho waxa familiga dan u ah , ee ha ka hadlin waxa adiga dan kuu ah. Hadii aad isku daydo in uu partnerkaagu sameeyo wax alla waxaad jeceshahay, arimuhu waxay isku badalayaan xumaan.

Isku day in aad fahanto qofkan, waxa uu jecelyahay ,waxa uu dhib sanaayo, meelaha uu jecel-yahay in uu aado.

Ha ku canaanan waxyaalaha qaarkood, lakiin isku day in aad tusto waxa dan idiin ah.

Waxa aad u fool xun adiga oo gurigaagii u soo socda oo hadana dhibsanaaya, oo leh alla-tii ama kii ayaa igaga horeeya. Isku dulqaata.



Obs. Artcale kan waxa uu khuseeyaa dhamaan Somalida qurbaha dagan.

Hadii qaarkiin ka helin ka raali noqda—mana dhamayn wuu sii socdaa.

Wax alla wixii fikrad ah waad ka dhiiban kartaa, qalad iyo saxba.



Jacaylku waa shay qaali ah oo ku lamaanan Nolosha Aadamaha , waxaana loo soo gaabiyay sidan :-

L (lack of pleasure)
O (ocean of sad)
V (vellay of deeth)
E (end the live)

Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada English ka ah oo Micneheedu yahya jacayl , erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha isla markaana waad dareemi kartaa Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl:

J (jawhar)
A (amakaag)
C (calaacal)
A (anfariir)
Y (yaab)
L (luul)

Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku marba Haduu yahay jawhar marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab, iyo luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree marka jacaylha Waa run hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar waxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu qaraarka noqonayana waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka ninka ama haweenta.

Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahay, Dad uu necebyahay, Waxyaabo ay wada socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago,Waxyaabo uu Jecelyahay, Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay suura gal u yihiin:

Aabihiis -Nasiib
Hooyadiis -calaf
Walaalihiis -dadaal
Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah
Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn
Waxyaabo ay wada socdaan -dookha
Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo
Meel uu dago - qalbiga
Waxay wada socdaan -- Dookha
Hadaba jacaylaka haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale??? Jawaabtu waa haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa leeyahay!!!.
Dhanka luuqada carabiga ayana waxaa jira erayo kuwaas la mid ah oo laga soo gaabiyay erayga carabiga ah ee (cishqi) bal aan asagana eegno waxa laga soo gaabiyay iyo saamayntiisa

C -caniifa
SH - shamsi
Q I qadiim
Hadaba waad aragtaa erayadaas siday ay ugu base garaysan yihiin Xaqiiqda macnahoodoo ah, caniifa,adag, shamsi, qorax, qadiim, soo Jireen ah

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo
Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa

Laylo
Qays
Cilmi
Hodan
Juuliya
romeo
Grendiano

Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore) ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner.

CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan Eebahay idin qaribin qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin Waanan ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa Hooge, maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku.


Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada Jooga.

Dadka jacaylkii waxa ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn kana mamnuucan xaquuqda jacaylka waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan jacaylka hab qaldan sida qurux,lacag.qabyaalad,dano gaar ah ilaa dadkii aamineen jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan karaa lakiin jacayl lama iibsan karo Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah

Dhidid
Cuqdad
fakar xad dhaaf ah
Boholyaw
Mashquul fara badan
Qofka oo dhibsada hadalka
U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd
Tarsaas magaca qofkaad jeclayd
Cunada oo kaa xiranta
Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iwm ka sheekaysa qisooyinka jacaylka Riyo iyo qaraw

Aniga gaar ahaan jacaylka maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan ogaaday in uu jiro fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma dhinto hadalkayga aan ku soo afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa weeye

Red is red-red is blood -blood is heart -heart is love -love is life Guduudku waa guduud guduudku waa dhiig dhiigu waa wadne wadnuhu waa jacayl -jacaylku waa nolol.

waxaan umahad celinyaa marka koowaad iilaahay i waafajiyay in aan idiin soo gudbiyo dhambaalkaan qiimaha mudan waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha dhambaalkaan.

Xasuusin
Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan uga hadli doonaa insha-allah waxyaabaha keena jacaylka iyo waxa looga guul gaaro iyo waliba dareenka raga iyo dumarka ee ku aadan jacaylka

Afeef

Waxaan ka afeefanayaa wixii qalad ah uu ku yimaada akhristayaasha in ay ka raali ahaadaan waayo magafe waa alle insaana waa gafe Post Clip On Your Blog!
< CHOOSE WHICH BLOG TO PUBLISH TO >Done!

JACALKII TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO

WAXAA MAKHRAATI MADOON AH ILAA 1990KII WAXII KA DANBEEYEY IN DALKEENA HOOYO AMA SOMALIYA AY KA DHACEEN DAGAALO SOKEEYE OO AAN DHAMAAD LAHAYN WAXAA LA SOO MARAY DURUUFO ADAG DADKII WAXAA KU ADKAATAY NOLASHII WAXAA SII XUMAATAY NABADII WAXAAN DADKII OO DHAN AMA DHALIN YARADII OO DHAN KA NIYAD JABAEEN DALKEENII HOOYO DAGAALO KA OOGAN DARTEED ,

SIDAAN WADA OGSOONAHAY DHALINYARAD SOMALIYA 1992 INTII KA DANBEEYSAY WAXAY U DHAQAAQEEN SIDAY SOMALIYA UGA BIXI LA HAAYEEN WAXAANAY DADKU UKALA YAACEEN DUNIDA AFARTEEDA DACAL INTII AWOODI KARTAY WAXAY KU BAXEEN DIYAARDO YURUB HA U RACAAN AMA WAQOOYIGA AMEERIMKA INTA SOO HADHAY WAXAY KAGA BAXEEN DALKA TAHRIIB QAYB YAMAN IYO SUCUUDIGA DOONYO U RACA IYO DHANKA SAXARAHA DHEER EE SUUDAAN SOO TUMA OO LIIBAYA ISKU SOO SHUBA INTAA WAXAA DHEER DAD KU NOOL WADAMO KALE SIDA EMARATKA SUURIYA BAKASTAAN IYO MASAR OO JAALIYAD AAD U BADAN JOOGTO WAXAANA DALKII LOOGA BAXAY NINBA TAAG TII HA TALAABSADO QOFKASTA TAMARTIISU HALKAY GEEYSO AYUU AFKA SAARAY DADKU WAA NOLOL RADIS , HADAAN HOOS UGU SOO DAGO NUXARKA SHEEKDA LAMAGA BAXADAY JACAYLKII TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO

jacalku waa raaxo iyo nolol qofkastaa markuu abuurayo jacayl waxaad aragtay siyaabaha uu u dhaqamayo waayo jacaylku waxuu kobciyaa maskaxda qofka shaabka ah , sifiican ayuu isu diyaariyaa dharfiican ayuu xidhaa baarafuunka ugu khatar san ayuu isticmaala xooga jajab ah calashaan lacag ah ayuu jeebka ku sii waayo shubtaa si uu cafteeri fiican ama xadiiqo fiican u fadhiisto waxaa ka muuqda farxad aan dhamaad lahayn ilaa intuu la kul maayo amoorihiisa ama gabdhuu jecel yahay, waayo jacaylku wuxuu nuuriya dhalinyarada waana lagu darimikaraa markaad ka timaado shukaansi ama aad u socoto

waxaan u imid gabadhaan ifka ugu jecalaa oo gacanta bidix hore u sii qabsaday ilaan gacanta bidixdu qalbigeey u dhowdahaye , iyadoo aad u nuuraysa ileen gabdhaheenu somaliyeed meelkasata oo ay joogaan markay diraca bacwayna ah soo qaataan aadna isu diyaariyaan ama xafalad ha u socdaan ama aroos ha adaane aad ayaa ugu qurux badan yahiin nuur calaa nuur , waa waxaan ku raacee iyado xaraga tiicaysa ayaan waxaan hore ka raacanay TAX anagoo usii jeedna West Baladka ama dwon tonka waa Qahire ,waxaan balan ku kala qaadanay inaan calaf iyo wad mooye cidi na soo dhex galin waxaa macaantaydu usheegay inaan baxaayo oo aan tahriib gaaliyo aniga iyo dhalinyarda ila dagan aan israacayno dhanka Suudaan kadibna aan isku shubayno Liibaya hadii aan moowdku nadaayo ,



waxay gacanta saratay dhabanka waxaana ka timid ilen waxaan fadhinaa meel cafteeri ah qabta loogu talagalaya lamaanaha iswata oo uu ka shidan yahay nala cagaar ah iyadoo ilantu ka socoto ayaay igu soo celisay hadal qalbigeeda ka soo gacay waxaanay igu jawabaatay macaanoow maxamu inaad tahriibto lakiin yaad iiga tagaysaa aniga,

kol hadaanad diyaaarad racayn oo aad tahriibayso macaane inaan kula dhinto ama kula noolado ayaan rabaa meel aan kaago hadho majoogo waxaan igu cadaatay talo waxaan isku dayaay inaan fahansiyo inay tahay meeshaan maraynaa saxare lama dagaan ah oo aan waxaan ;akulmi doono ilaahay oga yahay dhankasata oo aan wax ka tuso waay iga qadan waday waxaan ka fursan wayaay inaan israacno waan ka aqbalay inay iraacdo nolashan ilaah baa haya safarkuna waa midka ugu adkaa Saxaraha iyo Bada , ibixyoow iga bad baadi weeye xaalku gaadhu waxay usheegtay 4 gabdhood oo guriga ladaganaa waxaanay 5toodu isku waa faqeen inay naaracaan ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Waxaan nahay dhalinyaro aad isu jecel oo rag iyo dumarba leh oo dagan magalada qaahiro sidaa lawada ogsoon yahaya qaahiro waxaa loo dagaa qayb qayb raga way wada dagaan dumarkuna way wada gaan. Waxaa qofna daah ka saarneen in somalidu meelkasta oo ay africa ka joogto niyadooda ka maqneen dhoof, in uu ku fakaro siduu africa uga bixi lahaa haduu awoodo iyo hadii kaleba , qofki arkay qaahiro ayaa yaqaane qaahiro waxay leedahay hal wado ama hal jid oo laga soo galo laagana baxo waa madaarka qaahiro , 2003kii ma jirin sida qaahiro tahay hada masar way iska ka xidh xidhneed mayjirin layman sidaas u badan oo lagu baxo waxaa dadka soo martay fursad lagu tahriibayo oo lagu aadayo LIIBAYA waxaa lagu bixi jiray basaaboor JABUUTAN ah ,

waayo baasaaboorka somalidu wax qiima ah mala heen meel dunida lagu adikarana majirto . baasboorka jabuutaanka ah qaali ayuu noqday waxaanu qiimahiisu gaadhay 1000$ ilaa 1200$ waxaa soo xidh may xadkii u dhaxeeyey

MASR iyo LIBAYA oo lagu fahamay basaaboorka jabuutaan ka ah in lakala iibsado oo uu fujis yahay , mudo 6bilood ah ayaay magaaldu xidhneed waxaan nagu soo dhacaday inaan tahriib galno tahariibtaaso oo aad iyo aad u dheereed waxaaan go'aan ku gaadhnay ku faataxaysanay inaan SAXARAHA SUUDAAN dhex qaadno ,

suudaan waa wadan aad u wayn waxay xad la leedahay wadamo aad u badan waxaa ku yaala saxaraha ugu wayn waqooyiga afirka waxuu udhaxeeyee LIIBAYA MASR IYO SUUDAAN .dhulka intiisa badan saxaraha geed malahan, wado lamaro malahan, wax xaywaan ah oo kunool malahan waa meel aan geed lahadhsado iyo meel loo ciirsado lahayn haduu gaadhig kula jabo nolasha dhan waad ka samaraysaa waxaa ku hor imanaaya aduunyada oo dhan waxaan is waydiin naysaa tolol ma noolaandoontaa , adigoo isku ciilkaan biyaaya aad dhimatide yaa dadkii kaa gadh siyo sida silica leh ee aad u dhimanayso waxaana dadka dila haduu gaadhi lajabo haraad iyo qorax haday samar tahay, hadii kalana qaboow ayaa dila, ileen markaad Saxaraha joogto cirka iyo dhulku way is haystaan aduunyo meel ay kaa xigtana ma garanmaysid alahayoow na sama bixi ileen meesha dadku ku noolyahay ayaa xaywaankuna joogaa cidlooya wahel baa layidhi tane aduunka waxaa la isu qurxiyaa ama la is qaad qaadaa waa markaad nolasha arkaysid

qofku wuxuu iline aan cawinaad lahayni ka tamidaa markuu meel aanu cidna habelow ka yidhaahdo joogin nafeey cartan wayn qofku doonay,

ku waa saxaraha waxaa ka baxa nin ducaysan iyo nin nasiible mucjisad aan saxaraha ku araganay hadaan wax kii taabto saxarahu wuxuu leeyahay duufaan wareegaysa labad qof ee wada socda markay dabayshu ku timaado hadii uu qofba qofka kale uu taabto ama gacanta saaro waxaa korkiisa ka kacaysa maanso koronto qof ay qabtay camal indha ilintu way kaa dhamaan dibnaha waad isku qaban waayi waayo afka waxa qurxiyaa waa waa dibnaha haday biyahu ka dhamaadan afka dibnahu waygudhaan ama biyaha ayaa ka dhamaada indhaha baalasha way kaa duulayaan waxaas oo dhan waxaa u sabab ah Saxaraha ku caan bacay FUNDUQ SAXARAA waa meel aduunyo iyo aakhiro meel aad u socoto aanad aqoon bini aadanku waa diciif adiga iyo dharka aad isdato ayaa is dhibsanaya maalintii waa waa banaan cidla ah oo kuleel aadan socon karayn habeenkiini qaboow gu wuxuu gaadhaa in jidhaakagu kuleel isu badalo ibixiyoow iga bad baadi

01/01/2003 ayaan waxaan ka dhaqaaq naya casimada Masr waa Qaahire, waxaan xaafada caanka ah ee Qadartuuni uga baxanay 9wiil iyo 5 gabdhood waxaan ka baxanay subaxii Bas wayn oo ah nooca dalxiisayda waa Subar jat nooca loo yaqaan 14 ruux ee wada socdaa aad ayaan u farax saneen hadan aad iyo aad ayaan isugu kalsooneen waayo waxaan ka soo wada baxanay 9kayga wiil hal guri 5 gabdhoodna sidoo kale waxaan ahayn dad isku duuban oo aad iyo aad isu daneeneynayo , aniga iyo lamaanahaygu waxaan wada fadhiisanay kurisaga dhexe baska waxaan habeenkii oo dhan soo saarneen baskii waxaan soo galnay Aswaan 08:30 subax nimo anagoo xoogaa dhafarsan waxaan kiraysanay huteel halkii ayaan maalinkii iska jiifnay waxaan huteelka ugu tagnay dad somali ah oo iyna qaahiro ka soo baxay waxaan huteelka kaga taganay markaan qubaysnay gabadhahii waxaan hore ka aadnay Qunsulka Sudan u fadhiya Aswaan cabaar ayaan meesha la sheekay sanay Qunsulka isagoo nagula kaftamay Sudaan Waa meel aad u kulul maxaad ka doonaysaan waxaanu nasiiyay fiisooyinkii iyadoo halkii nalaga reebay hal wiil oo ka mid ahaa 26qof oo reer masr ah oo aan is naqaano oo iyana ku jiray habaqlaha tahariibay ee saxaraha dheer dadkii ayaan meesha ku sheekaysnaynay waxaan isku noqonay marka la isku kaayo daro 40qof oo isugu jira Rag iyo Dumar

waxaan subaxii 03/01/2003 aan markab ka raacanay Magaalad Aswaan Waxaan bada ku sii jirnay habiinkii oo dhan waxaan ka dagnay magaalad Waadi Xalfa oo suudan ku waa subax talaado waxaan hore ka galanay inaan raadino meesha sida looga bixi lahaa waa Waadi Xalfa ee waxaa naloo sheegay inay Xalfa ka baxaa Tareen iyo Gawaadhi xamuul ah oo ah nooca loo yaqaan ZY,

waxaana hore ka camiranay 40kayagii qof gadhi Zy ah ,

galabtii hore ayaan ka baxanay Xalfa habeenkii oo dhan waan sii soconay maalinkii kalana waan sii socanay, Waxaan galanay Qartuum subixii danbe oo Jimce ah waxaan taganay Meel aad iyo aad u Rafaadsan waxaan isku dhacanay darawalkii gadhiga waday isa goo leh waxaad joogtaan Qartuum ee iga daga , Qartuum waa meel aad iyo aad rafaadsan Waa meel kuleel lakiin anagu waxaan ku aadnay xili qaboow ah ,

wiil ayaan wacanay Qartuum jooga wuu noo yimid 40keeni qaahiro waan kala jabnay waxaana ku balanay bixitaanka , 14 kayagii qof ee hore u wada socday waan isracanay intii kalan waay is raaceen , qartuum wayna soo dhawaysay waxaan jooganay 3maalmood Caasimada Suudan waa gacanka maroodigee ama Qartuume, dadka reer Suudan aad bay noo soo dhaweeyeen waxaan meesha nalooga bixiyaay 40ka qaahiro ,

Suudanta degan qartuum waa Dad aad u saciim ah oo aad u wanaagsan khaasatan intaan la kulanay ,Qartuum waxaa looga baxaa Gawaadhi nooca loo yaqaano Lankuriisar ama nooca somalidu u taqaan Cabdibile cabdi waxaa Qartuum ku arkaysaa somali badan oo ka soo qulqulaysa dhanka Etoobiya oo koox koox isula socota oo afka ku sii haya Saxaraha lama dagaanka ah, ayagoo hiigsanaaya inay galaan Liibay ,

Sidaan wada ogsoonahay waa laba masiibo hadaad saxaraha ka gudubto waxaa kuu taala oo ku sugaysa doonta bada iyan waa saxarakale waa kud ka guur oo qanjo uguur ,

hadaan sii wado sheekada waxaan raadinay dilaalo si aan u raaco Cabdibile aan saxarahar ku marno .nasiib wanaag waxaan helnay nin aad u fiican oo darawalna ah oo meeshan dilaal wayn ka ah oo ku magac dheer Digir ama ilkacase

waxaana meesha ka bilownaya gorgortan waayo waxaan nahay dad isku xidhan , gaadhiga Cabdi bilaha ah waxaa lagu fuulaya 33 qof oo rakaab waxaana lagu racaa lacag gaadhaysa 450$ oo u dhiganta 1,200,000 halyan iyo laba boqol oo kun oo lacagta suudan ah qofkasta oo naga mid ah wuxuu iska diyaariyaay lacagatan gaadhaysa 450$ waxaan gaadhi u dirsanay Digir si aan isugu diyaarino socaalka dheer ee Saxarahar u dhaxeeya

Liibay iyo Suudaan.

ileen jacaylku waa nacab, dhuux iyo lafaha gala , dhagar qabe dadkaba dila ,dheel dheelna kuma baxo

dheeraa wada wadankuna fogaa walabaaharku kulaal . aniga iyo macaantaydu waxaan iska hay sanaa gacanta ileen markay dadka isjecl ay safar wada galaan aad ayaa la isul sii jeclaadaa waa aduunyo aan la ogeen bari waxa dhici doona gacalisadaydu waxay marksta ileedahay ,dad is raacoo aan kala raysan karin runtii waa inaga anigua waxaan leeyahay yaa cayuuni rabanaa yakhalik macaaney dhib iyo dheefba waan kula qaybsanayaa haka baqin ,

waxaan dareemaya markaan xasuusto jacaylku heerkuu iga gadhay , sifiican indhahagay uma siinkaro macaantayda ,

waxaa hore loo cadeeyey jacaylka markuu hayo raga waxaa kale uma muuqdaan ilaa gabadh uu jecelyahay mooyee , balan wuxuu inoo yahay bad baadiyo salaane axdi baajin maayee adna haygu bayli hin,



lasoco sheekadan QAYBTA 2-AAD

------------------------------------------------

W.D: mubaarig A/risaaq.{Aambassador)
E-Mail:-mubaarig22@hotmail.com

Aar Maanta_Dhadhami

Saafi Aar Maanta Hiddo & Dhaqan

batalaale

kaynaan